Sign in to follow this  
Jumatatu

Somalia 2 - Djibouti 1

Recommended Posts

Jumatatu   

EIXulka%20Qaranka.JPG

 

Xulka Qaranka Soomaaliya oo 2-1 uga adkaaday xulka dalka Jabuuti.

Kigali.

 

Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyey oo ay la ciyaareen xulka dalka Jabuuti tartanka bariga iyo bartamaha Africa ayaa maanta guushii ugu horeysay ka soo hooyey

 

Ciyaarta labada dal ayaa ka dhacday maanta dalka Ruwanda magaalo madaxdiisa Kigali.

 

Soomaaliya oo ku jirtay Group-ka B ayey waxa ay isku Group yihiin wadamada Jabuuri ,Suudaan,Uganda iyo Itoobiya.

 

Ciyaartii galabta ee Soomaalida la ciyaartay Jabuuti ayaa dhamaadka qeybti hore ee ciyaarta waxaa goolkii ugu horeeyey la hormaray xulka Soomaaliya waxaana u dhaliyey ciyaaryahan C/kariim C/laahi oo ka mid ah Ciyaartoydii dalka dibadiisa laga keenay si ay uga saftaan xulka Soomaaliya.

 

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhaamatay l iyo 0 Markii leysku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wadanka Jabuuti waxaa u suura galay in ay helaan goolkii Bareejada

 

Gabagabadii Ciyaarta ayaa waxaa Goolkii guusha u dhaliyey dhalinta ku ciyareysay magaca Soomaaliya Maxamed Nuur Shaarkey oo asagu ah weeraryahanka xiliyadii danbe ee Qaranka Soomaaliya .

 

Xulka Soomaaliya oo lagu yaqaano badinta ciyaarta hore ayaa looga fadhiyaa bal in ay sanadkaan yimadaan wareega labaad ee Ciyaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   
Waxaan u hambalyaynayaa Xulka Soomaaliyeed, tababareyaashooda iyo maamulka kubadda Cagta ee Soomaliyeedba. Waxay u egtahay in Soomaaliya ay ku soo noqotay khariidadda ciyaaraha kubadda cagta ee adduunka. Tabaabushe wanaagsan ayey ahayd runtii in dhallinyaro xirfad sare leh laga wado dibedaha. Waxaan sugi la'ahay in Itoobiya iyo Uganda sidaas loo waro!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this