Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf holds talks with Shiekh Khalifa of UAE moving on to Oman

Recommended Posts

Abu-Dubai: Madaxwaynaha Soomaaliya oo xalay shir Abu-Dubia kula yeeshay Shiikh Khaliifa Binu-saayid masuulka ugu sareeya dowladda UAE

- Thursday, November 11, 2004 at 00:10

 

Abu-Dubia (AllPuntland)- Madaxwaynaha DFK ee Soomaaliya Md Cabdullaahi Yuusuf Ahmed ayaa xalay shir la yeeshay shiikha ugu sareeya Imaaraadka Carabta ee Sh. Khaliifa Binu-saayid oo ah masuulka ugu sareeya dowladda UAE.

 

Kulanka labada masuul, ayaa sida wararku sheegayaan ay uga wada hadleen, iskaashiga labada dhinac iyo sidii waliba dowladda Imaaraadku gacan dhaqaale uga gaysan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya. Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo oo shalay galinkii dambe diyaarad khaasihi ay ka soo qaaday wadanka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in - ka hor inta aysan dib ugu laaban magaalada Nairobi ay soo maraan dalal kale oo Carbeed.

 

Socdaalka wafdigan oo ujeedkiisu ahaa sidii taageero loogu raadin lahaa dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa wafdigu waxay horey u soo mareen dalalka; Ugandha iyo Yemen.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xalay gaaray

dalka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha dowlada ku meer gaarka ah ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii la socday oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa xalay gaaray Magaalada Abu Dabai ee dalka Imaaraadka kadib markii uu ka soo kictimay dalka Sacuudiga.

 

Wararka ayaa sheegaya in C/llaahi Yuusuf uu casuumaad ka helay madaxda dowlada Imaaraadka isagoo kala hadli doona sida la sheegay doorka Carabta ka cayaari karaan arrimaha soomaaliya marka laga hadlayo dib u dhiska dalka soomaaliya, iyadoo warar kale sheegayan in madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka dalbaday wadamada Carabta ee socdaalka ku tagay in ay ka qeyb qaatan qorshaha soomaaliya hubka looga dhigayo oo Carabta ciidamo u soo diraan.

 

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Abu dabai Wasiirka warfaafinta dalkaasi Xamad C/raxmaan Al-Midfax,Madaxda Madaxtooyada dalkaasi, Danjiraha soomaaliya Imaaraadka Xuseen Maxamed.

 

Xubnaha wafdiga oo isla xalay kulan la yeeshen Madaxweynaha Cusub ee Imaaraadka Carabta Khaliifa Bin Zaayid Al-Nahyan, wuxuuna C/llaahi Yuusuf uga tacsiyadeedyay geeradii ku timid aabihiisa Sheekh Zaa’iid, kadibna waxay ka wadahadleen Xiriirka Labada dal.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay isla Xalay booqdeen Qabriga Madaxweynihii hore dalkaas Ex Sheekh Zaa’iid, kadibna waxaa la dejiyay Guri si weyn Ammaankkisa la sugay sida ay ku waramayan wararka naga soo gaaraya Imaaraadka Carabta.

 

Mr Yuusuf oo intii uu joogay Sacuudiga la kulmay Ninka iska leh dhahalka Boqortooyada dalkaasi ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen xiriirka Labada dal iyo xayiraada carabta saareen xoolaha soomaalida ee dalalkaas loo dhoofin jiray, iyadoo sacuudiga si hoose u ballan qaadeen in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka soomaaliya.

 

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha soomaalida C/llaahi Yuusuf u sii gudbo dalka Cummaan, halkaas oo uu ka haley sida la sheegay marti qaad Madaxweynimo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this