Saalax Posted March 1, 2010 Originally posted by Qudhac: quote:Originally posted by Sacad *Ducaale: ^^^^ Since when did Baligubadle became central? am not from baligubale?? am not my family is from shiekh and burco. kinda of central/west Oodweyne is kind of considered central or galbeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted March 1, 2010 Salaadiintii booqday magaalada Maydh oo caawa ku soo laabtay magaalada Ceerigaabo Written by Qarannews Feb 27, 2010 at 03:46 PM Ceerigaabo,(Qaran News)- Waxa caawa 6:30 fiidnimo soo gaadhay magaalad Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waftigii ka koobnaa 7 suldaan ee booqashada ku tagay magaalada Maydh, salaadintani oo booqday Tobaneeyo tuulo oo ay ka midtahay magaalada xeebta ee Maydh, halkaasi oo uu ku koobnaa socdaalka salaadiintu, iyaga oo booqday dekada magaalada Maydh isla markaasina soo indho indheeyay wadada tabco, taasi oo aad loogu soo dhaweeyay salaadiinta goob kasta oo ay istaagaan. Waftigan oo uu horkacaayay badhisaabka gobolka sanaag, waxa magaalada Maydh ku qaabilay inii ay xagaasi marayeen maayarka magaalada Maydh, iyada oo waftiga xiligii ay galayeen magaalada maydh, lagaga hortagay sadex mayl oo ay dadku tubnaayeen wadada hareeraheeda isla markaasina salaadiinta dhamaantood caleemo qoyan lagu daadiyay isla markaasina qoorta loo sudhay suldaan kasta ubaxyo. Waxa sidoo kale waftiga soo dhaweeyay taliyahga ciidanka bada ee gobolka Sanaag oo isagu xiligaasi ku sugnaa xeebta Maydh. Salaadiinta ayaa caawa u soo hoyday oo dib ugu soo laabtay magaalada Ceerigaabo iyaga oo ku soo hoyday aqalka martida ee gobolka Sanaag oo dhawaan la dhisay, hadaba warka iyo sawirada salaadiinta kala soco qaybaha kale ee wararkeena danbe. Quote Share this post Link to post Share on other sites