Sign in to follow this  
Maaddeey

'PIS' explained

Recommended Posts

Maaddeey   

Xogdhab ah Ciidamada Shahaado la dirirka, PIS ?!

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk1.jpg

August 14, 2010

By Somali

Xog yar oo kooban oo ku saabsan ciidamada shahaado la dirirka, ee ka jira Puntland, Ciidamadan oo Dawlada Puntland u taqaano PIS oo ah “Puntland Intellegency Security”, balse si ka duwan taasi ay uyaqaaniin umada Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shacabka Puntland oo ah “Shahaado la dirir“,

 

Ciidamadani waa kuwo ka madax banaan masuuliyiinta Puntland waxayna si toos ah uga amar qaataan ciidamada maraykanka ee degan geeska Africa gaar ahaan Saldhiga Jabuuti, waana ciidamo loo aasaasay ladagaalanka waxa gaaladu ugu yeedho Argagaxisada, oo si toos ah uga hawlaga gudaha Puntlanda.

 

Ciidamadaan mushaharkooda,dirayskooda iyo kharashaadka hawlgaladoda waxaa qaba dawlada USA si gaar ah iyo si guudba iyada ayaa u bixi wax allaale iyo wixii ku baxaaya ciidamaka ladagaalanka shahaadada Islaamka, w

 

Ciidamadani horaantii dawlada Puntland waxa ay uga diiwaan gashanaayeen hab sirdoon ahaaneed oo ma aysan lebisnayn dirays ugaar ah xeryo ay ka hawlagalaana ma aysan lahayn. kagadaal markii uu dhacay khilaafkii Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, oo miisaanka wada hadalka laysugu keenay labadooda heshiikii uu hogaaminayey Suldan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Boqor Buurmadow ayaa waxaa soo shaacbaxay in ciidamadii cade watey ee loo yaqiiney GBB ama “Golaha Badbaadada Boqorada” ay yeeshaan awood gaar taasi oo loo tigelinayey hogaamiye beeleedkii watey balse maamul ahaan u hoos iman jiray Maamulkii Cabdulaahi Yuusuf.

 

Markii uu xilka Federaalka Soomaliya qabsaday Cabdulahi Yuusuf ee uu kii Puntland ku wareejiyay Cade Muuse oo ahaa hogaamiye beeleed dagaal lagalay waagasi Cabdulaahi Yuusuf ayaa awoodii ciidamadii sirdoonka maraykanka waxaa sitoos ah loogu dhiibey mid kamida abaandulayaashii jabhadii GBB oo loo yaqaaney Cismaan Diyaano kaasi oo hawlgalo balaadhan ka fuliyey deegaanada Puntland oo uu kaga ganacsan jiray masaakiin kasoo shaqo tagtay Koonfurta Soomaaliya oo uu diyaarado kaga rari jiray gudaha Airport-ka Boosaso iyagoo kujira jawaano afka iyo gadaal ka xidhan.

 

Ciidamadan oo markii hawlgal loo diroba waxa ay si toos ah u beegsan jireen macalimiinta malcaamadaha ee kasoo hayaamay koonfurta Soomaaliya waxa ayna gacanta u gelinjireen cadowga islaamka ee fadhiya ee Geeska Africa, in badan oo dhacdooyinkaasi ka mid ahi waxa ay si toos ah uga dheceen gudaha Boosaaso waxaana kamid ahaa dhacdo Nin Falastiini ah oo qaxooti ahaan Boosaso ku joogay loogacan geliyay maraykanka iyo Nin Yemeni ah oo ka gacansan jiray warshad biyaha oo ku taala Boosaaso.

 

Markii dadka masaakiinta ahaa ee looma ooyaanka ahi ay dhamaaden, ayaa kooxda ladagaalanka shahaadaha Islaamka oo maalinba maalinta ka danbaysay sii xoogaysanayey awoodooduna ka sii balaadhanaysay waxa ay si toos ah uga madax banaanadeen maamulkii Puntland, waxa ayna bilaabeen in ka ganacsadaan dhiiga dadka u dhashay Puntland, walow culimadu ay horaantii ka damqatay waxbadana ay katiri arinka dadka masaakiinta ah ee ladhoofinayo. balse kama danbystii waxaa si toos ah logusoo badheedhay culimadii Puntland oo in badan oo kamid ah lagu xidhay jeelasha ciidanka shahaado la diririka, waxaa ragaasi ka mid ahaa Shiikh Cusmaan oo ah nin lagu ayqaano Al amru bil macruuf wa nahyu Canil munkar,oo dhowr jeer jidhdil ay u gaysteen ciidanka shahaado ladiriku, sidoo kale waxaa jeelka ay dhigteen Sheekh Gacamey oo ka mid ahaa culimadii iyo macalimiinti dugsiyada sare ee Daraasaadka Islaamiga ah.Shiikh Cunbul Faarax Bile ayaa kamid ahaa Culimadii ay mudad ku haysteen jeelasha oo waraysiyo kadib ay soo daayeen iyagoo ugu daray Handadaado fara badan Sh. Cunbul wuxuu ka mid ahaa Ganacsatadii Puntland ugu tunka waynaa arinkiisana aad baa looga dareemay gudaha Puntland tanina waa tan keentay in si dhakhso ah loo sii daayo.

 

Kuma ay ekaan intaasi oo keliya e ciidamad shahaado ladirirka PIS.ta waxa ay sii wadeen hawlagaladoodii iyagoo labo saldhig oo waa weyn ka kala samaystay gudaha magaalada Boosaso Madaxtyooyada Agteeda iyo Xaafada Laanta hawada,

 

Waxaa aad loogu xassuustaa xasuuqii ay ugaysteen ardaydii iyo shacabkii ka gedooday ee ka mudaharaadayey dhaleecayntii Nebi Maxamed N.X.N. oo uu ku geeriyooday arday labo iyo toban jir ah oo xidhnaa maro ay ku qoran tahay laa’ilaaha ilaahu. Ciidanka la dagaalanka shahaadada Islaamku waxa ay sitoos ah ula wareegeen dhamaan hawlagaladii uu boooliska Boosaaso qaban jiray sida roondada iyo amaanka guud ee degmada iyadoo kutagri falay awoodii ciidan ay lahaayeen taasi oo keentay in habeen walba dhowr ruux si sahal ah boosaaso loogu dilo markii ay is afdhafaan mid kamida ciidamad maraykanka ee shahaado la dirirka ee ka hawlgala Puntland.

 

Waxaa sahlanaantay nafta ruuxa ban’ii aadamka ahi uu ku lahaa gudaha Boosaaso,waxa ay ay gaadheen heer hoteelada waawayn e magaalada ay usoo tumasho doontaan haween ka ganacsada jidhkooda oo ka yimaada wadamka Jabuuti,

 

Bilwalba ciidamada maraykanka ee jooga geeska waxa ay ka rabaan Report ku saabsan xaalka argagaxisada iyo hawlgalada ay fuliyaan taasina waxa ay ku kaliftay in ay magaalada dhexdeeda ka ridan qalaalaso si ay ugu hirgasho shaqadoodu ay u u helaan kharashaad iyo dhaqaale ay yiraahdaan waxaanu ku fulinaynaa hawlagalada dhanka amniga ah.

 

Ciidamadani raga ay dhibeen waxaa ka mid ahaa Sh. Maxamed Siciid Atam oo dhowr jeer ay ka xidheen gudaha magaalada Boosaso iyo Jaamacada Bariga Africa oo uu ka diyaarin jiray kuliyada shareecada Islaamka. Atom waa Shakhsiga qudha ee radi ficli ka sameeyey falalkii xumaa ee bulshada muslimka ah loogu gaysanayey Puntland. taasi oo sharciga islaamka iyo xeerka umada Soomaaliyeedba uu kasoo horjeedo. sidoo kale waxaa isku dayay culimo badan balse waxa ay kala kulmeen handadaad iyo xadhig loo gaystay. Atom mawqifkiisa ah in lasoo afjaro ladagaalanka Shahaado la dirirka waxaa kala midaysan umada Puntland iyo Tan Soomaaliyeed oo idil maadaama waxani uusan ahayn dhaqan Soomaaliyeed.

 

Ciidamadan khilaaf baahsan ayaa soo kala dhexgalay iyaga iyo Faroole oo isku dayay in uu kal diro balse Nasiib daro waxaa looga yeedhay Itoobiya isaga iyo hogaamiye Diyaano. waxaan alooa diay faroole cawaaqib xumada ku iman karta isaga iyo maamulkisa hadii uu faro gashada ciidamada PIS shahaado la dirirka. tanina waxa ay ku khasabtay in uu faraha ka qaado isagoo ilaashanaya kurisigiisa.

 

Sida dhabta ah ciidamadani waxa ay ka hawlgalaan qaybo badan oo kamida Soomaliya,sida dawlada waqooyiga Soomaliya, Koonfurta Soomaaliya, iyo Puntland oo ay sitooh u qalabaysanyihiin, Ciidamada maamulka Waqooyi galbeedoo dhowr jeer gudbiyay dad ****** udhashay waxa la sheegaa in maamulka ay hoos yimaadaan halka kuwa Koonfurtuna hab sirdoon ahaaneed u shaqeeyaan.

 

Xog dhab ah oo ku saabsan “PIS” ciidamada shahaado la dirirka ee ka hawlgala Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya La Soco Q/labaad

 

La Xidhiidh Emailkan

 

Galgalanews@Yahoo.com

 

Qaybta labaad hoos ka akhri

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sida dadkiina Nagu xidhan aad Horay u aragteen waxaan soo daabacnay dhawaan Maqaal aan Ku Lafa Gurayno Dhibaatooyinka Wax loo Yaqaan Asha’haado la Dirarka ama PIS- Puntland Intelgent Service- kuwaasi oo Xarun Balaadhan ku Leh Bosaaso, Maqaalkayagii Hore waxaan Sheegnay sida ay ku Bilowbeen iyo Dadkii la xidhay ee ay Qabteen Kooxdaasi.

 

 

Laantaasi loo Yaqaan Asha’haado la Dirar waxay Abuurmeen Guud ahaan 2003- ayay soo Gaadheen PL Waxana Dhidibada u Taagay Nin la Yiraaho Cismaan Diyaano kaasi oo Ku Dhashay Degmada Qardho ee Kar Kaar ka Tirsan.

 

Hase Yeeshee Bilowgii Sanadkii 2002- ayaa dadka Islaamku Maqleen erayga Asha’haadu la Dirarka, Dawlada Maraykanka ayaa Markii ay Gashay Dalka Af-Qaanistaan waxay ka Abuurtay Barnaamij la Yiraahdo Dabarjarka Xagjiriin`zta iyada oo Markii danbena Balaadhisay oo ka dhistay Halkaasi Ciidamadu La mid ah Kuwa Puntland laga Unkay ee PISta.

 

Sidoo kale Galintaankii Marakaynka ee Ciraaq Sanadkii 2003- ayaa USA, Isticmaashay Fekradii ay Af-Qaani ku Abuurtay ee ahaa Asha’haado la Dirar kuwaasi oo Ugaadhsan Jiray dadka Masaajidada ka Akhriyay Khudbadaha Goobaha Diinta Islaamka Lagu Barto.

 

Kooxdan Dhiig Miiratada ah ayaa Magaalada Bosaaso ka dhistay Laba Xarumood oo Magaalada Kaga Yaal Galbeedka iyo Bari kuwaasi oo aad loo ilaasho Galitaankooda iyo in Xitaa lagu soo dhawaado.

 

Dadka u Shaqeeyaa waxay Ukala Baxaan Dhawor Nooc qaar Madaxa Sare isku sheegta oo aan La arag dhif iyo Qaliil Mooyaan iyo Kuwa Askar ah oo Gaadiid Gaashaaman Saaran iyo kuwa kale oo Dharcad Laakiin Qolada danbe ee dharcad ah ayaa ah kuwa Shaqooyinka Ugu badan Qabta.

 

Sirdoonka Dharcad ah ee PIS-tu waxay qabtaan Shaqooyinka inta ugu badan Tusaale ahaan waxay Soo dhega dheegayaan Masaajidada gaar ahaan Maalmaha Ciida u ah Muslimiinta ee Jimcaha kuwaasi oo qaarkood Fahasan Luqada Carabiga Madaama Khadiibku uu Luqada Carabiga ku soo Jeediyo.

 

Qolada Masaajidadu inay aad u shaqeeyaan waxa la Ogaaday markii dhawor Jeer la xidhay Imaam Masaajid iyo Khadiib ayaa dadku is Waydiiyeen sida ay Ragani ku ehelaan Macluumaadka uu Khadiibku ka Akhriyo Masaajidka.

 

PIS-tu ama Asha’haada la dirirku waxay Xarun ku Leeyihiin Magaalada Gaalkacayo waxana Mar Degmada Joogi Jiray oo Xafiiska PISta Maamuli Jiray Nin Ka soo Jeeda Beelaha Gobolkaasi oo lagu Magcaabo Darwiish kaasi oo ahaa Xulufadii C/laahi Yuuusf ee Muqdisho Joogi Jiray.

 

Sidoo kale Gobolka Sanaag ayaa waxa Jooga Nin la Yiraahdo Xaaji Ismaaciil Maxamed Shire kaasi oo Buuraha Calmadow Sawir Been iyo Jaah wareerin ah intuu ka soo qaado ku sheega inay Joogaan Kooxo Nabad diidayaal ah, In kastoo ay Jiraan ayaamahan warar sheegaya in Ninkaasi xilka Laga qaaday oo Mid kale oo isla Gobolka ah Loo dhiibay.

 

Dadka ay Xidhaan Kooxdaasi aan Kor ku sheegnay waxay u badanyihiin Barayaasha Dugsiyada Quraanka Ardayda dhigata Jaamacadaha Gaar ahaan Kuliyada Shareecada Islaamka.

 

Qof ay mar qabteen Kooxdaasi dhiig Miiratada ah ayaa noo sheegay isaga oo ka Cudur Daartay in Magaciisa la sheego inay PIS-tu ay dadka Su’aalaha Ugu Horeeya ee ay Waydiiyaan ay tahay 1-Qabiilkiisa 2-Xagee ku dhalatay 3- Waligaa Niyadaada ma Galisay in la Tir Tiro Laantta PISta 4- Kooxo Islaamiyiin ma U Dagaalanta iyo Wax yaalo kale oo aan Caadi ahayn.

 

PIS-tu Waxay ciidamada kale kaga Duwanyihiin oo ay Dhalinyarada Askarta ah ku Jiitaan ayaa ah Dhaqaale iyaga oo Siiya Mushaharaad Kayara Kobac San kan uu qaato Askariga Alif La ah ee Puntland.

 

Dhacda ay ku Caan baxeen PIStu waxa ka mid ah Waxay Dilaan Ruux kasta oo Meel Fagaara ah ka sheega inay Dulmi wadaan ama u Olaleeya in la Tir Tiro Kooxdaasi way Beegsadaan Qof kasta oo Hadafkooda ka soo Horjeensada ama ahaato Shacab aha Dawlada xitaa Qof u shaqeeya oo aan la dhacsanayn Shaqooyinka Kooxdaasi.

 

Sidoo kale waxay Dilaan oo aan Laba Laba ahayn Ruux ka Toobad keena oo Shaqadooda ka Baxa Kaasina way dileen si aanu u Bixin macluumaad dheeraad ah oo ku Saabsan PISta Madaama uu wax badan ka mid ahaa wuxu Heli karayaa oo si Hufan uga sheekayn Karayaa Shaqooyinka kooxdaasi.

 

Xuquuqda Qoraalka GalGalanews

 

La Soco Qaybta Sadexaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

I thought you called for this section to be halted during this holy month.

 

PIS ma ahan kuwa dadka looma-ooyaanka ah(i don't like this term) cadadiya, dadka gobalad kale ka soo jeeda waxa dhiba ciidamada balayska ah iyo cid kasto oo dowladda xiriir toos ah la leh.

 

PIS waxay la dagaalantaa dhaq-dhaqaaqyada argagaxisida ee gudaha Soomaaliya. Laakin dhibaatada waxay tahay in aysan u kala saarneyn argagaxisada iyo shakhsiyaadka is baddal doonka ah.

 

Ramadan kariim yaa baasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Looma ooyaanka waxa igala daran term-ka kale eed adeegsatay ee 'argagaxisada'.

 

Yes, i called for that, but our friend saw otherwise, hence this post, hadduu xidhnaan lahaa 'urge'ga waa banjari lahaa maaha? ;) .

 

Ramadaan Mubaarak, Akhe al Kareem. (surirtu bi muroorik) smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this