Sign in to follow this  
Jumatatu

Xulka qaranka soomaaliya

Recommended Posts

Jumatatu   

EIDSCI0146.JPG

 

Cayaartooy ka tirsan xulka qaranka soomaaliyeed ee kubada cagta oo ka soo ambabaxay magaalada muqdisho ayaa galabta soo gaaray magaalada Nairobi.

 

Ciyaaryahanadan oo ka qeyb galaya tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee lagu qaban doono magaalada Kigaali ee dalka Rwanda, ayaa waxa ay caawa ku nasanayaan magaalada Nairobi, halkaa oo ay iska sii raaci doonaan lix ciyaaryahan oo ka yimid magaalada London.

 

 

EIDSCI0156.JPG

 

 

Xulka qaranka soomaaliyeed ayaa waxa ciyaartooda ugu horeysa ay la yeelanayaan maalinta Axada ah xulka dalka jibuuti, waxaana ciyaaryahanadan oo aynu la kulanay ay rajo wanaagsan ka muujiyeen inay guul ka gaaraan tartankaa.

 

 

Jabriil Abdulle "Jabra"

 

 

 

 

 

Guys wish them luck...I think they are bit stronger than last times and have a chance of reaching a distance this time around with the inclussion of Somali players who are the Reserve and Junior players of teams such Arsenal and New Castle....will keep you updated..

 

 

EIXulka%20Qaranka.JPG

 

Forza........Somaliaaaaaaaaaaaaaaaa.........!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta Nairobi ka amba baxay iyadoo berrina uu Kigali ka furmayo Tartanka uu ka qeybgelayo

 

Ciyaartooyda_qaranka.jpg

 

 

Jimco, November 25, 2005(HOL): Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda uu ka furmo tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaasi oo ka kala imaanaya oo 11 dal oo Qaaradda Afrika ku yaala, iyadoo ciyaarta furitaankana ay ka dhici doonto garoonka Amahoro.

 

Dalalka Zanzibar, Rwanda, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Djibouti, Somalia, Burundi, Sudan iyo Tanzania ayaa tartankan ka qeybgelaya, iyadoo loo kala qeybgelayay seddex Group oo kala ah:

 

Group A Kenya Zanzibar Rwanda Eritrea

Group B Ethiopia Uganda Djibouti Somalia

Group C Brundi Sudan Tanzania

 

Maalinta Axadda ah ayaa la filayaa in ay xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti wada ciyaaraan, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliyeedna ay maanta ka amba baxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay joogeen ilaa xalay.

 

Sanadkan ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ka mid ah 6 ciyaaryahan oo laga keenay dalalka Ingiriiska iyo Holland, kuwaasi oo la rajeynayo in ay wax weyn ka bedelaan qaab ciyaareedka Xulka Soomaaliyeed oo mar walba laga soo guuleysan jiray marka uu Dibadaha ciyaaro u tago.

 

Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya Gaduudow ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan guul ay ka soo hooyaan tartankan, isagoo taasina sabab uga dhigay in inta badan dalalka tartanka ka qeybgelaya ay yihiin kuwo Soomaaliya aan ka awood badneyn, marka la eego Jabuuti oo ay xulka Soomaaliyeed isku jir dhismeed yihiin iyo dalalka Itoobiya iyo Zenzibar oo Xulka Soomaaliyeed horay uga badiyay mar ay iska horyimaadeen.

 

Haddaba, waxaanu eegeynaa waxa ka rumooba hadalka Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba waxa ay soo kordhiyaan ciyaartoyda Dibadaha ka yimid ee loo keenay in ay Xulka Soomaaliyeed qaab ciyaareedkiisa wax ka bedelaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

 

capt_xulka_qaranka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this