Sign in to follow this  
General Duke

New York meeting on Somalia.

Recommended Posts

Shirkii Maraykanka ku baaqay ee Somaliya oo furmaya maalinta Khamiista

Last Updated::2006-06-13 14:13:50

 

New York:- Khamiista inagu soo beegan ayaa lagu wadaa inuu dhaco shirkii caalamiga ahaa ee Maraykanka ku baaqay in looga hadlo xaalada Soomaaliya.

 

Sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka Mr.Sean McCormack shirkaasi ayaa ka dhici doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

 

Sean McCormack ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay kasoo qeyb geli doonto shirkaasi, balse wuxuu sheegay in aan weli la ogeyn in ay si toos ah uga qeyb qaadan doonto ama in ay shirkaasi uga soo qeyb geli doonto UN-ka qaab goobjoogayaal ah.

 

Maraykanka ayaa sheegay in illaa iyo hada dowladaha sheegay in ay kasoo qeyb gali doonaan ay kamid yihiin UK, Italy, Tanzaniya, Norway iyo Sweden.

 

Dhinaca kale dowlada Yemen ayaa ayaduna sheegtay in ay shirkaasi ka qeyb gali doonto.

 

Maraykanka ayaa ku baaqay in shirkan lagu sameeyo (Contact Group) ama guddi ka wada xaajooda qaabkii loo taageeri lahaa dowlada Soomaaliya iyo sidii dalkaasi looga shaqayn lahaa in la xasiliyo.

 

Maraykanka ayaa si gaar ah arrimahan ugu xilsaaray in ay daadihiso haweenayda ah kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mrs. Jendayi Frazer.

 

Waxaa ayaguna soo baxaya warar sheegaya in dowlada Soomaaliya ay shirkaasi kasoo qeyb geli doonto, ayadoo la hadal hayo in ay Raysalwasaaraha Soomaaliya laga yaabo inuu shirkaasi tago.

 

Maxkamadaha Islaamiga oo aan ayagu laga casumin shirkan ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan wixii dadaal ah oo lagu taageerayo Soomaaliya.

 

Balse Maxkamadaha ayaa si weyn dhaliiceyn dusha uga tuuray dowlada Maraykanka oo taageertay Hogaamiye kooxeedkii kasoo horjeeday Maxkamadaha Muqdisho ku sugan.

 

Osman Cabdullahi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii IGAD iyo Midowga Yurub oo ku baaqay in la fududeeyo Cunaqabateynta Hubka

Last Updated::2006-06-13 15:32:29

 

Nairobi:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Raysalwasaaraaha ayaa maanta ka qeyb qaatay kulankii IGAD

ee looga hadlayey Arrimaha dalka Soomaaliya.

geedi_eu_nairobi.jpg

 

capt.3d1c110269744d07bf72d7c6f99a1b33.ke

 

Kulankan ayuu sidoo kale kasoo qeyb galay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hormuud u ahaa Madaxa Midowga Yurub ee Arrimaha Horumarinta iyo Bini'aadamka Mr.Louis Michel.

 

capt.3ac9bc3d64ec453caa5263b93556ec4b.ke

Kulankan ayey sidoo kale ku sugnaayeen xubno sar sare oo kamid ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamuud Cadow Gaabow, Wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika Mr.Laqanyo iyo xubno kale oo badan.

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf oo kasii baxaya madasha kulankii IGAD

 

Kulankii maanta ayaa qodobadii ugu weynaa ee looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii lagu taageeri lahaa Dowlada Soomaaliya.

 

 

Mr.Louis iyo Raysalwasaare Geedi oo ka wadahadlaya arrimaha Soomaliya.

 

Waxaa sidoo kale laga hadlay qaadida xayiraada Hubka ama cunqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

 

Mr. Raphael Tuju oo ah Guddoomiyaha shirkii IGAD ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya ayaa sheegay in la yaab ay tahay in dalal shisheeye ay taageeraan dagaalada kasii soconaya dalka Soomaaliya, ayagoo wata dano u gaar ah.

 

Raphael Tuju ayaa soo dhaweeyey Shirka uu Maraykanka ku baaqay ee ka dhici doona magaalada New York, balse wuxuuna sheegay in shirkaasi aan laga casumin IGAD iyo Midowga Yurub, arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid la yaab ah.

 

Mr.Louis Michel oo ah madaxa Midowga Yurub ee arrimaha Horumarinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowlada Soomaaliyeed ay yeelato ciidan, isla markaana la debciyo ama la fududeeyo cunaqabteynta hubka.

 

Shirkii maanta ayaa lagu falan qeeyey isbedalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

 

Dalalka IGAD ayaa sheegay in Qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay dagaaladii Somaliya in la saaro cunaqabateyn isla markaana la xanibo dhaq dhaqaaqooda.

 

Wararka soo gaaraya HorseedNet ayaa intaa ku daraya in Hogaamiye kooxeedka ka gadooday Dowlada Federaalka, isla markaana ka qeyb qaatay dagalaadii Muqdisho in aan loo ogolaan in ay cagta dhigaan dalalka IGAD.

 

Go'aankan ayaa la filayaa inuu sameyn ku yeesho Dowlada Jabuuti oo horey u sheegtay in ay dalkeeda soo geli karaan xubnihii Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ee laga saaray Muqdisho.

 

Dowlada Kenya ayaa horey uga saartay dalkeeda qaar kamid ah Xubnihii Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ee gaaray Nairobi.

 

Xukuumada Kenya iyo tan Federaalka ee Soomaaliya ayaa horey u gaaray heshiis u gaar ah oo ah in ay ka wadashaqeeyaan dhinaca amniga iyo socdaalka.

 

Dhinaca kale Mr.Louis Michel ayaa Raysalwasaaraha Soomaaliya si rasmi ah ugu wareejiyey deeqyo uu Midowga Yurub horey ugu balan qaaday Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Louis Michel ayaa sheegay in Midowga Yurub uu si buuxda u garab taagan yahay dowlada Soomaaliyeed ee xarunteedu tahay magaalada Baydhabo, asagoo intaasi sii raaciyey baahi weyn loo qabo in dalka Soomaaliya uu yeesho nidaam iyo kala danbeyn.

 

Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa asaguna shegay in dowlada Soomaaliyeed ay ka go'an tahay in ay tagto magaalada Caasimada ee Muqdisho, wax walba oo dhaca, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Wuxuuna Geedi ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Hay'adaha Caalamiga ah in ay ka baxaan wax qabad la'aanta oo ay si toos ah ugu soo jeestaan taageerada dalka iyo dowlada Soomaaliyeed.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka arimaha Somalia ee NewYork,maxay yihiin Sababaha ka .........

 

 

 

 

 

NewYork:-Dowlada Maraykanka oo inta badan lagu xanto inay ka mid tahay dowladaha aan jeclayn in Somalia ay dowlad shaqaysa aka dhalato,ayaa hadda u ololaynaysa shir balaaran oo markii ugu horaysay lagu qabanayo NewYork ayna ka soo qayb gali doonaan dowlado badan.

 

Shirkaan oo la qaban doono dhamaadka asbuucaan ayaa sida la shaaciyey lagu doonayaa in lagu soo bandhigo dhibaatada baahday ku habsatay dalkan ku yaal geeska Africa iyo sidii looga saari lahaa.

 

Ninka u hadla wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka Mr. Sheen McCormack oo ka hadlayay shirkaan ayaa yiri dowladaha ka qayb galaya waxaa ka go,an sidii Somalia xal waara loogu heli lahaa iyo sidii loo daaweyn lahaa dagaalada is daba jooga ah ee wali ka socda iyo waliba sidii looga hor tagi lahaa inay hoy u noqoto Xubnaha Al-qaacidah ee looga baqayo inay halkaas dagaan ka dhibtaan iyagoo ka faaiidaysanaya Dowlad la,aanta ka jirta dalka.

 

Shirkaan ayaa sida la shaaciyey waxaa Somalia uga Qayb galaya R/wasaaraha Dowlada Mr.Geeddi.

 

Dowladaha shirkaan wada ayaa oo lagu sheegay kuwa daneeya arimaha Somalia ayaa kala ah ,Britain,UsA,Italy,Tanzania,Norway,Swden iyo Dowlado kale oo fara badan.

 

Walaaca uu ku dhashay Marakanka ee kaga imanaya dhinaca Maxkamadaha Islaamka ee Muqdisho qabsaday ayaa la oran karaa waa sababta dhabta ah ee shirkaan loo abaabulay,walaw ay dowladaha qabanaya ku andacoonayaan inay ka shaqynayaan danaha Somalia.

 

Axmed Xayrdaac

Wayaha-London-UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Mareykanka oo shaacisay xilliga la qabanayo kulanka caalamiga ah ee loo hadlayo Somalia

Posted to the Web Jun 13, 12:34

 

 

Washington (PP) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in shirkii looga hadlayay arrimaha Somalia uu ka furmi doono magaalada New York ee dalka Mareykanka maalinta Khamiista ah ee soo socota.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Sheen McCormack oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa Washington ayaa sheegay in kulankaan uu ka dhici doono maalinta Khamiista ah ee soo socota magaalada New York isla markaana ay ka soo qaybgeli doonaan xubno sarsare oo ka socda caalamka.

 

McCormack wuxuu sheegay in dowladaha ka soo qaybgalaya ee ilaa iyo hadda la shaaciyay ay ka mid yihiin, Britain, Norway, Sweden, Italy iyo Tanzania, waxaana uu sheegay inay dhici karto inay ka soo qaybgalaan dowlado kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo furayo albaabbada sidii ay shirkaas uga qaybqaadan lahaayeen.

 

Sidoo kale McCormack wuxuu sheegay in kulankaas ay dalka Mareykanka uga qaybgeli doonto ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka dhanka Qaaradda Afrika Jandayi Freezer, iyadoo kulankaasna uu noqon doono mid si weyn loogu falanqeeyo arrimaha Soomaaliya oo ah kuwo xasaasi ah.

 

McCormack wuxuu sheegay in kulanka halka lagu qabanayo oo dhab ah ay saxaafadda siin doonaan maalmaha soo socda, waxaana mar uu ka warbixiyay sababata New York loogu qabanyo kulankaas looga hadlayo arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay taasi uga jeedaan sidii xubnaha Qarammada Midoobay ay ugu fududaan lahayd inay ka qaybgalaan kulankaas oo ka dhacaya halka ay ku taallo xarunta Qarammada Midoobay.

 

Kulankaan ayaa wararka ka soo baxaya dhanka Madaxtooyada Somalia waxay sheegayaan inuu Soomaaliya uga qaybgalayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Sababta dhabta ah ee kulankaan loo qabanayo ayaa ah kaddib markii Maxkamaduhu ay kaga adkaadeen Muqdisho hoggaamiyeyaashii dagaalka,taasoo keentay in Mareykanka uu ka shakiyo in argagaxisada caalamiga ah ay gabbaad ka dhigtaan Magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think America was alittle slow now they know which side to take.

 

America is a world power with out their support not thing really moves.

 

Great news.

Share this post


Link to post
Share on other sites

New York: Marykanka oo kulanka burrito ka furmaya Magaalada New York ku marti qaaday Midawga yurub iyo midawga Africa

Wednesday, June 14, 2006

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

New York (AllPuntland)- Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee xukuumadda Maraykanka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in kulanka Maalinta burrito ah ah ka furmaya Magaalada New York ee wadankaasi Maraykanka ay korjoogto ka ahaanayaan Midawga yurub iyo Midawga Africa.

 

Afahayeenka ayaa waxa uu sheegay in kulankani oo looga arrinsanayo arriamaha dalka Soomaaliya iyo sidii laga yeeli lahaa taageeridda dawladda soomaaliya illa iyo haatan wadamada ku casumani ay ka mid yihiin , Ingiriiska, Canada, Norway, Sweden, iyo tanzaniya Waxaa kale oo ka qayb gali doona wadammo kale oo reer gabled ah.

 

Wakaaladda Wararka Ee Assosiyat Press ayaa waxa ay sheegtay in kulanka burrito ka furmaya Magaalada New Yor ay ka soo bixi doonaan qodobbo muhiim ah oo ku aadan sidii reer galbeedku ay ka yeeli lahaayeen taageerada xukuumadda federaalka KMGS.

 

Xukuumadda Maraykanka ayaa waxaa kulankaasi u matalaya oo shir gudoominaysa haweenayda wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda maraykanka kala talisa arrimaha Africa.

 

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay u wada dhagtaagayan waxa ka soo bixi doona shirkaasi.

 

M. J. Koronto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this