Sign in to follow this  
Cowke

Somaliland Waraabe Says UCID Campaign Stops Tommorow

Recommended Posts

Cowke   

DEG DEG: Xisbiga UCID oo Ku Dhawaaqay in Ololihiisa Doorashada uu Joojinayo Maalinta Berito

 

Feysal Cali Waraabe

 

Hargeysa (RBC) Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa mardhaweyd shaaciyey in ololihiisii dhinaca Bariga uu joojinaayo isaga oo taas ku sababeeyey in maalinta berito ay tahay maalin ciid ah oo Jimce ah isla markaana loogu talo galay in dadweynaha caalamka ah ee Muslimiinta ahi maalintaas ka nastaan shaqooyinka iyo camaliyaadka ay leeyihiin.

 

Gudoomiyaha UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maadaama ay ololahooda maalinta ay u lahaayeen ku soo beegantay Jime ay go’aansadeen xisbi ahaan inay joojiyaan ololaha dadkuna ay sidaas u sheegeen, isagoo xusay in maalmaha kale ee u haray ay sii wadan doonaan.

 

“Waa maalin Jimce ah, dadka Islaamkuna waa u ciid sidaas awgeed waxaanu go’aansanay inaan ololahayaga joojino berito Insha Allah”, ayuu yiri Gudoomyaha UCID oo ka hadlay sababta ay ololaha u joojiyeen..

 

Gudoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Cadaalada iyo Daryeeku ku dhaqaayo bulshada reer Somaliland hadii Illaahay ku guuleeyo mawqifkooda siyaasadeed inay wax ka badal ku samaynayaan xeerka maanta jira kaas oo uu sheegay, gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe inay u horseedi doonaan dadka ku dhaqanka Shareecada Islaamka taasoo ay dhinacyo badana waafajin doonaan. Wuxuu intaa raaciyey in la baabi;in doono wasaarada caddalada ee hadda jirta.

 

“Waxaan baabiin doonaa wasaarada cadaalada ee haatan kaligeed taagan ee dalka ka shaqaysa taas oo aanay jirin muhiimad ay maanta ugu fadhido dalka waxaana hoos geynayn doonaa isla markaana samaynayn doonaa wasaarad cusub oo la yidhaa Wasaarada Diinta iyo AWqaafta iyo Cadaalada taas oo laamo badani hoos iman doonaan wasaarada maanta dalka ka shaqeeya”, ayuu yiri gudoomiyaha UCID.

 

Hadalka ka soo baxay hogaanka sare ee UCID ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalinta berito ah uu Xisbigu lahaa kaltanka ololaha doorashada oo xisbi kasta maalin uu lahaa. Hase yeeshee waxaa dhinaca kale xisbiyada dhamaan weli ku jiraan dadaaladooda ku aadan hanashada codadka dadka marka la gaaro maalinta codbixinta ee 26-ka June iyadoo madaxda xisbiyadu dhamaan ay safaro ku wada maraaan gobolada kala duwan si ay dadka uga dhaadhiciyaan siyaasadooda.

 

Waxaan sida rasmiga ah illaa hada aan la saadaalin karin cida ku guulaysanaysa doorashadda aqalka looga taliyo Somaliland, taas oo maalmo yari ka hadhsan yihiin, iyagoo si weyn looga dareemi karo dhamaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland hadal haynta iyo saadaasha doorashadan soo socota.

 

Jamaal Mahdi

RBC Radio, Hargeysa

Email:- mahdi760@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Well Well Well. Faysal Ali Waraabe is now all of a sudden a muslim and will stop his campaign for eid how nice of him but it wasn't to long ago when this self-styled shaykh was saying that "kan addis joggo baa iga dhow kan hamar joggo" waxaana macnaheeda loo fasiri kara taas inuu ka wado "gaal tigray ah oo addis ababa joggo baa iga dhow kan muslim oo somali hamar joggo".

 

Excellent job faysal ali waraabe your lucky you are not fried for your comments and your total sheer sillyness which if assessed can take you out of the fold of islam!!!

 

But what I find even sadder is that people actually respect this guy and even vote for him now that's what scary :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

It will be even scarier when he brings his tanks in the gates of garowe, don't be surprised when you see Faroole saying boowe inaga qale. . :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

cowke kitty cat

 

if you love your two villages of garowe and bossaso, pray that faisal never comes to power loool...

 

if he did then riyaale sool thing would look like walk in the park compared to what would happened to pirateland, somaliland border would be by galkacayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this