Sign in to follow this  
Tahliil

Qanyare: 8 milyan ayaa maqan

Recommended Posts

Tahliil   

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ka hadlayey fadhigii Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo ayaa si weyn u eedeeyay guddigii qaban qaabada iyo guddoonkii shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho in ay ahaayeen kuwo isdaba mariyay dhaqalihii uu caalamka iyo Sacudiga ay ku bixiyen qabsomida shirkas.

 

“Shirkii Muqdisho wuxuu ahaa mid lagu dhacayey naagaha yaanyada iyo maqaayadaha oo lacag badan jeebka lagu ritay, waxaana cadeyneysa inta deyn sheganeysa naagaha yaanyada, maqaayadaha, baararka, baabuurtii ergada iyo hoteeladey seexanayeen ay sheeganayaan, marka nimanyahow macquul ma tahay in 8 Milyan 45 beri lagu leyn karo, waxaa taas daliil u ah iney jeebka ay ku shubteen rag caan ah oo la yaqaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare oo cambaareyn kulul dusha ugu tuuray kooxo uu ku tilmaamay iney dhacayeen shacbiga.

 

“Cid alle cidey tahay Madaxweynaha ha ahato in loo yero, Ra’iisul Wasaraha, Wasiirka Maliyada iyo cidii amartey oo saxiixdey lacagtas in la baadi goobo oo lala xisaabtamo, maxaa yeelay 8 Milyan waa lacag aad u badan waxaana cad in jeebka lagu shubtay, waxaana ka codseyneyaa Sacuudiga iyo wadamada deeqda bixiya iney baaraan sidii ay ku baxday iyo deynta la isku heysto” ayuu yiri Xildhibaan Qanyare oo ka codsaday in bixiyo lacagaha deynta ah ee ay sheeganayaan haweenka.

 

Hadalkan ka soo baxay Xildhibaan Qanyare ayaa u muuqda mid hordhac u ah eedeynta uu u jeediyay mas’uuliyiinta dowladda iyo guddigii qaban qaabada shirka oo iminka booqasho ku jooga dalka Sacuudiga uuna Sacuudiga sheegay in uu kaalmo kale oo dhaqaale u fidinayo wejiga labaad ee shirka.

 

Afhayeenkii shirkii dib u heshiisiinta C/raxmaan Maxamuud Jimcaale “Shifti” ayaa si kulul u beeniyay hadalka ka soo baxay Xildhiban Maxamed Qanyare oo uu ku tilmamay inuu yahay mid aan nin mas’uul ah ku hadaaqin isagoo sheegay in hadalkasi uu yahay qadaf loo geystay mas’uuliyiin ayna ku kala baxayaan sharciga hortiisa maxkamadna ay kala saari doonto.

 

Garowe Online,Muqdisho

 

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Qanyare_oo.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi kii wax ku aaminaa ka gardarnaa awalba.

 

He is first and last a businessman. First reason and last reason anything he does has to do with lacag and more lacag.

 

Waa kaasaa masaakiintii lasoo luggooye, tuulooyinkii laga soo kaxeeye, oo laaluush loo sheegay warbaahinta ka cabaadaayo.

-------------

 

Cabashada Ergooyinka shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo soo xoogeysaneysa

 

Waxaa isa soo taraya cabashada ka imaaneysa ergooyinka Shirka dib u heshiisiinta beelha Soomaaliyeed ee ku aadan inay tabanaayaan cadaalad daro. islamarkaana qaar ka mid ah ay ku doodayaan inay weli la'yihiin gunadii ay xaqa u lahaayeen.

 

"Waxaan ku qornaa xubnaha aadaya Sacuudiga, balse waxaa booskeyga lagu qoray shaqsi kale oo aan ergada shirka ka mid aheyn" ayuu yiri C/laahi Jaamac Cali [Madoobe Awjaamac] oo ka mid ah ergada ka timid gobalada Jubooyinka, wuxuuna xusay in aan loo baahneyn in la mucaarido shirka, balse la doonay wixii saxitan ah.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Madoobe Ow Jaamac in Gudiga shirka looga baahnaa inay si cadaalad ah ay wax ugu qabtaan Ergooyinka shirka, wuxuuna cadeeyay in sidoo kale ergooyinka shirka intooda badan la siinin Gunooyinka ay lahaayeen, isagoo xusay in shirkii dib u heshiisiinta lagu gaaray maslaxad caam ah, islamarkaana ay Ummadda Soomaaliyeed heshiis buxda ku gaartay.

 

Dhinaca kale waxaa isna wareysi la yeelanay Nabadoon Maxamed Aadan Xirsi oo ka mid ah Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta Beelha ee ka yimid Gobolada Puntland ayaa cadeeyay in shirkii dib u heshisiinta Beelaha ay ka dhacday wax is daba marin badan, wuxuuna carabka ku dhuftay in ay ka maqan tahay xuquuq fara badan.

 

Ergooyinka cabanaaya ayaa noqday mid ay saxaafadu aad ula yaaban tahay, kadib markii ay noqdeen kuwo tira beel noqday, waxaana jira in ergooyinka intooda ay ku doodayaa helida Gunada ay leeyihiin iyo in laga tagay safarka dalka Sacuudiga ee ay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ergooyinka ay ugu ambabaxeen Boqortooyada Sacuudiga.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intuu ummadda dhici la haa qowlaysato aan meel loogu hagaago jirin oo kaligii eeriboortooyin meel ka xaarxaarta si uu dadka safarka ugu baarto oo uu isbaaro u camirto, intuu qanyare ummadda dhici lahaa, mid magac dowladdeed wata ha na dhaco...

 

Marka hore muu yidhaahdu ha layla xisaabtamo, rag baan la xisaabtamayaa e!!!!!? redface.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Ani 8million kiisana ma'aqaaniyee, did he say "Naagaha"...He sure is lucky I wasn't there...Afkaa kab kala dhicilahaa...Naagahay ku yeh...Oo ma isagaa naageysatay...Balaayo!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this