Sign in to follow this  
General Duke

Prof. Axmed I Samatar oo jiritaanka Aakhiro Inkiray!

Recommended Posts

Prof. Axmed I Samatar oo jiritaanka Aakhiro Inkiray!!!!!

 

Waagacusub Online 03/01/05 London

 

Waxaa maalmahaan booqasho ku joogay London , Prof Axmed Ismail Samatar, oo ka ah Professor Macalester College, ee Mineapolis U.S.A , wuxuuna hadal ka jeediyey dhowr meelood, oo ku yaala magaaldaan London, isagoo la hadlayey dadka soomaaliyeed.

 

Ugu horeyntii wuxuu hadal ka jeediyey kulan ka dhacay galbeedka London 27/12/04, wuxuuna ka hadlay mowduuc ahaa ( YAA U BAAHAN SOOMAALINIMO) wuxuuna usoo jeediyey si heer sare ah oo ay aad u jecleysteen dadkii ka soo qeyb galay, uguna hambalyeeyeen Professorka imaatinkiisa iyo sida wanaagsan ee uu u hadlay,.

 

kulankii labaad ee uu ka hadlo Professorka ayaa wuxuu dhacay 01/01/05, kana dhacay North London, Masaajidka Finsbury Park qolkiisa shirarka, waxaana ka soo qeyb galay dad soomaaliyeed oo maalintii hore joogay iyo kuwo ku cusbeed la kulanka Prof.Samatar oo aad horey loogu amaaney.

 

Prof. wuxuu ka hadlay moowduuc ciwaankisu ahaa SOOMAALIDA DIBADA KU NOOL , FURSADAHA IYO CAQABADAHA HOR YAAL) , Profku wuxuu ka hadlay sida ay soomaalidu dibada ineey timaado usoo bilaabatay , wuxuuna xusayna in ay waagii hore soomaalidii dibada usoo baxday ay u badnaayeen rag u badna ineey soo tacabireen iyo badmaaxiin , balse in soomaalida soo baxday dagaaladii ka dib ay heysatay dhibaato ku khasbeysay ineey dalkooda ka soo baxaan , taasina ay keentay in soomaalida dibada joogta maanta ay isugu jirto cid kasta , waayeel, caruuru, dhalinyaro, dumar .

 

Wuxuu kaluu Profku ka hadlay in jaaliyadaha dibada joogo ee umadaha kale ay dalkoodii ay ka yimaadeen taageeraan, wuxuuna tusaale usoo qaatey in Israel ay ku dhisantahay taageerada uga timaada dadka yuhuuda ah ee ku nool addunweynaha.

 

Profku wuxuu xusay in aduunka maanta ay ugu liitaan Muslimiinta iyo Afrikaanka, soomaalidana ay labadaaba ka tirsantahay, loona baahanayahay in laga fikiro sidii horumarka looga qeybqaadan lahaa , wuxuuna xusay in maanta furaha aqoonta ay tahay luqada Englishka , sidaa dated loo baaahanyahay in aad loo barto luqada Englishka maadaama ay tahay luqada ugu badan oo uu cilmiga ku qoranyahay , xirfadna la barto , si aan uga qeybqaadano tartanka nolosha horumarsan

 

Wuxuu kaloo sheegay in aan isku xirnaano oo nidaam iyo sharciyo ay salkooda yihiin diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga degsano kuna dhaqano, qabyaalada iyo goboleysigana leeska dhaafo oo soomaalinimada la ilaaliyo.

 

Prof. Samatar wuxuu yiri in loo baahanyahay in aan ilmaheena iyo dumarkeena barno kuna gubaabino sidii ay aduunka aad uga shaqeysan lahaayeen , waxna uga qabsan lahaayeen , balse Aakhiro dood baan ka qabaa ayuu yiri Prof Samatar, wadaadana waxaan iraahdaa aakhiro waxba ha iiga sheegina, waayo, waxa isku keen xiraya waa aduunka , ee ma ahan aakhiro, mana jirto cid ka soo warantay oo aakhiro ka timid oo war ka keentay , marka meel aan war laga heyn ha isku wareerinina, inaan ilaah caabudana waa arin shaqsi ah oo aniga igu xiran ( Private issue) , qofkii addunka wax ka qabsada ayaa aakhirana meel fiican tagaya..

 

Markuu sidaa yiri ayaa dadkii dhageeysanayey isku wada naxeen, waayo maka fileynin hadalkaa , maadaama goobtana aheyd hoolkii masaajidka , markaasaa waxaa su,aal weeydiiyey nin la yiraa Sh Ibraahin Muuse oo ka mid ah culumadii joogtay meesha , wuxuuna yiri , Prfesoore waad ku mahadsantahay muxaadaradaada, iyo sida aad noola hadashay , waxaanse kuu soo jeedinayaa laba arimood,

 

1-Inaad ogaato in culumadu yihiin dad ka mid ah aqoonyahanada, oo wax garanaya ee aysan aheyn dad jaahiliin ah aadana yareysan hadalkooda

 

2- In sidii aad aduunyada noogu gubaabisay aad aakhirana noogu gubaabiso oo aad ogaato in aduun iyo aakhiro yihiin laba nolol oo jiro oo mid kastaa loo baahanyahay in loo shaqeysto.

 

Prof.Samatar wuxuu yiri in ay xiriir yeeshaan dadka aan diinta shaqo ku laheyn (Seculars) sideeydoo kale iyo culumada diinta islaamka waxba kama qabo.

 

Mida aakhiradase dood baan ka qabaa , waxaana diyaar u ahay inaan wixii dood ah ee si edeb leh loo qabanayo aan ka qeyb galo

 

Markeey meeshaa mareeyso ayaa wakhtigii dhamaaday lana joojiyey kulankii, markaasaa waxaa bilowday sawaxan ,iyo guux dadkii meesha joogay oo filan waayey , hadalka kasoo yeeray Profka ay uga yimaadeen daafaha London ineey dhageystaan waxa uu ku hadlay , waxaana bilowday ineey la hadlaaan si koox koox ah, waxaana dhacday in nin dhalinyaro ah ku yiri Profka , nin soomaali ah oo walaalkeey ah baa tahay ee yeeysan Aakhiro shaki kaa gelin wuxuuna ugu jawaabay Prof Samatar, adaa Aakhiro wakiil iiga ah.

 

Waxaa kaloo la weeydiiyey Prof Samatar ma ogtahay in diidida aakhiro ay tahay Murtadnimo ( Diinta ka bixid ), wuxuuna yiri waan ogahay, balse sidaasaan aaminsanahay, .

 

Sidoo kale dadkii la hadlay Prof Samatar waxaa ka mid ahaa Sh Cali Wardheere oo ku yiri hadii aad sidaan u hadleeysid inaad noo sii sheegto ayeey aheyd oo aan wax ka niraa wixii aad tiri , balse hada wixii aad dhihi laheyd waad dhahday inagana wakhti aan uga jawaabno ma leh, marka ma ahan inaad dadka hadal ku tuurtid iskana tagto.

 

Sidoo kale dadki la hadlay waxaa ka mid ahaa Axmed Sh Maxamed oo ah gudoomiyaha Muslim Association of Britain (MAB) oo ka mid ahaa dhageystayaashii , wuxuuna ku yiri , inaadan islaamka iyo wixii ay culumasiisa ka qoreen aadan wax badan ka aqrinin ayaa kaa muuqato, nin akadeemic ahna waad tahay , mana ahan in adoon wax badan ka aqrinin islaamka aad iskala soo boodo diidmo iyo inkiraada Aakhiro.

 

Waxaana meesha lagu soo kala tagay iyadoo qof kasto yaabanyahay, waayo waa markii ugu horeeysay waayadaan, uu qof soomaali ah si bareer ah u inkiro aakhirada, oo aan ognahay ineey ka mid tahay rumeynteeda IIMAANKA, wuxuuna qof kastaa ka shalaayey waxa maanta meesha keenay .

 

Hadaba akhristoow waxaa ka muuqda hadalka iyo dhaqanka Prof Axmed Ismail Samatar dhawr amuurood, oo ay mid tahay :-

 

1- Ku jeesjeesid diinta islaamka oo islaam ka bixid ka dhadhameyso

 

2- Ixtiraam daro

 

3- Isburin

 

4- Aqoon gaabni iyo wax ka ogaan yari xaga diinta islaamka ah

 

5- Ujeedo xumo

 

 

 

Hadaba waxaan jeclahay inaan ku soo gab gabeeyo wax usoo jeedin aan usoo jeedinayo

 

Prof Axmed Ismail Samatar

 

Marka hore waxaan jeclahay inaan kuu soo jeediyo inaad diidida aad diiday jiritaanka Aakhiro aad ka soo laabato, waayo waxeey ka mid tahay iimaanka salka u ah diinteena islaamka , hadii aad ogtahay inaad islaamka ka baxdayna aad islaamnimadaada usoo laabato , waayo Islaamnimadu waa shey qaali ah oo uu allah nagu manyestay , taasoo ay ka marag kaceen dadka soo islaamay oo ay ugu danbeysay gabadha Britishka ah oo weriyaha ah oo ay Dhaalibaan xiri jireen ( Yvonna Ridley ), waxaa kaloo kuu soo jeedinayaa inaad si dhab u akhrisid una baartid diinta islaamka , waayo ? islaam baan ahay Aakhiro waan diidi meel ma wada geli karaan , oo hadii aakhiro aan diidno jiritaankeeda maxaa inoo dhaxeeya inaga iyo gaalada, waxaana meesha ka baxeeysa sababta allah inoo abuuray oo ah inaan caabudno isaga kaliya , oo hadii aan caabudi weynana ay jiri doonto maalin nalala xisaabtami doono ( Judgement day ) ,

 

Qofkastana wuxuu ogyahay inuu dhiman, muslin iyo gaalba, marka markaad dhimato maxaa xigi weeye su,aashu?

 

Mida kale waxaa ka muuqatay muxaadaradaadi danbe ixtiraam daro aad u heysid diinta islaamka iyo walaalahaa soomaaliyeed ee muslimiinta ah !! waxaad hortooda si aan ganbad laheyn u inikirtay uguna jeesjeestay tiir ka mid ah aasaaska rumeynta diinteena islaamka , taasoo aysan sameeynin xitaa gaalada , waxaadna dhabarka ka tuurtay ixtiraamka ay kuu hayeen oo ah sidii laguugu soo dhaweeyey London, una soo camireen muxaadarooyinkaadii , sidoo kale waxaad ixtiraami weysay meesha aad muxaadrada ku qabatay oo aheyd Masjid oo ah goob cibaado, .

 

Hadaladaadii waa ay is burinayeen tusaale ahaan : maalintii 27/12/04, waxaad sheegtay in dhisitaanka qaran ay tahay in la helo =Dad , Dhaqan , iyo Caqiido, iyo Degaan , waxaad kaloo sheegtay in diintu ay tahay aasaaska nolosha, loona baahanayahay in la ilaaliyo , maalintii danbena oo aheyd 01/01/05, waxaad sheegtay, in aan sameeysano sharci salkiisu yahay diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliga , waxaad kale oo aad sheegtay inaad tahay Secular , oo aadan diin shaqo ku laheyn, marka soow hadaladaada is burin mayaan? Waxaa kaloo hadaladaada ku jiray in maanta aduunka islaanimada geeska leesku gelinayo halgana uu ka socdo , loona baahanyahay inaan meeshii aan halgankaa ka geli laheyn isu diyaarino ?

 

Waxaa kaloo iisoo baxay inaadan cilmi baaris badan aadan ku sameeynin Diinta Islaamka ee fadlan si fiican diinta islaamka cilmi baaris ugu samee, mida xigta soomaali ayaad tahay, hadii aadan caqiidada islaamka aaminsaneyna umadda dhexdeeda iyo guud ahaan muslimiinta micno badan ma u sameeyneeysid, ee waxaad noqon nin ummadiisa dhexdeeda ku ah ajnabi, ee Professore ummadu waa kuu baahantahay adigana waad u baahantahay ee islaamnimadaada xooji , waxaadna ogaataa in aad niyadjab badan ku riday dad fara badan oo aad kuu taageersanaa , waxaana kaa rajeeynayaa inaad ka toowba keento wixii aad tiri, .

 

 

Waxaa qoray :Abdullahi Nur Osman

 

Aosman66@yahoo.co.uk- London UK.

 

editor@waagacusub.net

 

Ku Noqo Wararka hore

Share this post


Link to post
Share on other sites
Caveman   

Hadii ay dhab tahay arintan, oo uu masaajid gudahiisa ugu jeesjeesayo Diinta Ilaahay(sw). Aniga uma arko in uu yahay wax laqiimeeyo kalmadiisa, Profor baan ahayna qofka Bini' aadamka ah Caqli uma kordhiso, laakiin Somalida qaarkood markay Degree ama heer PHD gaaraan bay is moodaan in ay cilmi leeyihiin. ee Real Cilmi waa diinta ilaahay, real cilmi waa Alla(sw) ka cabsigiisa, real Cilmi waa ogaanshaha iyo aminida maalinta Qiyaame. Cilmi University baan Profasor ka ahay ma'aha, warqad PHD ku qorantahayna darbigay ii suran tahay Cilmi ma’ aha. Nomadka geela raacayo, laakiin ogsoon rabigii sameeyay iyo maalinta qiyaame baa cilmi dhaamo isaga. dhaadhaan kastaa University kabaxi karo ama heer PHD gaari karo. its realy not hard to get those papers. muxuuse arinta Somaliya haysato ka hadlaa Profasorkani isagay arintaas mid kaxun haysataaye.

 

Lakiin nasiib daro Profsoor kusheegani waqti xun oo ay somaalidoo dhani ay diintooda u soo baraarugeen buu rabaa in uu Secular Idealogy ku akhriyo, Ee meeshay gaarsiiso hala arko. Nin Maalinta Aakhiro inkiray isagaa nin liito ah oo courses kii iyo boogaagtuu University ku akhristay wax wayn u arkay.

 

Again haday arintani dhab tahay oo lahubo in uu hadaladan foosha xun ku hadlay. waxaan Profasooro ku oran lahaa badal magaca Ahmed ismacil, waa magac huwan diin muslim, oo qofkii wataa uusan su'aalin ama ku jeesjeesin tiirarka islaamka kuwa ugu waawayn.

 

Salam!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Smith & Wesson

 

Haddi ay dhab tahay sheekadani, uma arko iney tahay wax cusub, dhacdadani ( incident) wexey tilmaan u tahay waxa soo socda maamlmaha na soo haya, Professorka wuxuu ka mid yahay rag oo la diyaarinayo maamulka Somalia, oo cusub oo qarsanaya wexey aamin sanyihiin, haseyesshee mawjadda diineed ee xoogga leh ee ka socota Somalia ay ka xoog badisay.

 

Professorka hadalkiisa wuxuu ahaa " Calculated Risk" si loo ogaado meesha ay taagan yihiin Somalidu markii shaki la geliyo diintooda tiirkeeda ugu weyn oo ah rumeynta aakhiro, ooy ka dhalato sharciga lagu dhaqmo oo ka dhiga khamriga iyo Zinada xaaraam, marka hadduu dadka kaa dhaadhciciyo iney xoolo yihiin, u nool cunno iyo cabid iyo tumasho, ayagoo moog in loo uumay qasad sarreya oo ah cibaadada Allah, wuxuu karaa inuu sharciyeeyo akhlaaqda gharbiga ah oo uu asaga la dhacsan yahay, asagoo rabaa inuu keeno waddankeenna laguna daro qaanuunka cusub ee ay noo dhigayaan WarLords la talageliyey, gaar ahaan wasaaradda diinta, si markaas in aan u wada aragno kheyrka iyo sharta iney yihiin wax ku xiran qaanuunka ay dajiyeen dadaan rumeynin Allah iyo Akhiro, sidaa darteedna in ay ka dhigaan in qarannimada ayan shaqo ku leheyn Allah iyo Akhiro..

 

Haddi laga dhaahdiciyo dadka iney diintu tahay wax shakhsi ah, waxaa soo socda in akhlaaqda oo ah wax ku saleysan diinta laga saaro qawaaninta, si loo abuuro Somalia cusub oo xuquuqda Somalida gaalowday, Ragga iyo Haweenka Shuqulxumidii Qowmo Luud sameeya, ay helaan aqoonsi iyo xuquuq qarannimo oon loo diidi karin in ay carruurta Somalia ay macallin u noqdaan, iney faafiyaan wexey aaminsan yihiin iyo in aragtidooda waddanka lagu dhaqo.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Beard   

Bismillah,

 

I posted a similar one last week who was against the dress code of the sisters.

 

What comes to my mind is the Du'a of prophet Yusuf.

 

Yusuf alaihis salaam who had been given the Leadership of Egypt, prayed to Allah that He gives him death in the state of a Muslim and be raised amongst the righteous. Although being a Prophet of Allah, yet Yusuf alaihis salaam feared that Allah would raise him amongst the leaders, as he was the Leader of Egypt. What extreme humbleness Yusuf alaihis salaam expressed!

 

How lucky are those souls who after finding out about the signs of their death, turn towards Allah, ask His repentance for any previous sins and prepare for it by doing good deeds. Such people are the ones who are truly gifted with the kalimah or a good outcome before departing from this world. This tends to be the sign of their being fortunate and people witness a sign of their salvation from the punishment of the Hereafter.

 

 

Intelligent students always prepare for exams. It is also a matter of intelligence to prepare for the account to be given after death. The Holy Prophet sallallahu alaihe wasallam has mentioned in a Hadith, "Clever is the one who prepares for life after death." The Holy Prophet sallallahu alaihe wasallam has also said, "Take importance of life before death."

Behind every intelligence and cleverness is careful preparation.

Intelligence is about thinking ahead, tests and preparation.

The most ignorant of people are those who deny the hereafter, "professors" or not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Professor-nimada la sheego horta aniga maba fahmin. Professor wixii tuugo ah oo ilaah ka furtay ayaan u aqaan oo gaalo raac ah. Laakiin waa runoo Nur wuxuu sheegay wax jira. Dad iyo dalal ayaa ka dambeeya arinta uu sheegay Profoshiirka is mooday inuu aduun iyo aakhiro wax ka ogyahay. Waan sugeynaa waxay la yimaadaan, waxaana abaal marin u ah Maxkamadaha Islaamiga ah ee wadanka iyo Aakhiro xisaab darani u taal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this