Sign in to follow this  
Nomadic Activist

Kenyan government attacks ceel-waaq city.

Recommended Posts

Weerer aan cidina wax ku noqon oo ay maanta ciidamada Kenya ay ku soo qaadeen deegaanka Ceelwaaq ee ku taala xadka Kenya iyo soomaliya

 

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Ceelwaaq ayaa waxay sheegayaan in maanta ay weerarka ku soo qaadeen deegaanka Ceelwaaq ciidamo la sheegay in ay ka tirsanyahiin kuwa xadka ee dowlada Kenya ayadoo aan la garanayan sababta dowlada Kenya ay weerarkaas ugu soo qaadya deganka Ceelwaaq oo uu haatan ku suganyahay Gudoomiyaha Maamulka Isbahaysiga Dooxada Juba xildhibaan Barre Aadan Shire oo isagu mar hore halkaa u aaday sidii uu dhex dhexadin halkaa uu u dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah ee deegankaa ku dagaalamay.

 

"waxay isticmaalyeen qoryaha loo yaqaan Jabshaha Basuukaha iyo qoryo kale oo fudud ayagoo ku soo liishaamayay magaalada gudaheeda waxayna soo dhobteen xadka ay magaalada Ceelwaaq la wadaagto dalka Kenya" sidaasi waxaa yiri mar uu BBC da u waramayay xildhibaan Barre Aaden Shire (Barre Hiiraale) oo isagu halkaa ku suganaa.

 

Hadaba kowhoreeto ayay ahayad markii ay sheegtay mid ka mid ah beelaha halkaa ku dagaalamaya abaabulka iyo dhiilada colaadeed ee halkaa ka taagani ay ku lug leeyahiin dowladaha dariska ah sida dowlada Kenya iyo itoopiya oo ayadu la sheegay

 

inaysan ka maqnaankarin goob ay isku dagaaleen labo beelood oo daga gobolada koonfureer inta ay ayadu xadka la wadagto mana jiraan ilaa iyo hadeen wax tafaasiil ah oo ay dowlada Kenya ku sheegtay dagaalkii maanta ay ciidankeeda ku soo qaadeen magaalada ceelwaaq.

 

 

 

 

Cabdi qadar Nuur Maxamed (filipiin)

Cabudwaq_Online

Kismaayo Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ay isaga horyimaadeen Ciidamada Dalka Kenya iyo Maleyshiyooyinka ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo maanta ka dhacay xuduuda u dhexaysa labada magaalo.

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaa in

abaarihii 9:00 subaxnimo ee maanta dagaal uu ka dhacay meel u dhaw xuduuda Kenya iyo

Soomaaliya ay wadaagaan gaar ahaan inta u dhexaysa magaalooyinka Ceelwaaq Soomaaliya

iyo Ceelwaaq Kenya.

 

Dagaalkan ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ahaa iskahorimaad kooban oo u dhexeeyay

maleyshiyooyinka maaalmahanba ku sugnaa gudaha magaalada Ceelwaaq iyo Ciidan ka

tirsan dowlada Kenya oo ku sugnaa xiligaasi xuduuda u dhexaysa labadaasi magaalo

iyadoo sidoo kalena la sheegay inay labadan dhinac iswaydaarsadeen hubka noocyadiisa

kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda waaweyn ee lidka diyaaradaha.

 

Ilaa iyo iminka lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka dambeysay dagaalkan iyo

khasaaraha uu gaystay inkastoo ay soo baxayaan warar aan la xaqiijin oo ku saabsan

dagaalkaasi. Sarkaal ka tirsan ciidamada jooga degmada Ceelwaaq oo goor dhaw aan

kula xariirnay khadka telephone-ka satellite ee guur-guura oo kusugan degmada

Ceelwaaq ayaa noo xaqiijiyay inuu dagaalkaasi ka dhacay meel u dhexaysa xuduuda

labada magaalo kadib markii ciidamada Kenya ay u soo dhawaadeen dhinaca magaalada

Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo ay ku sugan yihiin ayuu yiri ciidamadayada.

 

Sarkaalkan oo ka gaarsaday magiciisa ayaan faah-faahin ka bixinin khasaaraha uu

gaystay dagaalkaasi balse dowlada Kenya ayaa wuxu ku eedeeyay inay ku soo xadgudbeen

deegaankooda iyagoo wata hubka noocyadiisa kala duwan taasina ay faragalin ku tahay

ayuu yiri xiriirka darisnimo ee u dhexeeya labada dal.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa ku soo beegmay xili dowlada Kenya ay todobaadyo

kahor si buuxda u xirtay xuduuda Kenya ay wadaagto Gobalka Gedo.

 

Xasan Cabdi Keynaan

 

Alldalka, Baardheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was listening to the BBC today and some MP/wasiir kuxigeen was being interviewed. He was asked what the solution to situation in ceelwaaq would be and the man said there will be no solution until all the invaders are sent back to Cabduwaaq. So I guess this thing will go on for a long time. I guess "reer cabduwaaq" have no choice but to defend themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

there will be no solution until all the invaders are sent back to Cabduwaaq. So I guess this thing will go on for a long time. I guess "reer cabduwaaq" have no choice but to defend themselves.

The only reer cabduwaaq person is Barre Aden Shire.

 

Allxamdulilaah that the attackers have returned to their original degans in Ethiopia :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this