Sign in to follow this  
OLOL

ma Ina Dahir aweys buu ahaa mise tolow Suudi Yalaxow

Recommended Posts

OLOL   

it is a somali comedy at its best creative take on Yeey's chickening out of Jowhar!

 

enjoy it

 

------------------

 

 

Cabdilahi Yusuf: Ninka garka dheer ee horkacayay Ciidanka Jowhar ku soo dhawaa markaan ka degi rabay ma Ina Dahir aweys buu ahaa mise tolow Suudi Yalaxow?????

 

Sheeko siyaasadeed:

 

Doha Waagacusub.net

 

Mudane Madaxweyne ka waran sida Seatlet-kii aan wadanay u soo qabtay Ciidankii uu watay ninkii Garka dheeraa xilligii aan Jowhar ku degi rabnay’wale iyo bile af libaax baan ku dhici gaarnay.

 

Madaxweyne Yusuf: Mujaahid baad tahay wale iyo bile ,horta waxaan ku weeydiiyay ninka garka dheer ee horkacayay maleeshiyadda kaabiga u saarneed Jowhar ma kii Al Itixaadka ahaa ee Ina Dahir aweys buu ahaa mise Muuse Suudi Yalaxow?

 

La taliye: Walaahi anigu saani uma arag oo xilli qorax dhac beey ahayd laakiin Madaxweyne Xasan Dahir aweys buu ahaa sababtoo ah Maleeshiyadda uu watay dhamaan Camaamado ayaa u xirnaa ala tira badnaayeenaa,mida kale Muuse Suudi Gerkii iska xiir waa hore oo ma ahayn.

 

Madaxweyne Yusuf: la taliye warka noo jooji nin Gardheer baa nagu soo socdee meeshuna waa dal carbeede.

 

Wadani Somaliyeed: Asalaamu Caleeykum Mudane Madaxweyne??????

 

Madaxweyne Yusuf: Dantaada ka hadal iyo waxa aad iigu socoto????

 

Wadani Somaliyeed: Madaxweyne waxaan ahay Nin ka socdaa jaaliyadda dalkaan Qatar bal marka hore Caafimaadkaada iiga waran?

 

Madaxweyne Yusuf: Caafimaadkeeyga laguuma dirsan ..Beerkeeyguna kaadaas waa ka Caafimaad badan yahay , ee waxaad iigu timid aan ka wada hadalno ?

 

Wadani Somaliyeed: Ok Madaxweyne’anigu kaalama hadleeyn beerka laakiin hadaan kaala hadlo ujeedkeeyga waxaan wakiil ka ahay Jaaliyadda Somalida ee dalkaan Qatar ku nool waxaana dooneeynaa inaan kula kulanaa marka waqti noo qabo?

 

Madaxweyne Yusuf : Adigu horta Ina ayaad tahay isu keey sheeg?

 

Wadani Somaliyeed: Anigu ilama ahan inaad I taqaan?

 

Madaxweyne Yusuf: Dadkii hore waan garanayaa ee magacaada oo sedexan ii sheeg?

 

Wadani Somaliyeed: Maxamed Cali Xaayoow ayaa leey yiraa Mudane Madaxweyne?

 

Madaxweyne Yusuf: laba sababood aawgeed kulama sii sheekeeysan karo marka na kala daa maandhoow!!.

 

Wadani Somaliyeed: Maxay yahiin labadaas sababood?

 

Madaxweyne Somaliyeed: Inta aanan kuu sheegin Aaabahaa gartaye,Hooyadaa iyo Xaaskaaduna waa qolama?

 

Wadani Somaliyed: ma garan Mudane Madaxweyne waa qolama waxaad ula jeedo?

 

Madaxweyne Somaliyeed: yacni waa ina ayo magacooda oo sedex ii sheeg?

 

Wadani Somaliyeed: hooyadeey waxaa la dhahaa Xaliimo Xamuud Calasow,Islaanteeydana waxaa la yiraa Faay Jimcaale Cosoble..:

 

Madaxweyne Yusuf: In awoowgaa la yiraa xaayoow iyo in sida ii muuqatay aad tahay qolooyinkii Gardheerta ee Lacagaha faraha badan u direeya shayaadiinta Xamar joogta ayay tahay labadu aan isku maandhaafnay anigu kuwa adigga oo kale ah dhangad baan la dhici jiadhay ninkaagaas garka dheer na kala daa.

 

Wadani Somaliyeed: Madaxweyne Xaayoow ma dakana gooni ah buu kaa galay?garkoo la deestaana soow ma ogid inuu Suna yahay?

 

Madaxweyne Yusuf: waar aaway ilaaladii ninkaan dibadda iiga saara,waadna qaldan tahiin mar dambe ha ii soo gudbino qolooyinka Xaayoow iyo Gardheereyaasha.

 

Ilaaladda Madaxweynaha: Ok mudane Madaxweyne hada waxaa kuu joogo nin Carab ah af carabi buu nagula hadlay waxaana ka fahamnay Al ra’iis Cabdalla,maxaanu ka yeelnaa?

 

Madaxweyne Yusuf: anigu bari dhaweeyd Casharkii la siinayay waxaan ka xasuustaa Eshtabqaa toloow maxaad rabtaa miyeey ahayd mise waxaan rabaa? War ninkii Cusmaaciil buubaa ahaa xagee ka baxay Ninkaa baan Carabka isaga haleeyay oo barigii dhaweeyd ee aan ka qeeybgalayay Janaasadii Carafaat beey qolooyinkii Carabta tii xumeeyd igu dhigeen’Ninkii Juriile ahaabaa igu yiri anigaa carabiga Xariif ku ah ileen ninku waxaan Talyanigu ahaynba ma aqoon la ogaa ee iska daa?? waxaan idin dhahay ninka af ingiriis kula hadla.

 

Xoghayntii Madaxweynaha: Sir What is your name?

 

Nin Carbeed:Laa haada luqatul Isticmaariya ,xaaram’ anta muslim?لا هذا لغة الإستعمارية أنت مسلم

 

Anaa min safaarah liibiya uriidu Ra'isu yusuf'

 

أنا من سÙارة ليبيا أريد رئيس يوسÙ

 

Xogheyntii Madaxweynaha : ba ba boowe muxuu ku hadlayaa ma anagaa xaaraan ah waa maxay isticmaarka 'malaha Isagana Ingiriiska ayuusan aqoon inaan caayay buu u heeystaa'madaxweyne ninka Liibiya ,isticmaar iyo xaaraan intaba waa sheegay.

 

La soco sheeko kale oo qadka Telefoonka ku dhexmartay Cabdilahi Yusuf iyo Maxamed dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this