Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: PM Sharmarke lands in Puntland

Recommended Posts

Haatu   

I am not against the success of Puntland. It will receive it's rights from the central government like the education look at this:

 

Wasiirka Wasaaradda Ganaciga Dowladda Soomaaliya C/raqshiid Cirro oo ka mid ah wafdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shirama-arke oo booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalka R/iisul Wasaaraha.

 

C/rashiid Cirro waxaa uu sheegay tan iyo markii Dowladda Soomaaliya lagu soo unkay Dalka Jabuuti in waftigu yahay kii ugu horreyay ee heerkiisa gaarsiisan oo booqasho ku taga deegaannada Maamul Gobaleedka Puntland, waxaana uu sheegay in markii ay tageen Magaalada Gaalkacyo soo dhaweyn heer sare ah kala kulmeen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Max'ed Faroole.

 

Waxaa uu intaa ku daray Wasiirka in Wafdiga labada dhinac kulamada ugu horreeya ee dhaxmaraya ay kaga wada hadli doonaan arrimo u badan xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in lays kula soo qaadi doono kulamada Mas'uuliiyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland qodobo ay ka mid yihiin Nabad-galyada, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Waxbarashada, isaga oodhinaca kale sheegay in sidoo kale laga wada hadli doono iskaashiga labada dhinac maadaama ayuu yiri Maamul Gobaleedka Puntland yahay mid hoos taga Dowladda Soomaaliya.

 

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in saacadaha soo socda kalamada labada dhinaca ku soo biiri doonaan Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Prof, Ibraahim Xasan Caddow oo maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii deeq Waxbarsho oo dibadda ah loogu diri lahaa Ardeyda Soomaaliyeed ee dhameystay dugsiyada sare ee Dalka.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu kulan la qaato Mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo maalmihii ugu dambeeyay u joogay Magaalada Gaalkacyo arrimo dhinaca Nabad-galyada ah maadaama magaaladaasi ay ka dhaceen dilal is xig-xigay oo ay ugu dambeeyay dilkii lagu fulayay Culimo ka tirsan Jameecada Tabliiqa, kuwaasi oo dhalasho ahaana ka soo jeeda Dalka Pakastan.

 

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha maamul wanaagga Puntland Maxamed Faarax (Gaashaan) ayaa xalay mar uu kulan la lahaa wafdiga uu hor kacayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya C/rashiid Cumar Cali Sharma-arke, waxa uu kulankaasi ka sheegay in ay dadka ka soo barakacay Koonfurta dalka ay la' yihiin meel kala geeyaan ilaa haatan.

 

Gaashaan ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray in looga bahan yahay in dowladda Federalka ay wax ka qabato arinta soo barkacayaasha ku sugan Puntland, isla markaana ay il gaar ah ku fiiriso dadka iyagu halkan ku tabaalaysan.

 

----

 

All we are asking you for is to give the central government its rights. As for the roads, airports and all the other infrustructure, the government cannot provide it at this time and moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Jaanjuumo: Adeer the central governmenment does not exist and thus I wont worry about this Sharif thing. However Puntland State came about because of the want and needs of its people. The priority is to develop the much neglected infrustructure, no one is going back to the days when the whole country was one city.

 

Puntland formula would make Somalia a successful country, you are only defending narrowe selfish interest.

 

Also a government with Sharif Xasan as Minister of Finance wont get anyone anywhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

The Puntland formula is a dignified way of addressing ones shortcomings. Without Hating on Somalia or pretending to be the orphans of the Queen of England.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this