Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news coming from Burco reminds me the days of late dictator Siyad

Recommended Posts

Jabhad   

Ammaanka Magaalada Burco Oo Aad Loo Adkeeyey Caawa Iyo Dadweynaha Oo Diidey Qorshe Xukuumaddu Ugu Talagashay Tukashada Salaadda Ciidda

Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 22 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Burco (Somaliland.org) – Magaalada Burco ayaa ammaanka si weyn loo adkeeyey caawa, iyada oo loo diyaar garoobayo salaadda Ciidul-fidriga oo berrito loo dareerayo, kadib markii maanta la soo gebagebeeyey soonka bisha barakaysan ee Rammadaan.

 

 

Dhawr gaadhi oo ay saaran yihiin ciidamo milateri ah ayaa ku wareegaya magaalada, kuwaas oo aan hore loogu arag magaalada. Waxaana la sheegay in ciidankaasi ka tirsan yahay Ciidanka Qaranka, Guuto lagu magacaabo “Guutada wareegta†oo dib looga soo celiyey Jiidda Adhi-caddeeye, isla markaana Khamiistii la soo dejiyey magaalada Burco.

 

 

Ciidankan oo tiradoodu gaadhayso 700 oo askari iyo dhawr gaadhi oo tikniko ah ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagaga hortago kacdoono iyo dhaqdhaqaaqyo ay xukuumaddu ka cabsi qabto inay ka bilaabmaan magaalada Burco, halkaas oo la sheegay in wadaadadu ay xoog ku leeyihiin.

 

 

Dhinaca kalena, wefti ka socda xukuumadda iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaa iyaguna maanta soo saaray go’aan ah in aan lagu tukan karin Garoonka weyn ee Kubadda Cagta ee magaalada Burco oo lagu tukan jirey Salaadaha Ciidda, isla markaana cayintay goobaha lagu tukanayo Salaadda Ciidda.

 

 

Weftiga xukuumadda iyo maamulka Gobolku waxay go’aankan ku sababeeyeen in garoonka ay fadhiyaan biyo ka mid ah daadadkii dhowaan ku soo rogmadey magaalada, sidaa darteed aan lagu tukan karin salaadda. Waxayna u cayimeen in lagu tukado Salaadda Ciidda laba goobood oo kala ah Sayladda oo ah dhinaca Galbeed iyo Xerada Gaaska oo ah dhinaca bariga.

 

 

Hase yeeshee, dadweynaha iyo waxgaradka magaalada Burco ayaa fashiliyey go’aankaas xukuumadda iyo maamulka, isla markaana isu xilqaamay inay diyaariyaan garoonka si loogu tukado, iyaga oo isla caawa ku soo daabulay lawdhadh ciid qalalan ah oo ay ku as-gogleen garoonka meelihii biyuhu fadhiisteen.

 

 

Go’aankan ku saabsan goobaha lagu tukanayo salaadda ciidda ayaa dadweynaha reer Burco u arkeen mid lagu kala qaybinayo dadweynaha magaalada, ujeeddo siyaasadeedna ay dowladdu ka leedahay.

 

 

Magaalada Burco ayaa dareen xasaasi ahi ka taagnaa tan iyo Khamiistii markii ciidamada Qaranka ee laga soo celiyey Jiidda Adhicaddeeye ay soo gaadheen, waxaana ilaa shalay soo baxayey warar sheegaya in xukuumaddu doonayso inay qabqabato Madaxdhaqameedyo sarsare iyo qaar ka mid ah culimada waaweyn ee reer Burco.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xukuumada Oo Burco Ka Wadda Qorshe Lagu Qabanayo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen

Somaliland.Today — Burao, Somaliland — 22 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Burco, October 21, 2006 (Somaliland Today)- Xukuumada Somaliland ayaa ka wada magaalada Burco qorshayaal ay ku damacsantahay inay ku qabato Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheeg iyo dad kale oo masuuliyiin ah.

 

Sida wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sheegayaan in xubno wasiiro ah oo shalay jimcihii gaadhay magaaladaa ay kulamo la yeesheen koox odayaal ah oo ka tirsan beesha uu ka soo jeedo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen isla markaana ku war geliyeen inay soo gacan geliyaan Suldaanka. inkasta oo aan warkaasi si rasmi ah daboolka looga qaadin balse waxay warar xogogaal ahi tibaaxayaan in kulankaasi oo ka dhacay Hotel City Plaza ee magaalada Burco lagaga wada hadlay qorshe xukuumadu ku doonayso in loogu soo gacan geliyo Suldaanka isla markaana beeshiisu kala noqoto kalsoonida.

 

Waxayna wararku intaa ku darayaan in qorshaha xukuumadu ka dambeeyay ka dib markii dhawaan Suldaanku ka hadlay masaajido kana waramay xaaladaha taagan wakhtigan oo uu ku tilmaamay mid xukuumadu ku doonayso inay ku cabudhiso reer Burco,waxaanu Suldaanku carabka ku dhuftay ciidamo xoogan oo la keenay magaalada Burco kuwaas oo dib looga soo raray fadhiisimaha ciidamada Somaliland ee Aaga Adhi Cadeeye.

 

Waxa kale oo Suldaanku ka hadlay cadaalad darada, musuq maasuq badan oo ka jirta dalka iyo in loo baahan yahay in la isku xukumo diinta islaamka,isagoo sheegay in aanu la soconin maxkamadaha islaamiga ah ee ka jira muqdisho isla mar ahaantaana aanu ka soo horjeedin qaranimada Somaliland balse uu isaga iyo beeshiisuba taageersan yihiin madax banaanida iyo qaranimada Somaliland.

 

Dhianaca kale waxay wararka ka imaanaya magaalada Burco sheegayaan in ciidamo xoogan la keenay magaaladaasi kuwaas oo laga soo raray dhawrkii maalmood ee u dambeeyay fadhiisimaha ciimada ee aaga hore ee Adhi Cadeeye.

 

Waxayna wararku intaa ku darayaan inuu jiro qorshayaal kale oo xukuumadu ku doonayso inay ku qabato Sheekh Cali Warsame oo la filayo inuu maalmaha soo socda soo gaadho magaalada Burco isagoo ka soo jeeda dhinaca magaalada Muqdisho halkaas oo uu ku gaadhay reer u jooga.

 

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today

Burco, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Jimcihii Shalay Iyo Masaajida Burco.

Somalilandfuture Online — Burao, Somaliland — 22 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Shalay waxa ay ahayd maalin Jimce ah, dhinaca shacaa’irta diiniga ah waa maalin si weyn loogu oogo oo loogu cibaadaysto, waxay shalay dheereed jimacayaasha caadiga ah, waa tobankii ugu danbeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaa dadweynaha cibaadada jecel ay goor hore sii fadhiisteen masaajidada safafka hore.

 

 

Sidoo kale waxaa safafka hore ee masaajidada sii qabsaday culimada gobolka Togdheer oo cibaadada ka sokow aad uga xanaaqsan dhawaaqyo ay xukuumada Somaliland samaysay oo ka soo horjeeda shariicada Islaamka. Togdheer sideedaba waa goob nasiib u heshay diinta ku dhaqankeeda, sidoo kale waxay dheertahay magaalooyin badan oo dadka afka Somaliga ku hadla ay ku nool yihiin, adiga oo markiiba dareemaya dhalinyarada u kala dab qaadaysa madaariska diiniga ah iyo masaajida duruusta, dhaqanka toosan iyo axkaamta shariicada lagu barto. Sidaas awgeed dhawaaqyada xukuumada Somaliland ee ka soo horjeeda diinta ama tusaya astaan colaytan diineed ah, waxaad markiiba arkaysaa iyada oo ay jidhka iyo qalbigaba ka diidan yihiin dadka reer Togdheer.

 

 

Todobaadkan Wasiirka Arrimaha Dibada iyo socdaalkiisii ayaa ahaa kuwo si gaara ay dadweynaha Somaliland u danaynayeen, gaar ahaan kuwa ku nool Togdheer. Waxaana markiiba ka soo baxay dhawaaqyo dhan ka noqon kara diinta suuban iyo dhaqanka Islaamka, wuxuu BBC-Da afka Somaliga ka sheegay in fiditaanka maxaakiimta iyo nidaamka ku dhisan diinta ee geeska Afrika aanu raali ka ahayn. Wuxuu sheegay in ay halis ku tahay Somaliland iyo dawladaha deriska ah, kuwaas oo ay Itoobiya ka mid tahay. Waxaa loo akhristay in aanu difaacayn Somaliland ee ay tahay difaac ay ku qasbayso Itoobiya oo ka duulaysa danaheda gaarka ah iyo colaadeeda diinta islaamka. Waxaa sidoo kale reer Togdheer u arkeen in uu colaad diineed oo dhaqankiisa iyo diintiisaba ka dhan ah lagu qasbay oo uu qaatay.

 

 

Dareenka labaad ee ay aad uga cadhoodeen culimada iyo shacbiga Togdheer waxaa weeye, labada guuto ee ciidamada Somaliland ah ee lagu soo furay xerada taliska guud ee qaybta Togdheer, kuwaas oo ay tibaaxo ka soo baxay sheegeen in ay ka hawlgelayaan culimada joogta Togdheer ee ku haysa halista dalka Somaliland, waxaase lays waydiinayaa waa kuwee culimadaasi. Labadaas guudo illa intii aanu soo bixin warka tilmaamaya in ay ka dagaal gelayaan sidii culimada loo cabushin lahaa reer Togdheer, waxaa dadweynaha Togdheer iska dhaadhiciyey in ay u jeedaan jiida hore oo difaacayaan dalka maqan ee ay cadawgu gacanta ku hayo, marnabase qorshaha kuma darsan in ay Togdheer u soo kicitimeen.

 

 

Dhacdada intaasba isku fuuqsatay waa 5/10/06 oo Madaxweynaha Somaliland amar ku bixiyey isaga oo helay warar sheegaya in Shiikh Cali Warsame ka soo degayo Berbara in la soo xidho. Halkaas ayuu laba tikniko ah u diray, nasiib wanaagse Shiikha ayaa dib u dhacay, illa hadda ma cadda go,aanka u meelyaal Madaxweynaha iyo xukuumada ee xadhiga Shiikh Cali Warsame, waxaase la garan la,yahay sababta Shiikha uu madaxweynaha iyo xukuumada Somaliland ay sharaftiisa iyo karaamadiisa iyo cirdigiisa ay ugu tumaynayso.

 

 

Intaas iyo dareeno kale oo badani markii ay soo baxeen ayaa Jimcihii shalay waxaa masaajidada ka Khudbadeeyey oo ka jeediyey hadalo dhaadheer oo kulkulul culimada gobolka Togdheer, waxayna sheegeen maadaama ay xukuumadii sharafta iyo karaamada ummada iyo diinta ummada la donayey in ay difaacdo oo illaaliso ay ku soo duushay, waxaa waajib nagu ah maalinta naloogu yimaado diintayada in aanu is difaacno, waxaanuse ka codsanaynaa xukuumada in aanay xaalada nabadgelyo iyo dhaqankeena diinta ku dhisan aanay kala daadin, culimada Somaliland aanay ka dhigin kuwo ka soo horjeeda qaranimadooda. Waxaa isna taageeray hadalo khudbado ah ka soo jeediyey masaajida qaarkood salaadiinta qaar ka mid ah. Sida Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo uga digay xukuumada in aanay nabadgelyada khalkhalgelin iyo in aanay ummada culimadeeda iyo karaamadeeda ku tuman. Suldaanka oo u digaya Madaxweynaha ayaa yidhi:

 

 

“ Qolyaha halkan ( Masaajidka) fadhiya ee u basaasa xukuumada wax, waxaan leeyahay u geeya haddeer oo waxaad tidhaahdaan Suldaan Maxamuud ayaa sidaa lahaa. Waxaanu uga digaynaa xukuumada in aanay ummada diinteeda dagaalka ay kula jirto sii wadin ee joojiyaan, in aanay nabadgelyada iyo xasiloonida dalka wax u dhimin. Haddii xukuumada iyo madaxweyne Daahir Rayaale arrinkaas diidaan, waanu difaacaynaa diintayadaâ€.

 

 

Isku soo duuboo xukuumada Somaliland gobolkii Togdheer waxay ka abuurtay xaalad keenaysa nabadgelyo daro, xasilooni la,aan iyo dagaal weerar ah oo aan cid uu ku jihaysan yahay lagaranayn. Xukkumada waxaa loo sheegayaa ayay leeyihiin reer Togdheer in aanay Togdheer Muqdisho ahaynee ay tahay Caasimadii Labaad ee Somaliland, maxaakiimtuna xukumin ee ay iyagu xukumaan oo gobolky Somaliland yahay, sidaas awgeed ay dagaalka ay wadaan tahay surmo seegto iyo itijaah qaldan.

 

Weiyaha

Cabdilaahi Maxamuud Cali

Burco

Somalilandfuture Online

sgiriig@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

And after all that wishfull thinking.....

 

 

burco masses prayey together in harmony in their thousands, wether they be authorities, religious leaders and the masses all basking under the barwaaqo after the heavies rains in its history.

 

 

mansha allah... if you had you had all this would you honestly look for war and ballaayo, i guest thats the difference between somaliland and somalia

 

 

Eid mubaarak and may allah bring peace to those under the constant threat of war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this