Sign in to follow this  
General Duke

Laas Canood: secessionist reps leave in a rush[as usual]

Recommended Posts

Saraakiishii ka socotey Somaliland oo xalay gelinkii dambe ka baxay Laaska

 

Magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool waxaa gelinkii dambe ee habeenkii xalay guure kaga baxay xubno ka socda maamulka Somaliland oo habeen hore soo gaarey magaaladaas.

 

Ka bixitaanka magaalada Laas Caanood ee guddoomiye kuxigeenka kuwaad ee golaha baarlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Cadde, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Somaliland.

 

Ka bixitaanka wafdigan ee magaalada Laas Caanood ayaa ka dambeysey kadib markii odayaasha iyo waxgaradka gobolku ay la kulmeen wafdigaas una sheegeen in ay magaalada Laas Caanood ka baxaan iyadoo la eegayo maslaxadda guud.

 

Maamulka gobolka Sool, ayaa sheegay in wafdiganu uu ahaa mid arrimo dhaqan u yimid balse aanu ahayn wafdi siyaasad ku socdey.

 

 

 

Axmed Maxamed Jaamac

 

SBC Laas Caanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: "Xubnihii Somaliland waa ay iskaga huleeleen Laascaanood" Wasiirku xigeenka Arimaha Amniga Puntland.

29. juli 2007

 

Laascaanood(AllPuntland)- Maalintii shalay ayaa waxaa magaalada Laascaanood si dhuumaaleysi ah ku soo galay xubno ka socda Maamulka labaxay Somaliland,ayadoo arintaasi buuq siyaasadeed ka dhex abuurtay Dadweynaha Laascaanood.

 

Xubnahaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay saaka halkaasi ka isaga huleeleen ,markii ay dawlada Puntland ka dalbatay in ay deg deg uga baxaan Magaalada laascaanood maadaama ay ka tirsan tahay dawlad gobaleedka Puntland.

 

Wasiirku xigeenka arimaha Amniga Puntland Faarax Cabdi Doorshe ayaa wuxuu AllPuntland usheegay in xubnahaasi uyimaadeen codsi uga yimid beelahooda isla markaana aysan ku imaan wax maamul ah magaci ,isagoo warkan ku sheegay in uu yahay mid ay buunbuunisay Xukuumada Hargeysa.

 

Faarax Cabdi Doorshe wuxuu sheegay in ay markii ay yimaadeen Magaalada laascaanood xubnaha ay soo mareen xarunta wasaarada Maaliyada Puntland ku leedahay Magaalada ,ayna kula hadleen ayagoo ay wadaan Isimadooda gudiga amniga gobalka Sool oo markaasi kulansanaa ayna usheegeen in aysan wax siyaasad ah ku lug laheyn.

 

Wasiirku xigeenka arimaha amniga ayaa oo laweydiiyay warka sheegaya in ay wafdigu halkaasi uyimaadeen indho indheynta Mashaariic ay Somaliland sheegeen in ay halkaasi ka fulinayaan,balse Faarax Cabdi Doorshe wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isla markaana aysan Maamulka Waqooyi galbeed waxba hawlaa ka wadin Sool.

 

Shan ka dib ayaa waxaa Shalay dadweynuhu isweydiinayaan wafdiga yimid laascaanood ee ka socda Maamulka Daahir Riyaale Kaahin oo Magaalada xoog looga saaray sannadkii 2002-dii xiligaasi oo uu Madaxweynaha Puntland ahaa C/laahi Yuusuf Axmed hadana ah Madaxweynaha DFKMGS.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Waftigii Somaliland Oo Ka Anba Baxay Laascaanood Kadib Booqasho Ay Gobolka Kuyim

 

(Laascaanood}29.7-7

Waftigii Balaadhnaa ee xubanaha wasiirada iyo goloyaasha baarlamaanka maamulka labaxay somaliland isugu jiray ayaa si nab doon uga anba baxay magaalada laascaanood kadib markii hawlahoodii shaqo ay soo afmeer meen......................................

 

Wasiirka Caddaaladda maamulka labaxay Somaliland, Axmed Xasan Cali (Casoowe) iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamuud Faarax (Baashe Cadde) iyo wefti ay hoggaaminayaan ayaa ka anba baxay laascaanood kadib socdaal ay ku tageen deegamada gobolka sool

 

Socdaalkan oo ahaa safarkii u horreeyey oo wafti ka socda maamulka labaxay Somaliland uu ku tago deegaano hoos yimaada gobolka sool, ,

 

waxa weftigu kulama gaar-gaar ah la yeesheen maamulka gobolka sool masuuliyiinta laamaha dawladda ee ka hawl gala gobolka sool ee dhanka puntland

 

kulankaas oo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay ay ugu weynayd sidii loo adkayn lahaa amaanka iyo nabad gelyada gobolka sool isla markaana ay labada maamulba gacan uga geysan lahaayeen falalka lidiga ku ah nabad gelyada.

 

ugu danbayntii waftigan ayaa ka anba baxay hiirtii waaberi ee saaka magaalada laascaanood iyagoo dhanka wadada u baxda hawdkana sii dhexqaaday waxayna sheegayaan warar kala duwan oo aanu helnay inay halkaasi uga sii gudbi doonaan tuulooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin kalabaydh, saxdheer,karin iyo qorileey.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Centter

 

widhwidhonline@gmail.com

 

 

What adifference in reporting!! :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

these people did not go any where but xaabsade's house who is angry that he was fired after refusing to return to garowe because "his" ministry was broken up and made into two different ministries. these traitors were allowed into las anod for three reasons: they are from the region, they promised not to partake in any political activities and there was a general concern for security. Widhwidh is simply mad that xaabsade, who they consider as there clan rep in the cabinet, was fired. now more then ever, xaabsade has proven that he is only looking out for dantisa rather then that of his people. he has done nothing for his region or puntland and has proven beyond doubt that he deserved to be fired.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this