Sign in to follow this  
General Duke

Qardho: VIP’s arrive for crowning ceremony of new KING

Recommended Posts

Madaxweyne C/laahi Yusuf oo maanta gaaray Puntland.

 

(Mogadishu, Arbaco,26,November, 2008,(Hornafrik Media)

 

Madaxweyneha dowladda KMG ah ee soomaaliya C/aalhi Yusuf Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe isagoo u gudbi doona degmada qardho halkasoo uu iga qeyb gali doono caleema saarka boqor ay doortaan Beelaha *******.

 

Tagitaanka Madaxweyneha oo ay ahayd mid aan la sii shaacin ayaa waxa lagu macneeyay in uu dhawaan ka qeyb gali doono caleema saarka Boqorka Beelaha ******* oo ka dhici doonta barri Magaalada qardho.

 

Safarka Madaxweyneha ee Maamul goboleedka ayaa ku soo beegmay xili dadaalo dib u heshiisiineed ay ka dhaceen dalka Jabuuti kuwaas oo sacaadihii ugu dambeeyay dowladda KMG ah iyo isbahaysiga dib u xoreynta garabka kusugan Jabuuti ay kala saxiixdeen qodobo lagu heshiiyay oo awood qeybsi ah iyadoo madaxweyne Yusuf uu horey u sheegay in saxiixa heshiiskaasi uu ka qeyb gali doono hase ahaatee taasi ma dhicin oo waxaa la leeyahay dowladda KMG ah madaxda sare isku arragti kama ahan heshiiskan.

 

Madaxweyneha ayaa ka dagay markii hore Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland halkaasoo si wayn loogu soo dhaweeyay.

 

Magaalada qardho ayaa si weyn waxaa ugu socdo u diyaar garowga Caleema saarka Boqorka cub ee beelaha *******.

 

Magaalada Qardho oo kamid ah Magaalooyinka ku yaala Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn waxaa ugu socdo u diyaar garoowga caleema saarka Boqorka Cusub ee Beelaha ******* oo lagu wado in Maalinta khamiista ah lagu Caleema saaro Magaalada Qardho .

 

Caleema saarkaani ayaa si weyn waxaa lagu wadaa in ay ka soo geybgalaan dhamaan mas'uuliyiinta madaxda Maamul Goboleedka Puntland ,qaar ka mid ah Madaxda Dowladda K.M.G.

 

Magaalada Qardho ayaa maalmihii ugu danbeesay waxaa ku soo qul qulayay Isimadda ,Waxgaladka ,Aqoonyahanada , Siyaasiyiinta ,iyo dhamaanqeybaha kala dulwan ee bulshada soomaaliyeed, kuwaasi oo aad u daneynayaa sidii ay goobjoog ugu noqonlahaayeen Caleemasaarka iyo Caano shubista Boqorka Cusub ee ******* oo lagu wado in la caleemosaaro Maalinta Khamiista sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog gal ah oo ku dhow Baqortooyada oo aan laxiriiray.

 

Boqorka Cusub ayaa lagu wadaa in loo Caleemo saaro Cabdullaahi Boqor Muusee Boqor Yuusuf oo badali doono Boqrkii hore ee dhentay Boqor Maxamuud Boqor Muuse Boqor Yuusuf .

 

Boqorkii hore ayaa waxa uu geeriyooday 15 march 2006, tan iyo wixii intaasi kadanbeeyay Boqortooyada waxaa ku dhex jiray qilaaf kuaadan qofkii loo dooranlahaa xilka boqortooyada ,wadahadal iyo xalin kadib ayaa waxaa lagu guuleystey in Cabdulaahi Boqor Muuse loo caleemo saaro xilka Boqorka.

 

Cabdulaahi Boqor Muuse ayaa waxa uu yahay rugcadaa siyaasi waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay qaar kamid ah Dowladihii soomaray soomaaliya ,waxaana lagu tiriyaa nin kartibdan oo kasoo bixikaro xilkaan lagu wado in loo caleemo saaro maalinta khamiista ah.

 

Magaalada Qardho ayaa si weyn arintaani looga dareemayaa wxaana dadka ku nool aad ugu mashquulsanyihiin soo dhaweynta Martida ku soo qolqoleysa taasoo ka imaaneysa daafaha aduunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorka Cusub ayaa lagu wadaa in loo Caleemo saaro Cabdullaahi Boqor Muusee Boqor Yuusuf oo badali doono Boqrkii hore ee dhentay Boqor Maxamuud Boqor Muuse Boqor Yuusuf .

Share this post


Link to post
Share on other sites

A career politician with some bad habits(reer magaal.com) to be crown as the boqorka reerka? Bahashu xaggey iska qabsan la'dahay? War reerka odeygoo reer baadiya ah ma waayay oo boqortooyadaan qabta?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

This is laughable. Ninkii madaxwaynaha sheeganayay ma caleemuhuu Qardho ka ruxayaa while his counterparts are making very important decisions to ooze him out.....CEEB!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheele; I neve actually agreed with the choice the man is a politician but the family have endorsed him and he is the next king. Though he should have left it tothe son of the former issim.

 

This is tradition, part of the culture a good thing to forget for a moment about the difficulties of life

 

Horn, it is the most important of the traditional titles. Not political.

 

Poker, adeer the Djibouti agreement if its good for Somalia will get support so lets hope for the best. This is an important moment for the people of Puntland and the President presence is a good thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalooyinka PL oo laga dareemay caleemasaarka Boqorka *******

 

Magaalada Boosaaso oo ah Caasimada Dhaqaalaha maamulka Punlad ayaa maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayay qabanqaabada caleema saarka boqorka Beelaha ******* boqor Cabdulaahi Boqor muuse iyadoo dadwayne aad u fara badan ay ka sii baxayeen magaalada boosaaso iyagoo ku sii socda magaalada Qardho halkaas oo maalinta barito ah oo ah 27ka bisha nov lagu wado inay ka dhacdo xaflada Caaleemasaarka Boqorka beelaha *******.

 

mar Aan la dhex qaadnay makarafoonka Idaacada sbc qaar kamid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ayay dhamaantood noo sheegeen inay soo dhawaynayaan walaw qaarkood ay sheegeen inay aadayaan magaalada qardho ee caasimada gobalka Karkaar si ay uga qaybqaataan xafladaasi

 

qaar kamid ah dadwaynaha Ku dhaqan magaalada Boasaaso ayaa sheegay inay sugayeen inay maqlaan xiliga ay dhacayso xaflada caleemasaarka boqorka iyagoo sheegay inay farxeen marka ay maqleen inay dhacayso maalinta barito ah oo ku beegan 27ka bisha novenber

 

qaar kamid ah isimada iyo nabadoonada gobalka bari kuwaas oo ku sugnaa magaalada boosaaso ee xarunta Gobalka bari ayaa iyagu u kicitimay magaalada qardho si ay uga qaybqaataan xafalda caleemasaarka Boqorka Beelaha *******

 

sidoo kale waxaa kacsan jawiga magaalada qardho oo ay ka socoto Diyaargarawga Xaflada caleemasaarka boqorka ******* iyadoo ay ku sii qulqulayaan magaaladaasi masuuliyiinta dawlada gobaleedka punland, masuuliyiinta DFKM, jaaliyadaha soomaaliyeed ee dalka dibadiisa, iyo dadwayne farabadan oo doonaya inay ka qayb galaan xaflada calaamasaarka Boqorka

 

wararka iyaguna ka imaanaya magaalooyinka waawayn ee Puntland sida caasimada Maamulka Punlad iyo gaalkacayo ayaa iyaguna sheegaya in laga dareemayo diyaargaraw ku aadan xaflada caleemasarka boqorka

 

C/naasir SIciid Max’ed

SBCInternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer your input matters not, this is an important traditional event, our tradition and culture is important and this is one of those events that helps keep us in touch with our past.

 

I wish the new Boqor all the best may he help the community as a whole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

^^^What input? I didn't contribute anything but thanks anyway.....

 

Saaxiib waxanoo cadha ah ma Omar Geelaa kaa keenay. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke..I'm gonna have to go with Horn. Who died and made the "Boqor'. There was no input from Caabudwaaq iyo Burtinle icon_razz.gif , besides don't thin you think it is time to move forward, and leave this ignorance behind?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, adeer I think the Boqor's garads, Uagses, Islam's, Imaam's, Islow, Beledage's are great titles and show that we are a race who had a history and tradition before the colonials came.

 

It has no political power and people support it as tradition. Also these elders have played a posative role it was the "new" hyp thinking that always harmed our country.

 

Even in the Mogadishu meeting of clan elders of the House were led by the new Boqor.

 

Thus both of you need to ciontact your elders for any clarification and complaints. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hyp or not, you can't stop what's making, hence one needs to evolve. They are stuck in stone age, only thing that changed is their soul became corrupted.

 

P.S. I have no allegiance to any tribal elder.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this