Sign in to follow this  
General Duke

Cadaale: roads coming in out of Migadishu closed.

Recommended Posts

Cadale: Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo adkeeyay baraha kontoroolada laga soo galo Muqdisho iyagoo goobo hor leh degay.

6. April 2007

 

Cadale(AllPuntland)- Ciidamada dalka Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa aad u adkeeyay wadooyinka dhaadheer ee soo gala magaalada Muqdisho kana yimaada gobolada dariska la ah gobolka Banaadir.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada milateriga dalka Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa dowladda ayaa fariisamo hor leh ka sameytay agagaarka degmada Cadale oo ka tirsan gobolka Sh.Dhexe halkaasi oo aysan horay u tegin tan iyo markii ay dalka Soomaaliya soo galeen ciidamada Itoobiya.

 

Wararka aan ka heleyno degmada xeebta ah ee Cadale ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay baro kontorool ay ka sameysteen wadooyinka isku xera Caddale iyo Jowhar halkaasi oo gaadiidka ay ku baarayaan iyagoo aan wax dhibaato ah u geysaneyn dadka iyo gaadiidka.

 

Lama oga sababta keentay in xiligan ay fariisamo cusub ka sameystaan ciidamada milateriga Itoobiya gobolka Sh/Dhexe ee dhinaca xeebta, hase ahaatee warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in ay ciidamadu halkaasi u tageen sidii loola socon lahaa dadka ka baxaya Muqdisho iyo kuwa soo galaya iyadoo afarta jiho ee laga soo galo magaalada Muqdisho la dhigay ciidamo.

 

Ciidamada dalka Itoobiya ayaa fariisamo hor leh ka sameynaya goobo cusub oo haray aysan u deganeyn taasoo qeyb ka ah sidii loola socon lahaa dhaqdhaqaaqyada iyo kontoroolka magaalada Muqdisho si loola socda cidii ka baxeysa iyo dadka soo galaya magaalada Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

CADALE: Ciidammo ka tirsan kuwa Ethiopia oo saldhigyo cusub ka sameystay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Posted to the Web Apr 06, 09:35

 

 

Cadale (PP) - Ciidammo ka tirsan kuwa Ethiopia ayaa la sheegay inay fariin xooggan ka sameynteen agagaarka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo la sheegay inay isku dhereriyeen inta dhexeysa waddada dheere ee isku xirta Cadale iyo Muqdisho iyo xeebta deegaanka Cadale.

 

Ciidammadaan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii ka baxay deegaanka Darmooley ee u dhexeeya Suuqa xoolaha iyo Balcad, lamana sheegin sababta dhabta ah ee keentay in ciidammadaan ay fariisinka uga sameysteen deegaanka Cadale ee Gobolka Shabeellada dhexe.

 

Wararka ka imaanaya Cadale ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay wataan gawaarida dagaalka oo aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Taangiyo, waxaana sidoo kale la sheegay inay wataan madaafiicda goobta.

 

Dadka ku sugan Degmada Cadale ayaa waxay sheegeen inay saldhigyo kala durugsan ay ka sameysteen ciidammadaan banaanka Degmada Cadale, iyagoo sheegay inaysan gudaha u soo gelin Degmada, balse daafaha oo dhan ka jooga.

 

Koontarool ayaa la sheegay inay sameysteen waddo isku xirta Cadale iyo Jowhar, halkasoo ay ku baaraan gawaarida dadweynaha ee isaga goosha deegaannada Shabeellada Dhexe, lamana garanayo waxa ay halkaas ka baarayaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arye when did the Xabashi soilders turn into TFG?

You see you guys seem to be clowns.

when the war was at its peek in Mogadishu and bodies of Xabashi were being displayed in media.

 

Somalida in Addis wala Xasuqaye irespective of being pro or anti TFG.

Here we have some guy celebrating the occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. The Ethiopian, Ugandans troops are there to support the TFG.

Funny how your prediction seem futile, who are these troops searching for, maybe your friend Abdiqasin.

 

There is no occupation we have a recognised government which has the support of our key neighbours, Uganda, Ethiopia as well as Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hey why should you drag you uncle C/Qasim to this debate.

anyway it wouldnt do good to the clan govt if you claim that they are recognised by the mentioned above dysfunctional govts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So thats how nations this days are formed in the 21st century.

They have to be recognised by International bodies before they are recognised localy.

What a wierd world we are living in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. You are living in a world of your own, the TFG has the internal and external support it needs to secure its country.

 

Also the TFG is only now reaching the half way point of its five year mandate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Meles Zenawi is the former tool of Siad Bare and Afreweki. Know he is being used by Bush. However, this one will be the ultimate disaster. I repeat once again, the man has been sent to a disaster in Somalia. Cocentrating on a few men( Indhacade etc) will not change or save him from this upcoming disaster!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ammaanka waddooyinka Muqdisho & Shabellaha Dhexe oo la adkeeyey

 

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa bilaabay hawlgal lagu adkaynayo ammaanka baraha kontorool ee soo gala magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda iyadoo ay ciidamadaasi amni sugid ka bilaabeen xeebaha gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan agagaarka degmada Cadale oo ay fariisimo cusub ka samaysteen.

 

Dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa u muuqda in looga gol leeyahay dadaallada ay dawladdu ugu jirto sugidda ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo la filayo in dhowaan magaalada lagu qabto shirka dib u heshiisinta qaran.

 

Ciidamadan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dagaal qaraar la galay kooxo aan la garanayn oo ku sugan magaalada Muqdisho kana soo hor jeeda ciidamada dawladda iyo xoogaga kale ee taageeraya.

 

Axmed Xasan Mahad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this