Sign in to follow this  
Jumatatu

Xamar and 'World Peace Day'..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Jen. Morgan & Barre Hiiraale oo xaflad loo sameeyey munaasabada maalinta nabadda adduunka gacmaha isku qabsaday

Xaflad ka dhacday hotel-ka Amiira ee KM 5 ayna ka soo qeybgalaan xubno ka tirsan dowladda federaalka, siyaasiyiin, qaar ka tirsan haweenka gobolka Banaadir & waxgarad kala duwan ayey gacmaha isku qabsadeen wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta dowladda federaalka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) & Jen. Max’ed Siciid Xersi (Morgan) oo in muddo ah maleeshiyooyin kala taageersan ay ku dagaalamayeen gacan ku heynta gobolada Jubbooyinka.

Dagaalo badan ayaan u soo joogay sida dagaalkii W/Galbeed, Xamar, Jubbooyinka iyo xittaa dalka Kuwait markii la qabsanayey 1990-kii oo Ciraq ay qabsatay anigu halkaasi ayaan joogay, ninka dagaalka iyo xabadda yaqaanana kuma deg dego dagaalka“ ayuu yiri Jen. Morgan oo sheegay in isagu uu doonayo in wixii hadda ka dambeeye in uu nabadda ka shaqeeyo.

Anigu waa markii labaad ee aan Muqdisho socdaal ku imaado markii horena hadda ayey ka fiican tahay dhinaca ammaanka, xilligii hore qad cagaaaran bey laheyd Muqdisho, hogaamiyeyaashuna isuma gudbi jirin, annagu qeyb weyn baanu ka qaadanay soo celinta nabadii, wallow ay wax inoo dhiman yihiin, haddana dedaal badan baa ka muuqda, anigu shaqsiyan waxaan balanqaadayaa in aan nafteyda iyo maskaxdeyda intaba u huro sidii nabad loo gaari lahaa, ninkii ugu danbeeyey oo aniga iyo isaga uu dagaal nagu dhexmaro Soomaaliya Jen. Morgan buu ahaa maanatana hortiina ayaan ku cafinayaa†ayuu yiri Barre Hiiraale oo isaga & Jen. Morgan ay gacmaha is qabsadeen, wuxuuna u mahadceliyey haweenkii ka soo shaqeeyey qabashada manaasabadaasi.

Waxaan ugu baaqayaa haweenka Soomaliyeed in ay nagu cadaadiyaan nabadda sababtoo ah waa hooyo, walaal, dumaashi, xaas iyo in kaloo badan†ayuu yiri Barre Hiiraale oo intaasi sii raaciyey

Dowlado badan baa waxay ka shaqeynayaan in aanu mida aan hadda ku jirno ka bixin weligeen, waxa loo baahan yahay markaa inaanu garano oo tanaasulaadkii sameyno’ dadkii is dilay ee hogamiyeyasha ahaa aan heshiino shacabkana u sheegno in la heshiiyey oo meeshii an ku tartami jirnay in aan wax burburino in aan taa bedelkeeda ku tartano siddii an dadkeena uga saari laheyn dhibatada

 

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Xaabsade, Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi & Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim.

“Keligii telisnimo iyo qof wax uu soo magacowdo u socda waa weyney, middi middi ku taag ayey ahan jirtay hadda waxaan rabnaa wax leysla ogol yahay magaalo madaxda Soomaaliya waa Muqdisho, qorshaha caasimada lagu diidan yahay waxaa wata dowlado raba in aynu dhibaatadan ku sii jirno waana dowladaha deriska ah, haddaan ogolano in casimada meel kale la geeyo mas madaxaa laga dilay ayaan noqon doonaa†ayuu yiri Muuse Suudi oo intaasi raaciyey in dhinacooda ay ogol yihiin in farqiga siyaasadda ah lagu dhammeeyo in loo laabto axdiga, laguna dhaqmo.

“Nabadda waxaa lagu heli karaa in caasimada leysugu yimaado aniga hadda waxa la i yiraahdaa wasiir baad tahay waxaana idiin sheegayaa shillin wasiirnimada igu soo galay gacan teyda kuma qaban, xafiis iyo baabuur la leeyahay wasiirka ha la siiyo-na ma arag, waa magac meel ku qoran cid iga qaadi kartana ma jirto baarlamanka oo keliya aya iga qadi kara, xittaa C/llaahiga madaxweynanimada meelaha kula dhac dhaco qof keligeed kama qaadi karto madaxweynananimada†ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow.

“Waxaan ka imid gobolada Bay iyo Bakool, waxaan ahay xildhibaan dowladda ka tirsan waxaa la i leeyahay waa mucaarad, kuwa sidaas lehna waa madaxweynaha iyo kuwa la jira, anigana waxaan leeyahay madaxweynaha laftiisa ayaaba mucaarad ah, anigu waxan doonayey in madaxweynuhu uu yimaado caasimada, xukuna uu halkaa ka billaabo maadaama Soomaliya madaxa ayey ka jiran tahayo, dowlad caasimadii diiday iyada ayaaba mucaarad ah sababtoo ah dowladda waxa lagu yaqaanaa in caasimaadu degen tahay†ayuu yiri xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.

 

Nabada.gif

 

Nabada5.gif

 

Nabada3.gif

 

Nabada1.gif

 

Nabada4.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Two nights ago I watched a documentary on how the efforts of one man, an actor Jeremy (forgotten his surname) led to the advent of World Peace Day. First place he visited and was really his inspiration for making his attempt reality, Baidoa Somalia.

 

To say that this man was inspirational would be an understatement.

 

Inshallah one day his complete dream will become reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this