Sign in to follow this  
MVP

True Patriot Amiir turki

Recommended Posts

MVP   

Garabyadda Islaamiyiinta ee ku shirsanaa Magaaladda Kismaayo ayaa la soo weriyay inay isla ogolaadeen magacaabista 7 xubnood oo meteli doono Maamulka Jubbooyinka,sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo kala duwan.

 

Waxaa la sheegay in maamulka hoos tagayo Hogaamiye diimeedka Sheekh Xasan Cabdulahi Fiixi (Xasan Turki) oo isaga loo igmaday Amiirka Jubbooyinka,waxaana gudoomiyaha Maamulka Kismayo laga dhigay nin magaciisa lagu koobay Sheekh Bakar halka Madaxa amniga loo asteeyay Sheekh Fiidow.

 

Inkastoo Masuuliyiinta la magacaabay ay yihiin ku meel gaara,awoodooda ku egtahay sagaashan maalmood ama sedex bilood,hadana waxaa xilalka la magacaabay ka mida ,Xoghayeyaasha,Garsoorka,Maaliyadda,Dacwada iyo tacliinta iyo sidoo kale madaxa Warfaafinta oo loo dhiibay Sheekh Xasan Yacquub.

 

Xubnaha la magacaabay waxaa xulay Al-Shabaab iyo golaha Maxaakiimta,waxaana lagu wargeliyay garabyada kale ee Islaamiyiinta,kuna sugan Kismayo,waloow sidoo kale xubnaha la magacaabay ee amniga ay hoos tegayaan Taliyaha Maleeshiyadda Xasan Turki ninka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Gacmodheere.

 

Somalia waxaa ka jira garabyo Islaamiyiin sheegta oo fara badan waxaana laga cabsi qabaa inay maamulka Kismaayo qaadaan dhinacyadda Jabhada JiS iyo Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Casmara oo sheegta inay ka mid yihiin awoodaha qabsaday Magaalo Xeebeedkaas,sida uu ku doodayo xoghayahooda gaashaandhiga Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.

 

Kismayo waxaa ku sugan wafdi balaaran oo ay ka mid yihiin Xasan Mahdi iyo Maxamed dheere oo Casmara uga tegay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xalinta khilaafka maamul u sameeynta Jubooyinka gaar ahaan Kismayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan Alle uga baryeeynaa in halkaasi ka soo baxaani maamul xaq ah oo cadaalada kana nadiifa qabyaladeysi iwm oo ahaa kii (ayaan darradii) burburisay Midowgii Maxaakiimta. Haddii aay taasi (qabiilka) iska dhowraan waxaa hubaal ah in ka guul gaari doonaan ka miradhalinta sidii xal waara loogu heli lahaa mushkilaadka dhulkaas. Balse haddii shaydaan u waxyoodo oo aay qabiileysi bilaabaan shaki kuma jirto in aay kala furfurmi doonaan lana jabin doono. Aanu aragno bal sida aay wax yeelaan. All eyez on them!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this