Sign in to follow this  
General Duke

Happy Birthday Somalia - 49 years old

Recommended Posts

Garowe: Puntland oo caawa udabaal-dageysa Xuska 01-Luulyo.

30. juni 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Aqalka Madaxtooyada ee Puntland ayaa laga diyaarinayaa xaflad balaaran oo ay ka soo qeybgalayaan Dadweyne, Madax uu ugu horeeyo K/simaha Madaxweynaha Iyo madax badan oo kale.

 

Kulanka ayaa bilaaban doona 08:00Fiidnimo Saacada Garowe, waxaana ka dhiman waqti kooban, waxaana hadalo ka jeedin doona dad badan usoo taagnaa xaaladihii ay soo martay gudaha dalka Soomaaliya.

 

12:01 hal daqiiqo Habeynimo ayaa calanka Soomaaliya la saarayaa Calanka Jamhuuriyada SOomaaliya, waxaana heeso laga qaadi doonaa calanka saarka, waxaana Puntland ay sheegtay in ay aad uxuseyso Maalintan.

 

Wariyaal badan oo aan ka mid ahay ayaa caawa lugu casumay ka soo qeybgalay xafladan, waxaana hadalada laga jeedin doona noqonayaa kuwa taaban doona xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland, Aqalka Madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Hadalada ilaa hada laga jeediyey Munaasabada Aqalka Madaxtooyada.

 

30. juni 2009

Garowe(AllPuntland)- Munaasabad balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayna soo ababushay dowladda Puntland ayaa waqtigan ka socota Aqalka Madaxtooyada ee Puntland, waxaana hadalo ka jeediyey dad kala gedisan.

 

01-da Luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaadatey dalka Soomaaliya, ayaa caawa laga xusayaa meelaha nabdoon ee Soomaaliya, waxaana ay gobalada Puntland ay noqdeen meelaha fursad qaaliga ah u helay in ay caawa xusaan.

 

Munaasabada hada waxaa fadhiya Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Jen. Cabdi-Samad Cali Shire, Gudoomiyaha baarlamaanka Inta badan golayaasha Wasiirada iyo baarlamaanka, Deeq bixiyaasha Caalamka, Saxaafada Caalamka iyo gudaha iyo Dad badan oo luu casumay madashan caawa.

 

Ciidamada Qalabka sida ee Puntland iyo kuwa Baambeyda ayaa soo bandhigay Dhoolatus Milateri oo horudhac u ah mid ay berito ka sameyn doonaan magaalada Garowe, waxa ayna socod ku mareen hareeraha goobta Xaflada iyo Aqalka Madaxtooyada.

 

Abwaan Guul-wade oo ka mid ah Abwaaniinta waa weyn ee Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey Madasha wuxuu amaan usoo jeediyey dowladda Puntland oo uu sheegay in ay kaligeed caawa utaagan tahay midnimada dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan meel kale oo laga xuseyn aysan jirin oo aan aheyn Puntland maalintan.

 

Abwaan Jaamac Kadiye oo isna hadlay ayaa ka sheekeeyey munaasabada faa’iidada ay uleedahay Shacabka Soomaaliyeed, isagoo amaan usoo jeediyey dowladda Puntland wuxuuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu taagan tahay midnimada Soomaalida iyo xusaska maalmaha wanaagsan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland, Aqalka Madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes indeed, Happy 49th Aniversary!

 

Garowe: Calanka Soomaaliya oo hada laga saaray Gobalada Puntland.

 

30. juni 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Calanka Soomaaliya ayaa waqtigan laga saaray Xarunta Madaxtooyada ee Puntland, waxaana saaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland iyo Kooxda Baambeyda ee ciidamada dowladda Puntland.

 

Calanka markii la saaray ka dib waxa ay Wasiirada,Xildhibaan ada, Waxgaradka iyo dhamaan ka soo qeybgalayaasha ayaa isla qaaday Heesta ah SOOMAALIYEEY TOOS, oo ay dad badan qaadeen.

 

Cabdi Xirsi Cali oo ah Gudoomiyaha gobalka Nugaal ayaa hadal uu ka jeediyey goobta wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo Midnimada Soomaalida, lagana hortago talaabo kasta oo waxyeelo ugeysan karta Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, oo uu sheegay in ay gobalada qaarkood gubeen, qaarna ay tureen.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna K/Simaha Madaxweynaha ee Puntland Jen. Cabdi-samad Cali Shire oo ka hadlaya hada goobta xaflada ayaa soo dhaweeyey xuskan, wuxuuna sheegay in ay Puntland utaagan tahay kaalmeynta Shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in ay Puntland utaagan saacad kasta nabad ka dhacda deegaanada Soomaalida, wuxuuna Umada Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo daganaanshaha deegaanada Soomaalida oo dhan.

 

Munaasabadii ayaa lasoo afjaray, waxaana lugu soo xiray hadalo ay soo jeediyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Haweenka iyo Qoyska ee Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland, Aqalka Madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dear reer Somalia,

 

congratulatory best wishes for your 53rd anniversary of independence. mabrook. let's hope the situation of your country improves inshallah. on behalf of the Somaliand people, we are sending you our deepest felt hambalyo and brotherly love. congratulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this