Sign in to follow this  
guraad

Somaliland Having Hrad Time ........

Recommended Posts

guraad   

Posted to the web 10:25 Jul 02 2003

 

 

Jul 02 2003 Berbera - Magaalada Berbera ayaa toddobaadkan waxa si weyn u dhex socday warar sheegayey in Wasaaradda Maaliyaddu kordhisay cashuurtii laga qaadi jiray gaadiidka yar-yar ee ka soo dega Dekadda Berbera.

 

Warkaas oo walaac ku abuuray dadka ka ganacsada gaadiidka yar-yar ee fatooradaha ah iyo dadka baabuurta yar-yar ee ay gaarka u leeyihiin kala soo degaya, ayaa weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo socdaal gaaban ku tegay Berbera waxa ay xaqiijinta warkaas waraysi kala yeesheen Maamulaha Kastamka Berbera, Maxamuud Gahayr Ismaaciil. Weriyeyaasha oo kala ahaa Maxamed Ibraahim Axmed (Laba-qumac) iyo Mustafe Sacad Dhimbiil, oo xalay caweyskii ku soo laabtay magaalada Hargeysa ayaa waraysigaa Maamulaha Kastamka Berbera ay la yeesheen oo uu kaga warramay dhinacyo badan, waxay nooga soo diyaariyeen warbixintan:

 

“Hadal-haynta toddobaadkan ee magaalada Berbera ayaa u badnayd mid ku saabsan warar ku-tidhi-ku-teen ah oo ay dadka badeecaduhu uga soo degaan Dekedda Berbera isugu sheegayeen in la kordhiyey ama kor loo qaaday cashuurta gaadiidka yar-yar, isla markaana korodhkani ka yimi dhinaca Wasaaradda Maaliyadda.

 

Wararka ku-tidhi-ku-teenka ahi waxay sababeen in dad tiro badan oo gaadiid yar-yari u saarnaayeen Markabka lagu magacaabo MV. Sucudi Jezan, kana yimi dhinaca waddamada Khaliijka ay magaalada Berbera soo gaadheen maalmihii la soo dhaafay 26-30 June, 2003, iyaga oo uga dan leh inay gaadiidkooda soo cashuurtaan inta ka horreysa 1 July, 2003, oo wararku sheegayeen inay dhaqan-gelayso cashuur kordhantani.

 

Haddaba, si aanu arrintan wax uga ogaano ayaanu waraysi arrintaa ku saabsan kala yeelanay Maamulaha Kastamka Berbera, Maxamuud Gahayr Ismaaciil.

 

Maamulaha oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay korodhka cashuurta ee la sheegayo in lagu kordhiyey cashuurta baabuurta yar-yar, waxa uu yidhi; “Ma jirto arrintaasi, mana aha mid Wasaarad iyo meel kale toona ka soo baxday.”

 

Maxamuud Gahayr, mar la weydiiyey su’aal ku saabsanayd heerka dakhli ee bilihii u dambeeyey iyo saamaynta badeecadihii Dekedda soo galay oo badnaa, waxa uu ku jawaabay; “Run ahaantii dakhligu wuxuu ku xidhan yahay hadba mugga badeecadaha inoo yimaadda, waxaanan odhan karaa bilihii u dambeeyey aad buu u fiicnaa, taasina waxay ku timi dedaalka hawlwadeennada iyo shaqaalaha Kastamku la yimaaddeen.”

 

Dhinaca kale, wararka ku saabsan korodhka dakhliga Kastamka Berbera ayaa sheegaya sida ay wararka xog-ogaalka ahi tibaaxeen in talogalku ahaa 6.2 milyan, balse bishii u dambaysay uu gaadhay 10.2 milyan, iyada oo bilihii ka horreeyey laftoodana uu dakhligoodu aad u sarreeyey. Laakiin, Maamulaha Kastamka Berbera wuu ka gaabsaday in uu dabboolka ka qaado xaddiga korodhka dakhliga.

 

Ugu dambayntii Maamulaha oo la weydiiyey su’aal ahayd waxaad samayseen amar ganaax ah oo aad waxa kaga qabanaysaan Maraakiibta dhinaca Imaaraadka Carabta ka timaadda, kuwaas oo aan sidan waraaqaha maanafeeska, isla markaana aan run ka sheegin mugga badeecadaha ay sidaan, waxa uu ku jawaabay; “Waa arrin jirta, caalamkana Maraakiib iyo Doonyo marka ay badeecad deked ka soo qaadaan maamulka dekeddaas ayaa maanafees ku soo muujiya inta ay tahay badeecadaasi, marka ay dekedda ay ku socdaan gaadhaana waxay ku qancaan marka la isku eego tirada maanafeeska ku qoran iyo tirada ay dekedda keenaan, balse innaga [somaliland] way soo beddelaan oo waxay ku soo qoraan (Janaral cargo) [General Cargo], sidaa daraadeed, afartii weel ahaa [Maraakiib iyo Doonyo] ee u dambeeyey ee soo gaadhay Dekedda Berbera waxaanu ganaaxnay midkiiba $300, haddii ay ka waantoobi waayaan oo ay mar labaad la soo noqdaana waxaanu ganaaxi doonaa laban-laab.”

 

Source:jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

somaliland is not having a hard time at all it's booming.

 

proof is shown below

 

Iskuul iyo ceel biyood laga hirgelin doono magaalada Burco

Posted to the web 12:03 Jul 03 2003

 

 

Jul 03 2003 Burco (Somalilandnet)- Hay’adda DRC iyo Somscan/UK, oo ah urur leeyihiin Jaaliyadaha reer Somaliland ee deggan dalalka Iskaandaneefiyaanka ayaa sheegay in mashruuc dib-u-dhis iskuul ah oo ay bixi doonto lacag dhan $450,000 (Afar boqol iyo kontan kun) oo dollar in ay dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Burco.

 

 

Xaflad loo sameeyey mashruucan oo lagu qabtay shalay Hotelka Burco City Plaza, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka Togdheer, madaxda hay’adda samofalka ee DRC iyo marti-sharaf ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco.

 

Ugu horreyn waxa munaasibaddaas hadal ka jeediyey masuuliyiinta Hay’adda DRC oo faahfaahin ka bixiyey mashruucan, waxaanay sheegeen in dugsigii sare ee Sheekh Bashiir lagu dhisi doono laguna kordhin doono 14 fasal oo cusub iyo laybareeri.

 

Waxa kale oo masuuliyiinta hay’adda DRC sheegeen in afar fasal iyo dayr lagu kordhin doono dugsiga dhexe ee Sheekh Yuusuf Al-Kownayn, isla markaana ay xaafadda Sheekh Bashiir ka qodi doonaan ceel-biyood riig ah, si shacbiga deggan xaafaddaasi ay uga cabbaan.

 

Masuuliyiintu waxa ay xuseen faa’iidada iyo waxtarka mashruucani u leeyahay shacbiga reer Burco, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in maamulka gobolka Togdheer iyo dawladda hooseba ay ka raraan dadka deggan ee ku xeeran dhismaha dugsiga sare ee Sheekh Bashiir, si aanay caqabad ugu noqon dib-u-dhiska dugsigaas.

 

Duqa magaalada Burco, Maxamed Diiriye Xayd, oo ka hadlay xafladdaas ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweyn doonaan hirgelinta mashruucan, isla markaana Duqu waxa uu ballanqaaday in ay ka rari doonaan dadka halkaa deggan oo ay u hayaan dhul bannaan. Waxaanu sheegay in sidii dadka halkaa deggan loo rari lahaa ay ahayd hawl ay muddooyinkanba dawlad hoose ahaan ka shaqaynayeen.

 

Waxa kale oo iyaguna xafladdaas hadal kooban ka jeediyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Togdheer.

 

Mashruucan waxa maalgelinaysa Midowga Yurub (EU), waxana maalgelinta dhinaca biyaha iyo waxbarashada iskuulada ka qaybqaatay Ururka Somscan/UK, oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee deggan dalalka Iskaandaneefiyaanka, waxana hirgelinta mashruucan fulinaysa hay’adda DRC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this