Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: on the brink.

Recommended Posts

KISMAAYO: Col. Barre Hiiraale oo wata Malleeshiyo fara badan oo gaaray duleedka Kismaayo doonaya inuu dagaal ku qaado

Posted to the Web Oct 07, 13:50

 

 

Kismaayo (PP) - Wararka ka imaanaya Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynteeda Maxkamadaha Midoobay ayaa waxay sheegayaan in meel u jirta 30-km uu soo gaaray Barre Hiiraale oo wata Malleeshiyooyin aad u fara badan.

 

Warka ayaa intaas ku daraya in Col. Barre Hiiraale oo ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu qorsheynayo inuu weerar ku qabsado Degmada Kismaayo mar kale, waxaana magaalada uu isaga baxay 24-kii bishii la soo dhaafay kaddib markii ay kaga yimaadeen dhanka Maxkamadaha Hanjabaado ah inay dagaal ku qabsan doonaan Magaalada Kismaayo.

 

Xubin ka tirsan Maxkamadaha Midoobay oo ku sugan Magaalada Kismaayo kulana hadlay ragga wararka fidiya gudaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inaysan qorsheynayn ka maxkamad ahaa inay dagaal galaan, balse ay doonayaan inay wax walbna ku dhameeyaan nabad iyo wadahadallo.

 

Warar hoose oo ay Puntlandpost ka helayso dhanka magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in xubnihii hore ee isbahaysiga oo ku haray Magaalada Kismaayo laga cabsi qabo inay dagaalka uu wado Barre Hiiraale ka qaybgalayaan, waxaana wararku ay sheegayaan inay Xubnaha Maxkamadaha ee ku sugan Kismaayo waardiye ka hayaan xubnahaas oo uu ka mid yahay xoghayihii Maaliyadda Jubbooyinka.

 

Sidoo kale Malleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa waxaa la sheegay inay ka soo baxeen Degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada dhexe halkasoo ay gaareen goor dhaweyd, waxaana ka soo bixitaankooda lagu sheegay inay tahay kulaalidda la soo kulaalay Kismaayo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Barre Hiiraale oo 30 km u jira magaalada Kismaayo weerarna ku ah

Posted to the MOL October 7, 2006, 11:11 am

 

 

Warar deg deg ah oo lagu kalsoonyahay oo aanu ka helaynay magaalada xeebta ha ee Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi laga cabsi qabo dagaal dhexmara maleeyshiyaadka Maxkadaha Magalada Kismaayo iyo kuwa Wasiirka Gaashaandhiga Col: Barre Aadan Shire (hiiraale) oo horey gacanta uga hayn jirey magaalada.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in meel 30 km ujirta magalada Kismaayo uu hadda gaaray Barre hiiraale oo iyamahaan Abaabul dagaal ka waday Gobalka Gedo si uu mar labaad xoog ugu qabsado Magalada Kismaayo oo u ka baxay horaantii Bishii aanu soo dhaafnay ka dib markii culays ugu yimid Dhinaca Maxkadaha Midoobay.

 

Warar hoose oo ay Mudugonline.com ka helayso dhanka magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan cabsi laga qabo in xubnihii hore ee isbahaysiga oo ku haray gudaha Magaalada Kismaayo laga cabsi qabo inay dagaalka uu wado Barre Hiiraale ka qaybgalayaan, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ciidmada Maxkamadaha ee ku sugan Kismaayo waardiye ka hayaan xubnahaas.

 

Sida wararka ugu dambeeyaa sheegayaan Barre hiiraale oo ah wasiirka gaashaandhiga DKMG ah ayaa wata ciidamo Daacad u ah oo tiro badan awoodna u leh inay mar kale gacanta ku dhigaan Magaalada Kismaayo oo ah Magalaalo mar walba ay qabsadaan beelo aan degaanka u dhalan.

 

 

Maxamed C/qadir Khalaf

Galkacyo, puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta Maxaakiimta Sh. C/raxmaan Janaqow oo shir jaraa'id maanta ku qabtay maagalada Muqdisho.

 

October 07 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia

 

Golaha maxaakiimta Islaamka ayaa ku eedeeyey dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan qeyba ka mid ah gobolada Koonfureed ee dalka.

 

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta Islaamka Sh. C/raxmaan Janaqow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda fedraalka Soomaaliya inay hubeeneyso hogaamiye kooxeedyadii laga ceyriyey magaalada Muqdisho oo qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo.

 

Sidoo kale golaha maxaakiimta ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadaas milatari ay ku lug leedahay dowladda Itoobiya oo ciidamo badan soo buuxisay qeyba ka mid ah gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Hadalka C/raxmaan Janaqow gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta Islaamka ayaa ku soo beegmaya xilli lagu soo warramayo in qeyba ka tirsan J/dhaxe iyo gobolka Geddo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Barre Hiiraale iyo isbaheysigii dooxadda Jubba ee burburay.

 

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta waxa kale oo uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ay wax u dhibi karaan shirka 30-ka bishan lagu ballansan yahay inuu ka dhaco magaalada Khartuum maxaakiimta Islaamka iyo dowladda fedraalka Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, wararka inaga soo gaaraya gobolada Jubooyinka iyo gobolka Geddo ayaa sheegaya in la dareemayo dhaqdhaqaaqyo milatari oo labada dhinac ah iyadoo wararka Kismaayo ay iyana sheegayaan in xalay ciidamo ka tirsan maxaakiimta Islaamka ay halkaas ka baxeen.

 

Dhinaca kale, Abaanduulihii hore ee dooxadda Juba C/laahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo u warramayey HornAfrik ayaa sheegay inay geed hoose iyo mid sare u korayaan sidii ay ugu laaban lahaayeen magaalada Kismaayo islamarkaana ay wadaan qaban qaabo ciidamadeed oo ay ku doonayaan inay ku tagaan magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxakiimta oo dagaalk ka cabsi qaba

7 Oct 7, 2006, 21:34

 

Gudoomiye ku-xigeenka golaha fulinta Maxkamadaha Islaamiga Sh. C/raxman Janaqow ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin khatar kaga imaaneysa ciidamada dowladda Itoobiya iyo hogaamiyeyaasha kooxaha ee Muqdisho laga saaray.

 

Shiikh C/raxmaan Janaqow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ay kasoo gudbeen degmada Diinsoor isla markaana ay soo gaareen gobolka Jubada Dhexe kuwaasi oo uu sheegay iney duulaan kusoo yihiin xarumaha Maxaakiimta ay fadhiyaan.

 

Shiikha ayaa sheegay in hogamiye kooxedyada iyo ciidamada Itoobiyan ay doonayaan iney carqaladeeyaan dadaalada dib u heshiisiineed ee lagu balansan yahay 30-ka bishan in ay ku kulmaan dowladda KMG ah iyo Maxkamddaha.

 

Shiikh C/raxman Janaqow ayaa ku eedeeyay dowladda KMG ah in fariisamaheeda laga soo abaabulayo dagaalo hor leh isla markaana ay ugu deeqday hoggaamiyeyasha laga awood roonaaday hub si ay u carqaladeeyaan nabadgelyada laga dareemay gobolada dalka qaarkood.

 

“Waxaan caalamka ogeysiineynaa inaan waxba kala hari doonin difaaca dalka iyo dadka†ayuu yiri Sh. C/raxmaan Janaqow oo intaa raaciyay in caqabad ay ka dhalan doonto duulamada kusoo fool leh gobolada dalka qarkood saacadaha soo socda

 

Wararka xaley ka ka imaanaya deegaanada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Malishiyaadka Maxkamadaha ay dib ugu soo gurteen degmada Bu’aale iyagoo difaac ka galay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in malliishiyada Barre Hiiraale oo ay wehliyaan kuwa dowladda soo fariisteen degmada Saakow oo u dhaxeysa Bu’aale iyo Diinsoor.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

:( This is sad. The ones that are against the ICU are doing so because of qabiil. Please come up with an ideology. What will happen if ya'll win? going back to how things were? This qabiil stuff needs to end. If the ones that are anti-ICU are fighting for qabiil's sake, then I hope that they might be defeated.

 

Qabiil and qabyaalad 16 sano ayeey na haysteen waxeey noo keenayna waan argnaa. Waa in aan aragno waxa ay keenaan wadaadado intaanan sheekada qabiil u badalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib there are no combatants here. The ICU is a clan itself its based in Mogadishu and run by warlords like Inda CADE. You know the argument so dont play so dumb.

 

Qabiil and qabyaalad 16 sano ayeey na haysteen waxeey noo keenayna waan argnaa. Waa in aan aragno waxa ay keenaan wadaadado intaanan sheekada qabiil u badalin

lol.

 

I swear a few days ago you were warning Somaliland and Puntland that the courts are coming and that the TFG was weak and that the reveloution has arrived? Why the change of heart?

 

Kismayu is in uproar if the courts were popular they would not be arresting 100 people after two weeks of occupation.

 

The courts came by the gun and will exit by it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^^ I want this war to end and the best way to end this is if allot of people change sides. The likes of indhacade can be get rid of if the people demand it. Public pressure matters. If puntland wadaads negotiate and demand that the ICU gets rid of those guys. and that they will then work with them, then it will work. We should look for a way out. No more blood shed and if there will be blood shed lets hope that the courts win. I am not for the courts because of clan, I support them because politically they are closest to me and they are teh only ones with a viable vision in todays Somalia.

 

The revolution is coming General I just hope that it doesnt become a bloody one. A negotiated settlement is good for everyone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

simplistic argument again. The ICU legitimacy is the power of the clan of Abdiqasin hence Xasan Dahir leading it, Cayrow and others playing a leading role, not to mention the continuing illegal trade of charcoal and the occupation of this clan of the area of lower Shabbele.

 

Their opposition to the government is not one build on high morals and ideals, but on clan interest.

 

They used force against their opposition be it warlords and others, while their warlords have been spared.

 

Its a joke but the conflict is here//

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Barre Hiiraale oo qarka isku saaran

 

Baardheere 08, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maleeshiyooyin taageersan Wasiirka G/dhigga Col. Barre Hiiraale ayna horkacayaan saraakiil sar sare oo ka yimid dhinaca Baardheere ayaa gaaray degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, iyadoo meel aan ka fogeyn halkaasi ay difaac adag kaga jiraan ciidamada Maxkamadaha islaamka Somalia, oo dhowaan ka soo saaray Barre Hiiraale magaalada Kismaayo.

 

Maleeshiyooyinkii taabacsanaa Col. Barre Hiiraale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baardheere tan iyo markii ay ka soo baxeen magaalada Kismaayo ayaa xalay iyo habeen hore waxa ay bilaabeen in ay u dhaqaaqaan dhinaca gobolada Jubooyinka, iyagoo ujeedkoodana uu yahay sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo.

 

Abaabulka iyo dhaq dhaqaaqa ciidamada Barre Hiiraale oo maalmihii la soo dhaafay si weyn looga dareemay magaalada Baardheere ayay saraakiisha Isbaheysiga waxa ay ku macneeyeen qorshayaal ay ciidamadooda uga saarayaan magaalada Baardheere oo ay dajinayaan meelo ka mid ah daafaha magaalada.

 

Hasa ahaatee sarkaal ka gaabsaday magaciisa ayaa shaaca ka qaaday in ay ku sii jeedaan deegaano ay markii horeba ka yimaadeen, waxaana la arkayay boqolaal maleeshiyo ah oo si weyn u hubeysan iyo gawaarida dagaalka oo ku sii jeeda dhinaca wadooyinka Jubooyinka.

 

Maleeshiyadaan ayaa waxaa hogaaminaya saraakiil ka tirsan Isbaheysigii Barre Hiiraale, inkastoo Colonelka uu ku sugan yahay degmada Baardheere.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in maleeshiyada Barre Hiiraale iyo ciidamada Maxkamadaha islaamka ay isku haleeli doonaan deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka oo Maxkamadaha ay difaac adag uga jiraan.

 

 

Axmed Cumar Saalixi

 

Shabelle Media Network Gedo

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale has purposely spared Kismaayo any fighting and has forced his opponents to engage him in the open fields of the middle Jubba as opposed to the Lower Jubba and areas near Kismaayo.

 

Col Barre Hiiraale will once again get to test his reknowned tactical military strategy.

 

We await.

 

somalia.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale has purposely spared Kismaayo any fighting and has forced his opponents to engage him in the open fields of the middle Jubba as opposed to the Lower Jubba and areas near Kismaayo.

 

Col Barre Hiiraale will once again get to test his reknowned tactical military strategy.

 

We await.

 

somalia.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this