Sign in to follow this  
Umm al_khair

FADLIGA SAXAABADA 1ad

Recommended Posts

taken from www.waano.net

 

 

 

FADLIGA SAXAABADA (رضي الله عنهم)Ùضائل الصحابة

 

 

 

Qaybta Koowaad:

 

 

 

 

 

HORDHAC:

 

 

 

Umad waliba waxa ay leedahay madax iyo imaamyo ay xurmayso, qadariso, kuna dayato. Ummadda islaamkuna waxa ay ku dayataa oo u ah imaam Nabi Maxamad , oo ah khalqiga Alle uumay ka ugu fadliga badan. Rumayntiisa, ku dayashadiisa, adeecistiisa iyo jacylkiisuna waa asalka diinta iyo asaaska caqiidada.

 

 

 

قال سبحانه: Ùَلاَ وَرَبّكَ لاَ ÙŠÙؤْمÙÙ†Ùونَ حَتَّىٰ ÙŠÙحَكّمÙوكَ ÙÙيمَا شَجَرَ بَيْنَهÙمْ Ø«Ùمَّ لاَ يَجÙدÙواْ ÙÙÙ‰ Ø£ÙŽÙ†ÙÙسÙÙ‡Ùمْ حَرَجاً مّمَّا قَضَيْتَ ÙˆÙŽÙŠÙسَلّمÙواْ تَسْلÙيماً [النساء:65].

 

 

 

{Rabigaa ayaan ku dhaartee iimaan yeelan maayaan illaa ay adiga ka yeeshaan ka kala xukuma waxa dhex mara, ooyna wax dhiba u arag waxaad xukuntay( goysay), ooy waliba si dhamaystirana ugu hogaansamaan}.

 

 

 

Ø¥Ùنَّا أَنزَلْنَا Ø¥Ùلَيْكَ ٱلْكÙتَـٰبَ بÙٱلْحَقّ Ù„ÙتَحْكÙÙ…ÙŽ بَيْنَ ٱلنَّاس٠بÙمَا أَرَاكَ ٱللَّه٠وَلاَ تَكÙنْ لّلْخَائÙÙ†Ùينَ خَصÙيماً [النساء:105].

 

{ Anagaa si xaq ah kuugu soo dejinay Kitaabka, si aad dadka dhexdooda ugu kala xukunto waxuu Alle ku tusay, hana noqon mid khaa’iniinta u dooda}.

 

وقال عز وجل: وَمَا كَانَ Ù„ÙÙ…ÙؤْمÙن٠وَلاَ Ù…ÙؤْمÙنَة٠إÙذَا قَضَى ٱللَّه٠وَرَسÙولÙه٠أَمْراً Ø£ÙŽÙ† ÙŠÙŽÙƒÙونَ Ù„ÙŽÙ‡Ùم٠ٱلْخÙيَرَة٠مÙنْ أَمْرÙÙ‡Ùمْ ÙˆÙŽÙ…ÙŽÙ† يَعْص٠ٱللَّهَ وَرَسÙولَه٠Ùَقَدْ ضَلَّ ضَلَـٰلاً مّÙبÙيناً [الأحزاب:36].

 

{ Uma haboona ( uma banaana) nin mu’mina iyo haweenay mu’minada midna inay ikhtiyaar u yeeshaan arinkooda marka ay Ilaahay iyo Rasuulkiisu wax xukumaan, qofkii caasiya Ilaahay iyo Rasuulkiisuna waxa uu lumay lumid cad}.

 

وقال عز وجل: وَأَن٠ٱحْكÙÙ… بَيْنَهÙمْ بÙمَا أَنزَلَ ٱللَّه٠وَلاَ تَتَّبÙعْ أَهْوَاءهÙمْ وَٱحْذَرْهÙمْ Ø£ÙŽÙ† ÙŠÙŽÙْتÙÙ†Ùوكَ عَن بَعْض٠مَا أَنزَلَ ٱللَّه٠إÙلَيْكَ ÙÙŽØ¥ÙÙ† تَوَلَّوْاْ Ùَٱعْلَمْ أَنَّمَا ÙŠÙرÙيد٠ٱللَّه٠أَن ÙŠÙصÙيبَهÙÙ… بÙبَعْض٠ذÙÙ†ÙوبÙÙ‡Ùمْ ÙˆÙŽØ¥Ùنَّ ÙƒÙŽØ«Ùيراً مّنَ ٱلنَّاس٠لَÙَـٰسÙÙ‚Ùونَ [المائدة:49].

 

{ Ku Kala xukun dhexdooda waxa uu Alle soo dejiyay, hana raacin hawadooda, kana digtoonow inay kaa fidmeeyaan waxa Ilaahay kugu soo dejiyay qaarkii, hadday jeedsadaana ogow in Ilaahay doonayo inuu ku ciqaabo dunuubtooda qaarkiis, runtiina dadka badankoogu waa faasiqiin}.

 

 

 

قال تعالى: ÙˆÙŽØ¥ÙÙ† تÙØ·ÙيعÙوه٠تَهْتَدÙواْ وَمَا عَلَى ٱلرَّسÙول٠إÙلاَّ ٱلْبَلَـٰغ٠ٱلْمÙبÙين٠[النور:54].

 

{ Haddaad addeecdaan (Nabiga) waydun hanuunaysaan, Rasuulkana ma saarna waxaan gaadhsiin cad ahayni}.

 

وقال سبحانه: مَّنْ ÙŠÙØ·Ùع٠ٱلرَّسÙولَ Ùَقَدْ أَطَاعَ ٱللَّهَ [النساء:80].

 

{ Ruuxii adeeca Rasuulku waxa uu adeecay Ilaahay}.

 

وقال جل ذكره: وَمَا ءاتَـٰكÙم٠ٱلرَّسÙول٠ÙÙŽØ®ÙØ°Ùوه٠وَمَا نَهَـٰكÙمْ عَنْه٠ÙَٱنتَهÙواْ وَٱتَّقÙواْ ٱللَّهَ Ø¥Ùنَّ ٱللَّهَ شَدÙيد٠ٱلْعÙقَاب٠[الحشر:7].

 

 

 

{ Waxa uu Rasuulku idin siiyo (faro) qaata, waxa uu idinka reebana ka dhawrsada ( reebma), Allana ka cabsada, maxaa yeelay Ilaahay ciqaabtiisu way darantahay}.

 

وقال تبارك اسمه: Ùَلْيَحْذَر٠ٱلَّذÙينَ ÙŠÙخَـٰلÙÙÙونَ عَنْ أَمْرÙه٠أَن تÙصÙيبَهÙمْ ÙÙتْنَةٌ أَوْ ÙŠÙصÙيبَهÙمْ عَذَابٌ Ø£ÙŽÙ„Ùيمٌ [النور:63].

 

{Ha ka digtoonaadaan kuwa khilaafi amarka Nabigu in ay ku dhacdo fidmo ama uu ku dhaco cadaab darani}.

 

Nabiga ka dib waxa diinta madax ka ah asxaabadiisa, iyaga weeyi imaamyadeenu, iyaga weeyi culimadeeno, iyaga weeyi kuwa waxay isku waafaqeen yahay mid gaf iyo qalad ka ilaashan, iyaga weeyi kuwa caqiidadooda iyo manhajkoogu tusaale inoo yahay. Siday diinta u fahmeen ayaa inooga khayr badan sidaynu inagu u fahamno, hadaladooda ayaa inooga khayr badan kuweena, way inaga ra’yi toosnaayeen, way inaga diin wanaagsanaayeen, way inaga Alla ka cabsi badanyihiin, wayna inaga daacadsanyihiin.

 

Hadaba, in la xafido lana ilaaliyo sharafta iyo karaamada saxaabada, iyo in loo qiro qiimaha iyo qaayaha ay leeyihiini waa mid waafaqsan taxanaha caqiidada Ehlu Sunna wal-Jamaaca. Sidaa awgeed ayeey culimadii salfku ku nuux nuuxsadeen caddaynta arinkan muhiimka ah, waxana adag inaad hesho buug Ehlu Sunnuhu ka qoreen caqiidada oo ka madhan tibaaxida fadliga iyo wanaaga saxaabada. In la jeclaado, la maamuuso, Allena looga baryo raali-noqod iyo danbi-dhaafidi waa astaanta iyo sifada ehlusunaha. In ceeb laga sheego ama la quudhsado iyo in la naco saxaabdu iyana waa astaanta iyo calaamadda bidcoraaca iyo kuwa halaagsamay.

 

 

 

يقول الإمام أحمد رحمه اللّه: )(إذا رأيت أحدا يذكر أصحاب رسول الله بسوء Ùاتهمه على إسلامه)(.

 

 

 

Imaam Axmed ayaa yidhi: (( Haddaad aragto qof xumaam ka sheegaya saxaabada Rasuulka , tuhun islaamnimadiisa)).

 

 

 

 

 

قال الإمام أبو زرعة رحمه الله : )( إذا رأيت الرجل ينتقص أحداً من أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلم – Ùاعلم أنه زنديق ØŒ وذلك أن الرسول – صلى الله عليه وسلم – عندنا حق والقرآن حق ØŒ وإنما أدى إلينا هذا القرآن والسنن أصحاب رسول الله – صلى الله عليه وسلم - وإنما يريدون أن يجرحوا شهودنا ليبطلوا الكتاب والسنة والجرح بهم أولى وهم زنـادقـة ).([ رواه الخطيب ÙÙŠ الكÙاية ص97 ].

 

 

 

Abuu Zurca ayaa yidhi: (( haddaad aragto qof xaqiraya ruux ka mida saxaabadii Rasuulka Alle , ogow inuu yahay zindiiq, sababtuna waxay tahay inuu Rasuulku xaq yahay, Qur’aankuna xaq yahay, Qur’aanka iyo sunahana waxaa ina soo gaadhsiiyay saxaabadii Rasuulka Alle , kuwanina waxa ay doonayaan inay dhaleeceeyaan markhaatiyaasheena si ay u buriyaan kitaabka iyo sunnaha, iyagaana mudan in la dhaleeceeyo, waana zanaadiqo)).

 

 

 

Odhaahdan Abu Zurca waa mid cuskan cilmi iyo xikmad badan, oo loo baahan yahay in loo fiirsado, lagana baaraan dego. Sababtu waxay tahay; kuwa bidcoraaca ah ee banaystay inay hujuumaan saxaabadu, waxa ay u danleeyihiin inay wareemaan ragii iyo dumarkii Nabiga ka wariyay kana xambaaray cilmiga Qur’aanka iyo sunnaha.

 

Saxaabada oo laga aamin baxaa waxa ay la mid tahay in lagu dhawaaqo duminta shareecada Islaamka. Daacadnimadooda oo shaki la galiyaana waxay albaabada u furaysaa shar iyo fasahaad aan xad lahayn.

 

 

 

يقول الإمام الطحاوي رحمه الله ÙÙŠ عقيدته: (( ونحب أصحاب رسول الله . ولا Ù†Ùرط ÙÙŠ حب أحد منهم ولا نتبرأ من أحد منهم ونبغض من يبغضهم ولا نذكرهم إلا بخير. وحبهم دين وإيمان وإحسان وبغضهم ÙƒÙر ونÙاق وطغيان)) .

 

 

 

Daxaawi ayaa yidhi: { Waanu jecelnahay saxaabada Rasuulkii Alle , ku gabood-falimayno jacaylka mid iyaga ka mida, iskana bari yeeli maynu mid iyaga ka mida. Waanu necebnahay qofkii iyaga neceb, waxaan khayr ahayna ka sheegi mayno. Jacaylkoogu waa diin, iimaan iyo ixsaan. Nacaybkooguna waa gaalnimo, nifaaq iyo xadgudub.}

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba anigoo dareemaya baahida aakhristaha af soomaaliga ku hadlaa u qabo inuu aqoon u yeesho mawduucan muhiimka ah, waxna ka ogaado fadliga ay saxaabada Rasuulkii Alle lahaayeen, ayaa waxaan go’aansaday inaan qalinka u qaado qoraalkan aan Ilaahay ka baryayo inuu noqdo mid laga dheegan karo lagana baran karo fadliga iyo wanaaga ay saxaabidii lahahaayeen, waxaan isla markaa Ilaahay ka baryayaa inuu ajar iyo abaal iga siiyo maalinta qiyaamaha hawshan aan uga danleeyahay inaan ku difaaco saxaabada Rasuulkiisa .

 

Qoraalkan waxaa looga jeedaa inuu xaqiijiyo dhowr arimood oo kala ah:

 

1- Shaac bixinta fadliga wayn eey saxaabadii lahaayeen.

 

2- In laga difaaco aflagaadada ay Shiicada iyo kuwa la jaanqaadaa u gaystaan saxaabada Nabiga .

 

3- In la muujiyo inay ahaayeen madaxdii iyo imaamyadii diinta.

 

4- In la cadeeyo in jacaylkoogu yahay waajib diiniya.

 

5- In wax laga sheego caqiidada Ehlu Sunnuhu ka qabaan saxaabada Nabiga .

 

Hadaba qoraalkan oo ahaan doona-hadduu Ilaahay idmo- mid taxane ahi, waxa uu ka koobnaan doonaa qaybaha kala ah:

 

1- Fadliga saxaabada.

 

2- Waxay culimadii salafku ka yidhaahdeen saxaabada.

 

3- Caqiidada Ehlu Sunnuhu ka rumaysanyihiin Saxaabada.

 

4- Sifooyinka saxaabada.

 

 

 

 

 

FADLIGA SAXAABADA:

 

 

 

Ilaahay ayaa kala fadilay khalqigiisa, rusushiisa ayuu ka doortay shanta ulul cazmiga ah, shantaana waxa uu ka sii doortay Nabi Maxamad , oo ah ka ugu fadliga badan khalqiga Ilaahay uumay. Habeenka layla-tul Qadriga ayuu ka fadilay habeenada kale oo dhan, habeenkaasi waxa uu ka khayr badan yahay kun bilood. Tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dulxijah ayuu ka fadli yeelay maalmaha kale. Masjid al-Xaramka ayaa laga fadilay arlada inteeda kale. Ummadda Nabi Maxamad ayaa iyana laga fadilay ummaddaha kale oo dhan, ummadana waxa ugu fadli badan saxaabadii Nabiga .

 

Saxaabadu رضي الله عنه waa qowmkii la saaxiibay Nabiga , waxa ay ahaayeen kuwii rumeeyay markay dadku beeneeyeen, waxa ay u gargaareen markii laga soo horjeedsaday, naf iyo xoolana waxa ay u hureen diinta, waxa ay sutida u qabteen cadowga doonayay in ay mijaxaabiyaan dacwada islaamka, waxa ayna heegan u ahaayeen in ay u jeedsadaan xag walba oo nabigu u jeediyo , waxa ay diyaar u ahaayeen inay badwaynta jibaaxaan haddii Nabigu sidaa ku amro.

 

Waxay nasiib u yeesheen inay Nabigii arkeen , noloshana isaga la wadaageen, cilmigana ka barteen. Waxa ay ahaayeen qoom Ilaahay ku mannaystay khayr iyo barako badan. Bal adba qiyaas, oo sheeg khayrka ka wayn inuu Ilaahay u doortay in ay xer iyo asxaab u noqdaan Nabigii , in ay ka qayb qaataan hirgalinta risaaladda Islaamka, iyo inay garab iyo gashaan u noqdaan Nabiga .

 

Yaa ku gaadhaya khayrkaa faraha badan ee ay cantoobsadeen? Yaa helaya barakada ag jooga Nabi Alle ? Yaase hawaysanaya inuu sheegto inuu ka khayr badanyahay saxaabadii رضي الله عنهم ?

 

Saacad kaliya oo qof ka mid ahi ag joogay Nabiga ayaa ka khayr badan afartan sanadood oo qof inaga mid ahi cibaadaystay, sida ibnu Cabbaas laga soo wariyay.

 

Allaahu akbar! Waa barakada ag-jooga Nabiga een lagu heli karayn zuhdi iyo cibaabdo badan, waxase ay tahay doorasho Rabi. Walaal, haddaad liibaan doonayso ha ka shakiyin fadliga saxaabada , una qir wanaag iyo daacadnimo, una ogolow inay yihiin imaamyadii diinta, una ictiraaf inay inooga dheereeyeen khayr oo dhan. Waa qoom Ilaahay doortaye, iska jir, kana digtoonow inaad xistido, aflagaadayso ama dayacdo xaqooga.

 

 

 

روىالإمام أحمد رحمه اللّه عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: (إنّ الله نظر ÙÙŠ قلوب العباد Ùوجد قلبَ محمّد خيرَ قلوب العباد، ÙاصطÙاه لنÙسه Ùابتعثه برسالته، ثمّ نظر ÙÙŠ قلوب العباد بعدَ قلب محمّد Ùوجد قلوبَ أصحابه خيرَ قلوب العباد، Ùجعلهم وزراءَ نبيّه).

 

 

 

Imaam Axmed ayaa soo wariyay inuu Cabdullaahi ibnu Masuud yidhi:

 

((Ilaahay ayaa eegay qalbiyada adoomaha, wuxuuna helay in qalbigaMaxamed ugu khayr badan yahay qalbiyada adoomaha, dabeetana naftiisa ayuu u doortay, risaaladiisana wuu ku soo diray, hadana wuxuu eegay qalbiyada adoomaha intoodada kale, wuxuuna helay in quluubta saxaabadiisu ugu khayr badanthay qalbiyada dadka, dabeeto wasiiro ayuu uga dhigay Rasuulkiisa))

 

 

 

قال عبدالله بن مسعود رضي الله عنه: (من كان مستناً Ùليستن بمن قد مات Ùإن الحي لا تؤمن عليه الÙتنة، أولئك أصحاب محمد كانوا Ø£Ùضل هذه الأمة: أبرها قلوباً، وأعمقها علماً، وأقلها تكلÙاً. اختارهم الله لصحبة نبيه ولإقامة دينه، ÙاعرÙوا لهم Ùضلهم واتبعوهم على أثرهم وسيرتهم Ùإنهم كانوا على الهدى المستقيم).

 

Cabdullahi ibnu Mascuud ayaa yidhi: ((Qofkii ku dayasho doonayaa ha ku daydo kuwa dhintay, waayo kuwa nool waxaan looga aamin qabin fitno, kuwaasi –dhintay- waa saxaabadii Maxamad, iyagaa ugu fadli badnaa ummaddan, iyagaa ugu quluub wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa, uguna iskalifaad yaraa. Ilaahay ayaa u doortay inay saxaabo u noqdaan Nabigiisa, iyo oogidda diintiisa, ee u ictiraafa fadligooga, kuna dayda raadkooga iyo hanaankooda, waxay ku sugnaayeen jid toosane)).

 

قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله : ( وقول عبدالله بن مسعود : كانوا أبر هذه الأمة قلوباً وأعمقها علماً وأقلها تكلÙاً Ø› كلام جامع بيّنَ Ùيه حسن قصدهم ونياتهم ببر القلوب وبين Ùيه كمال المعرÙØ© ودقتها بعمق العلم ØŒ وبين Ùيه تيسر ذلك عليهم وامتناعهم من القول بلا علم بقلة التكل٠) .[منهاج السنة: 2/79].

 

Ibnu Taymiye ayaa yidhi: (( Hadalka ibnu Mascuud ee ah: iyagaa ummadda ugu qalbi wanaagsanaa, ugu cilmi badnaa uguna iskalifaad yaraa; waa hadal ballaadhan oo tilmaamaya in niyadooda iyo ujeedadooda toosane ka dhalatay quluubtoota oo wanaagsanayd, mug-waynida iyo hufnaanta aqoontooduna ay ka dhalatay cilmigooga oo qoto-dheeraa, iskalifaad la’aan awageedna ay taasi ugu fududaatay, isla markaan ay ka waabteen inay ku hadlaan wax aanay cilmi u lahayn)).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ukhtii al Muslimah

 

Jazaakellahu khairan qoraalkan aad u qiimaha badan oo si cilmiyeysan aad u soo diyaarisay, runtii Somaliaonline Islam ( Qaybta Islaamka) wexey u baahan tahay qoraallo cilmi ah oo habkan wanaagsan ( Well structured ) aad us soo diyaarisay.

 

Tan labaad, ogow iney jiraan dad aad u farabadan oo la lumiyey laguna direy saxaabada iyo taabiciinta, ayagoo runtii jecel Allah iyo Rasuulkiisa. Dad badan ayaa u gacan galay beenta saxaabada laga fidiyey, hadaba si dadkaas loo hanto oo xerada loogu soo celiyo, waxaa loo baahan yahay xikmad badan, dulqaad, iyo akhlaaq muujineysa in annaga sheeganeyna inaan Salafkii raaceyno, in ay naga muuqato akhlaaqdii Salafka oo ay ka mid aheyd dulqaad loo dulqaato dadka cilmiga yar, iyo in la guto wax walba oo wanaag erey ama fal aha oo soo jiidan kara ayadoo aan sharciga la jabin.

 

 

Ukhtii, Runtii qofkii Muslim dab ah oo dhadhansada macaanka Islaamka naftiisa uma qurxiso iney xumaan ka sheegto Saxaabada gaar ahaan dad Allah uu Quraanka ku amaaney meelo dhowr ah:

 

" Muxammad waa Rasuulkii Allah, Asxaabtiisana asaga la jira, waa kuwo ku adadag gaalada (markey la xaajjoonayaan) dhexdoodana, waa kuwo isu naxariista, waxaad aragtaa ayagoo sajuudsan oo rakuucsan oo raadinaya fadliga Rabigooda, iyo raalinnimadiisa "

 

" Kuwii ( Saxaabada )gadaashooda yimidna wexey leeyihiin Rabbigeenow noo dambu dhaaf annaga iyo walaalaheenni nooga horreyay iimaanka, hana ka yeelin quluubteenna caro ama naceyb kuwa Allah aaminey "

 

" Muminiinta waxaa ka mid ah rag ka dhabeeyay waxey Allah ka ballan qaaadeen ( Saxaabadii)"

 

" Allah raalli buu ka noqday muminiinta ( Saxaabada) markey kugu baayaceen (heshiiyeen) geedka hoostiisa "

 

" ( Allah) Wuxuu ku ekeysiiyay (Saxaabada) iney ku hadlaan ereyga taqwada, ayagoo ah kuwii u xaq lahaa ahaana ehelkeeda)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

يقول الإمام الطحاوي رحمه الله ÙÙŠ عقيدته: (( ونحب أصحاب رسول الله . ولا Ù†Ùرط ÙÙŠ حب أحد منهم ولا نتبرأ من أحد منهم ونبغض من يبغضهم ولا نذكرهم إلا بخير. وحبهم دين وإيمان وإحسان وبغضهم ÙƒÙر ونÙاق وطغيان)) .

 

shukraan ukhti muslimah.

 

great Men and women from the companions of the Prophets - peace be upon him - they carried with it the secretariat ...And they exerted all expensive and precious for the sake of raising the truth word. Do you know smile.gif that number who witnessed the Farewell Pilgrimage with the messenger of Allah - peace be upon him - he has exceeded the hundred thousand other than who did not participate from them ØŸ

 

هـؤلاء الذين هـدى الله ÙبهÙداهÙـم اقتده

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this