Sign in to follow this  
Boqortooyada

Wafdi ka socda Puntland oo maanta u dhoofay Jowhar

Recommended Posts

Wafdi ka socda Puntland oo maanta u dhoofay Jowhar

 

Gaalkacyo:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ka ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta dowlada Federaalka wafdi balaaran oo ka socda dowlad Gobaleedka Puntland.

 

Wafdigan oo ka kooban xubno heer Wasiiro ah oo uu maamulka Puntland u saaray inuu kala xaajoodo dowlada Federaalka Soomaaliya arrimaha baaritaanka Macdanta ee deegaanka Puntland.

 

Wafdigan ayey kamid yihiin xubno sar sare oo ay ku jiraan:

 

Md.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiirka Maaliyadda Puntland.

 

Md.Cabdullaahi Cali Xirsi, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

 

Md. Cabdiraxmaan Dhegaweyne, Wasiirka Caafimaadka.

 

Md.Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle Geesood, Wasiirka Warfaafinta.

 

Md. Barkhad Cali Saalax, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

 

Waxaa sidoo kale xubnhan safarkooda ku wehliya Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo asagu indhawaale ku sugnaa deegaanka Puntland.

 

Xubnahan ayaa lagu wadaa in ay shirar la yeeshaan Xukuumada Prof.Cali Geedi iyo waliba Madaxweynaha dowlada Federaalka C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo midda Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa horey isugu khilaafay qaabkii loo wajihii lahaa heshiis lagu baarayo macdanta deegaanka Puntland.

 

Heshiiskaasi oo ay dowlada Puntland sheegtay in ay xaq u leedahay in ay la gasho shirkadaha shisheeye, ayey horey ugu gacanseedheen dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhankeeda sheegtay in ay ayadu tahay midda kaliya oo saxiixi karta heshiisyada noocaas ah.

 

Sida ay sheegayaan xubno ku dhow dhow wafdiga maanta u ambabaxay Jowhar ayaa sheegay, in dowlad gobaleedka Puntland ay dooneyso in ay ka dhaadhiciso Federaalka Soomaaliya in lagu taageero heshiiska isla markaana la xaliyo khilaafka arrintan.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this