Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Y VISITS A HISTORICAL PLACES IN MOGADISHU

Recommended Posts

Muqdisho:Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta booqday goobo taariikhi ah.

25. Mar 2007

 

 

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta booqday goobo caan ah oo taariikhda Soomaaliya ay ku caan tahay.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay ee uu yimid magaalada Muqdisho booqday Bankiga Silsila weyne, taaladii Xaawo Taako, Sayidka, SYL iyo dhismooyin kale oo taariikhi ah.

 

Booqashadan oo ay ku wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo golaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu sheegay in uu aad ugu xun yahay burburka xoogan ee soo gaaray goobihii xasuusta qaran Soomaaliyeed u gaarka ahaa, wuxuuna Madaxweynuhu uu sheegay in dowladdiisa ay xil iska saari doonto sidii loo dhisi lahaa xarumahaasi.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu wax lagu xumaado ku tilmaamay markii uu indhihiisa ku arkay burburka dhismooyinka qadiimiga ahaa iyo goobihii qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in la soo celin doono dhismooyinkaasi.

 

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha dowladda KMG u booqdo goobo ka tirsan magaalada Muqdisho tan iyo markii uu Muqdisho soo gaaray.

 

Markii xukunka laga tuuray dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbeyntii iyadoo dalka ay ka bilaabatay bililiqo xoogan oo xarumihii dowladda iyo taalooyinkii taariikhiga bililiqo xoogan loo geystay.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo maanta kormeer ku sameeyay qaybo ka tirsan Muqdisho

Posted to the Web Mar 25, 14:36

 

 

Muqdisho (PP) – Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kormeerro ku sameeyay qaybo muhim ah oo ka tirsan Muqdisho, isagoo kormeerkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Dowladda.

 

Goobaha uu Madaxweyne Yuusuf booqday maanta ayaa waxaa ka mid ah dhimayaashii hore ee Dowladihii Soomaaliya ay ku shaqeyn jireen, sida Baarlamaankii hore ee Soomaaliya, Dhismayaashii Wasaaradihii hore ee Dowladda sida: Wasaaraddii hore ee Caafimaadka, Wasaaraddii hore ee Arrimaha Gudaha, Wasaaraddii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xarumo kale oo muhim ah.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweyne Yuusuf ayaa wuxuu booqday taalooyinka lagu xusuusto gobonnimada dalka, waxaana booqshada oo ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ay warbixin ka siinayeen Madaxweynaha burburka la soo guboonaaday goobahaas.

 

 

 

Intii Madaxweyne Yuusuf uu ku jiray booqshada qaybahaas kala duwan ayuu hadal uu jeediyay ku sheegay in goobahaan oo dhan dib loogu soo celin doono sidii hore ee ay ahaan jireen, marka ay dowladdu billowdo inay dalka dib u dhis ku sameyso.

 

 

 

Booqashadaan Madaxweyne Yuusuf uu ku kala bixiyay Muqdisho qaybo ka mid ah ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo uu ku sameeyo Magaalada Caasimadda ah kaddib imaanshihiisii Muqdisho bishii Jannaayo ee sannadkaan, markaasoo dowladdu ay ku guulaysatay inay la wareegto gacan ku haynta Muqdisho.

 

 

 

Xubnihii ku wehliyay Madaxweyne Yuusuf booqashadaan ayaa waxay ku tilmaameen booqashadaas inay ahayd mid aan horay loo qorsheyn, waxayna booqashada Madaxweyne Yuusuf ku soo beegantay iyadoo dagaallo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay Muqdisho qaybo ka tirsan.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President strolling around peacefully in his town; where are all the ICU clown remnants that cried "A/Y is too scared to come to Mogadishu", "A/Y left Mogadishu in secret", "A/Y is hiding in Baidoa" etc. Just like almost any other propaganda news message from it was fake lies and this press release dismantles them all.

 

I like the idea of the President touring the old damaged historical buildings and assuring ppl they will be rebuilt. A new Somalia is in the making ppl.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Touring what???? I like the African Mentality..It fascinates me and captures my curousity all the time.....

 

The president strollin down???

 

Even if he is in the comfort of his own house, Yeeye the African baby-slayer is no longer capable of strollin bro...Rumour is That His Excellency Meles Mr-I-Own-your-assses Zenawi must have done something to him personally that damaged his backbone and joints permanently....He walks like A gabar aroos kasoo baxday iminka...Open your eyes and observe...somthing aint right...Look at Geedi walking or Adeer Yeey the African vampire hoppin carefully...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by TheSomaliEconomist:

The President strolling around peacefully in his town

Strolley xaal qaado... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^Don't you like how people sugar coat things?

 

Man, when did lying become so easy?

 

BTw...Mr. Juje, I like that image at your signature.

 

Waryaa JC,

 

Waar ninyow nin xun oo mujrim ah ayaad noo faaninaysa, waar iskaga hadh waxna ha ku darsan mujrimiinta. Riyale laftiisa ka hadh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

...His Excellency Meles Mr-I-Own-your-assses Zenawi must have done something to him personally that damaged his backbone and joints permanently....He walks like A gabar aroos kasoo baxday iminka...

Ceeb, ceeb, ceeb. Tartiib igaarka. Qajacnimo iyo waxaas wax ku haboon ma'aha. Odeygaas qafiifay wax kale ku sheeg, sida stooge iyo puppet, laakiin qajacnimo haddee gaartay ceebteena Eebbe ha asturo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this