Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting erupts... no rest for the civilians

Recommended Posts

Muqdisho:Dagaalkii ugu Cuslaa oo Muqdisho ka qarxay.

 

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Waxaa galabta Casarliiqii Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka qarxay Dagaaladii ugu cuslaa ee dhaca inta lagu gudo jiro Bishan barakaysan ee Ramadaan waxaana ay Dagaaladani ay dheceen kadib markii Ciidamada Alshabaab ay si culus u weerareen xaafado ay ciidamada dawladu maamulkeeda gacanta ku hayaan.

 

Xaafado ay Wardhiigley,Hodan Howlwadaag & Boondheere ayaa dagaaladani ay galabta si lama filaan ah ugu bilowday,waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kaladuwan iyadoo weli Dagaalku uu kasocdo meelo kamid ah halkii lagu dagaalamay,Sidoo kale Madaafiic ayaa gaaraysa xaafado ay kusuganaayeen dad rayid ah oo ka fog halka ay Dagaaladu ka socdaan.

 

Inta la’ogyahay 15-Ruux ayaa meydadkooda lagu arkay qaarkamid ah xaafadaha lagu dagaalamaya,Waxaana jira Dadkale oo aanan weli la tirajoobin oo Dagaaladan ku dhintay kuwaas oo aanan weli tiradooda la qiyaasin balse gaaraya Toboneeyo kale.

 

Sidoo kale Tobonaan dhaawacyo ah ayaa la gaarsiiyey meelo kamid ah Isbitaalada Muqdisho,waxaana saraakiisha Gaadiidka gurmadka degdega ah ay APL u xaqiijiyeen in tirada dhawaacyada ay ilaa & imika qaadeen ay ka badantahay 47-Ruux kuwaas oo la geeyey Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha Ciiidamada Dawlada,Kuwa Amisom,Alshabaab & Xisbul Islaam ayaanan weli dagaaladan si toos ah uga hadlin,Waxaana ay Dagaaladani u egyihiin kuwo ku bilowday si ay Alshabaab u qorsheeyeen kadib markii Afhayeenka Alshabaab uu goordhaweyd warbaahinta u sheegey in Dagaalo culus ay bilaabayaan islamarkaasna ay soo afjarayaan Ciidamada Shisheeyeye ee Muqdisho kusugan.

 

Wixii War ah oo Dagaaladan oo Xoogoodu imika istaagay oo kasoo kordha APL kala soco Daqiiqad kasta.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Unnecessary war. Ilaahow Muslimka sooman ee maskiinta ah badbaadi. Aamin.

 

 

Alshabaab's so much for 'waan soo afjaraynaa'

 

 

Alshabaab bootadoodu waxay noqotay sidi tii qaladaamiintii Hargeisa ka imaan jireen oo kale. Ala style of 'Deeee wallaan laba badh kaa dhigayaa' lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacey Muqdisho, 30 qof oo ku dhimatey

23 Aug 23, 2010 - 9:27:05 AM

 

Dagaal ka qarxey 5pm galabnimo ee maanta 23.082010 magaalada Muqdisho ayaa sababey dhimashada ugu yaraan 30 qof iyo dhaawac gaaraya sideetan qof kuwasoo dhamaantood u badan rayid.

 

Dagaalkaan ayaa qarxey kadib markii afhayeen u hadley ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku dhawaqey dirir ka dhan ah ciidamada AMISOM iyo dowladda Somalia.

 

Ciidamada Al-shabaab ayaa weeraro ku qaadey saldhigyada ciidamada dowlada ku leeyihiin degmooyinka Hodan, Shibis iyo Boondheere.

 

Duqeymo dabasocdey dagalkaan ayaa ku dhacey suuqa Bakaaraha iyo degmooyinka lagu dagaalamey kuwaas oo sababey dhimashada iyo dhaawac u badan dadka rayidka ah.

 

" Waxaan degmooyinka Muqdisho qaarkood ka qaadney dhaawacyada 80 qof oo ku waxyeeloobey duqeymaha iyo dagaalada galabta iyo caawa socdey welina waxaa soo yeeraya qaylo dhaan" ayuu yiri Cali Muse oo ah madaxa gadiidka gargaarka degdega ah ee Muqdisho.

 

Sidoo kale Cali Muse waxaa uu sheegey iney arkeen dhimashada 30 qof oo u badan dadka rayidka ah.

 

Dadka dhintey waxaa ku jira Haween ka ganacsada Dahabka kuwa kalena wey dhaawacmeen kadib markii dhowr madfac ku dhacdey suuqa Bakaaraha.

 

" Waxaan arkey dhaawacyada Toban Haween ah, waxaa kamid aheyd Xaawo" ayuu yiri goob jooge argagaxsan oo la hadley saxaafada Muqdisho. "Waxaan arkey Haween iyo rag badan oo dhulka daadsan ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Ururka al-shabaab ayaa guulo ka sheegtey dagaaladii galabta Muqdisho ka dhacey waxaana afhayeen u hadley uu sheegey iney qabsadeen saldhigyo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada dowlada.

 

Dowlada KMG ah iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaaladii galabta ilaa caawa ka socdey Muqdisho.

 

Lama yaqaan khasaaraha kala gaarey dhinacyadii dagaalamey.

 

Kooxaha mucaaradka ah oo alaaba dagaalo ku qaado goobaha ciidamada AMISOM ku sugan yihiin ayaa ka arimiya suuqa Bakaaraha.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Ilaahayow shacabka cadowyada awood doonka ah ka qabo. Walaalayalow waa son ee hal hal fatixa bal isku soo wada dara.

 

Peace inshAlah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this