Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TERRORISTS CHARGED

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-04-19 (Hadhwanaagnews) Berbera (HWN): Maxkamada sare ee Qaranka Somaliland ayaa shalay xukun isugu jira dil xabsi daa’in iyo xadhig ku riday 26 qof oo loo heystay inay falal argagixo ka fuliyeen Somaliland, kadib markii ay rafcaan iyo anbiil ka qaateen laba xukun oo ay Maxkamada Gobolka Hargeysa iyo ta Maxkamada Rafcaanku ku xukumeen oo ahaa dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xadhig dheer.markii ay dacwadu ku soo geba gabowday Berbera

 

Maxkamada amaankeeda ayaa aad loo adkeeyey dhageysiga dacwada ayaan loo ogolayn dadka iyo saxaafada, hase yeeshe Sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo xogagaala oo u dhuundaloola Maxkamada ayaa sheegaya inay Maxkadu ku kala xukuntay 26 qof oo loo haystay inay falal argagixiso ka fuliyeen Somaliland iyadoo qaarna maqan yihiin qaarna ay joogan , xukun isugu jira dil iyo xabsi daa’in iyo xadhig u dhaxeeya 20 ilaa 12 sanadood.

 

Waxaanay MaxkamaduDil toogasho ah ku xukuntay labada nin

 

1. jaamac Cabdi Ismaaciil [Kutiye]

2. Maxamed Cali Ciise

 

Sidoo kale waxay maxkamadu xabsi Daa’in ku xukuntay

 

1. Axmed Cali Samatar

2. Cali Muuse Maxamed

3. Daa’uud Saalax Iidle

4. Cali Maxamed Cawaale

5. Saalax Cabdalla Maxamed

 

 

Waxa kale oo ay Maxkamadu midkiiba Saded iyo toban Sanadood ku xukuntay dadkan:-

 

1. Maxamed Cabdi Xaamud [Jacfar]

2. Yaxye C/raxmaan Cali

3. Maxamed Aadan Cismaan [shirwac]

4. Maxamed Aadan

5. C/raxmaan Jibriil

6. Faarax Cadde

 

Waxaanay maxkadu ku xukuntay Ragan labaatan sanadood oo xadhiga:-

 

1. C/raxmaan Maxamed Jaamac [indha-cadde]

2. C/raxmaan Cismaan Yuusuf

3. Ibraahim Jaamac Afgaan [Maqan]

4. Axmed Cabdi Godane [Maqane]

5. Maxamed Caydiid

6. Ibraahin dheere

7. Sahal

 

Maxkamadu waxay laba iyo toban sanadood oo xadhiga ku xuntay raga kala ah:

 

1. Axmed Cali Xuseen

2. C/laahi Maxamed Axmed [C/laahi Gaab]

3. Muuse Cali Yuusuf

4. Maxamed Ibraahim Axmed [laba Qumacle].

5. Maxamed Sh. Ismaaciil Xasan.

 

Ragani waxay hore anbiil iyo rafcaan uga qaateen laba xukun oo ay ku kala rideen Maxkamada rafcaanka iyo ta Gobolka Hargeysa, kuwaas oo ku xukumay xukun isugu jira dil toogasho ah xabsi daa’in iyo xadhig u dhaxeeya labaatan iyo dhowr iyo labaatan sanadood. Xukuntan shalay ka dhacay magaalada Berbera ayaa ahaa kii sadexaad ee ay sadexda maxkamadoodna isku mareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

Hope other criminals who hide behind the religion to kill other muslims and innocent people would see this as a lesson that SL people wont tolerate such acts and ask Allah for forgiveness before it is too late.

Share this post


Link to post
Share on other sites
sahal   

Hope other criminals who hide behind the religion to kill other muslims and innocent people would see this as a lesson that SL people wont tolerate such acts and ask Allah for forgiveness before it is too late.

 

on the other hand, the ppl and the government of Somaliland sympathize with their Union of Islamic Courts UIC) BROTHERS who were defeated and chased by Yey and ethiopian occupation forces :D , ;) :confused: :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The poor folks are used as escape goats. They're probably the most innocent amongst us, but may happen to be of a different clan. One man is from Sanaag Bari while the other is from Sool region. Riyaale is giving the blood of these two men to the public of Somaliland, since he has failed in his adventures in the SSC region. Its a scandal and if Somaliland tribes are very conscious, they would put a stop to Riyaale's mockery.

 

Any sensible individual would clearly see that the verdict on these men is meant to create clan enmity between Somalilanders and neighbouring clans. Its an ill-willed design that only hightens mistrust between peoples. Few in the SL admin may want to see this but I am sure the public would condemn such intentions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland condemns two to death for slain aid workers

 

 

The Supreme Court in the self-declared republic of Somaliland has sentenced two men to be executed by firing squad for the murder of four foreign aid workers between 2003-2004, court officials said on Thursday.

 

Despite relative stability in the breakaway enclave of north-west Somalia compared with the rest of the anarchic nation, the killings of the foreigners raised fears Somaliland might be becoming a base for terrorism.

 

Italian aid worker Annalena Tonelli was shot dead in 2003, British teachers Richard and Enid Eyeington were killed in October 2003, and Kenyan aid worker Flora Chepkemoi was gunned down at a roadblock outside the capital Hargeisa in March 2004.

 

Jama Abdi Ismail and Mohammed Ali Esse, both from Somaliland, were part of a group of eight men first sentenced to die in November 2005 by a lower court. But the Supreme Court, sitting in the Red Sea port town of Berbera, this week reduced the sentences of the rest of them to life imprisonment.

 

"This will be the final verdict and there will be no appeal," said Supreme Court chairman Mohammed Esse Omane.

 

He did not give reasons for the sentence reductions.

 

Amid tight security in Berbera, Omane also sentenced 18 others to sentences ranging from 12 to 20 years for attempting to disrupt parliamentary elections in September 2005.

 

If the sentences are carried out, Ismail and Esse will be shot in public. The last public executions in Somaliland were about two years ago.

 

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the world has so far withheld recognition.

 

 

 

 

Reuters

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadda Sare Oo Xukun Kama Dambays Ah Ku Riddey 26 Nin Oo Loo Haystey Falal Argagixiso

Somaliland.Org — Berbera, Somaliland — 19 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Berbera (Somaliland.org) – Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa xukun kama dambays ah oo isugu jira dil, xabsi-daa'in iyo xabsi u dhexeeya 13 – 20 sannadood ku riddey 26 qof oo loo haysto argagixisonimo, kuwaas oo ay ku jiraan 5 nin oo gacanta lagu dhigay, kadib markii ay gabadh Kenyan ah ku dileen jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, maalin Jimce ah 19 kii March ee 2004 (halkan ka eeg warkii maalintaas).

 

 

Jaamac Cabdi Ismaaciil (Kuutiye)Maxkamadda Sare ee Qaranku go'aankan ay shalay kaga dhawaaqday Berbera, halkaas oo ay labadii toddobaad ee u dambeeyey Maxkamaddu u fadhidey dhegeysiga dacwadda loo haysto raggaas ayaa noqonaya xukunkii u dambeeyey, kadib markii Maxkamadda Gobolka iyo ta Racfaankuba ay hore xukumo kala duwan ugu rideen raggaas.

 

Maxkamaddu waxay Dil toogasho ah ku riddey eedaysanayaasha kala ah: Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac Kuutiye) iyo Maxamed Cali Ciise.

 

 

Jaamac Kuutiye ayaa ka mid ahaa koox 5 nin ah oo lagu qabtay degmada Dhoqoshey ee Hawdka Gobolka Togdheer, iyaga oo baxsanaya, kadib markii ay jidgooyo ku dileen Gabadh Kenyaan ahayd oo u shaqaynaysey hay'adda GTZ jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, March 2004. Waxaana la sheegay in Jaamac Kuutiye uu ahaa hoggaamiyaha kooxdaas oo sidoo kale, lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilkii laba Macalin oo Ingiriis ah oo lagu diley degmada Sheekh Okt. 2003. Halka Maxamed Cali Ciise lagu eedeeyey inuu hawlgeliyey kooxdan, kadibna uu baxsaday. Waxaana la filayaa in uu yahay nin laga soo qabtay Muqdisho oo loo gacangeliyey ciidamada Maraykanka ee fadhiya Jabuuti, kadibna lagu soo wareejiyey xukuumadda Somaliland, balse si cad looma oga.

 

Cali Maxamuud CawaaleJaamac Kuutiye iyo kooxdiisa oo uu ku jiro Maxamed Cali Ciise, kana koobanaa 8 qof waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay dhammaantood dil toogasho ah November 2005, halka 7 kale oo iyagana kooxdaas lagu xidhiidhiyey, uuna ka mid yahay Cabdiraxmaan Indhacadde lagu xukumay xabsi daa'in.

 

Maxkamadda Sare ayaa iyadu kooxdaas intii kale ku xukuntay Xabsi daa'in. Waxayna kala yihiin,

 

 

1. Axmed Cali Samatar

2. Cali Muuse Maxamuud (Kooxdii Dhoqoshey)

3. Daa'uud Saalax Iidle (Kooxdii Dhoqoshey)

4. Cali Maxamuud Cawaale (Kooxdii Dhoqoshey)

5. Faarax Cabdulle Maxamed (Kooxdii Dhoqoshey)

 

Faarax Cabdulle MaxamedMaxkamadda Sare ee Qaranku waxay ku xukuntay midkiiba 13 sannadood oo xadhiga ah 6 ka mid ah 7 nin oo kale oo la eedaysnaa kooxda Jaamac Kuutiye, kuwaas oo ay hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay Xabsi daa'in, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

 

 

1. Maxamed Cabdi Xaamud

2. Yaxye Cabdiraxmaan Cali

3. Maxamed Aadan Cismaan (Shirwac)

4. Maxamed Aadan

5. C/raxmaan Jibriil

6. Faarax Cadde

 

 

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Indhacadde) oo ka mid ahaa kooxdan hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay Xabsi-daa'inka isaga oo maqan ayaa markii Afraad Maxkamadda Sare ku xukuntay 13 sannadood oo xadhig ah.

 

Daauud Saalax IidleCabdiraxmaan Indhacadde oo wakhtigaa hore ku eedaysnaa inuu ku lug lahaa dilka Haweenaydii Talyaaniga ahayd ee lagu diley Boorame ayaa la qabtay Sept. 2005, iyada oo la sheegay inuu ka mid ahaa koox doonaysey inay fal argagixisonimo ka fuliso Hargeysa wakhtigii doorashadii baarlamaanka. Waxaana maxkamadda lala soo taagey koox loo qabqabtay falkaas, isla markaana waxa lagu xukumay isaga iyo kooxdii la eedaysnayd xabsi 25 sannadood ah. Maxkamadda Racfaanka oo iyana Berbera u fadhiisatay March 6, 2007 dib u eegista xukunka maxkamadda Gobolku ku riddey kooxdaas oo ay ka qaateen Rafcaan ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdiraxmaan Indhacadde. Waxa kale oo ay Maxkamadda Racfaanku xukunkii Maxkamadda Gobolka ka khafiifisay Maxamed Sh. Ismaaciil, isla markaana ku xukuntay 3 sannadood oo xadhig ah.

 

 

Kooxdaas oo uu ku jiro Indhacadde waxay Maxkamadda Gobolku ku xukuntay 13 sannadood oo xadhig ah, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

 

 

1. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Indhacadde)

2. Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf

3. Ibraahim Jaamac Afgaan (Maqane)

4. Axmed Cabdi Godane (Maqane)

5. Maxamed Caydiid

6. Ibraahin dheere

7. Sahal

 

 

Maxkamaddu waxa kale oo ay ku xukuntay midkiiba 12 sannadood oo xadhig ah shan eedaysane oo kale oo ka mid ah kooxdaas, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

 

 

1. Axmed Cali Xuseen

2. Cabdillaahi Maxamed Axmed (C/laahi Gaab)

3. Muuse Cali Yuusuf

4. Maxamed Ibraahim Axmed (laba Gumac).

5. Maxamed Sh. Ismaaciil Xasan.

Maxkamaddan ayaa ah tii ugu dambeysey, kadib markii ay hore u soo xukumeen labada Maxkamadood ee Gobolka iyo Racfaanka. Waxaana la eegayaa in Madaxweyne Riyaale uu saxeexo fulinta xukunka dilka ah ee maxkamaddu ku riddey labada nin.

 

Cali Muuse MaxamuudMagaalada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo Jaamac Kuutiye ayaa maanta waxa ka dhacay Mudaharaad lagaga soo horjeedo xukunka dilka ah ee Maxkamadda Sare ku riddey ninkaas, Waxaana guud ahaan la is weydiinayaa sababta Maxkamaddu u kala saartay shanta nin ee lagu qabtay Dhoqoshey.

 

 

Waxa kale oo ay su'aalo badani ka taagan yihiin xukunka Cabdiraxmaan Indhacade, iyada oo xukunkan Maxkamadda sare oo ah 13 sanadood uu yahay kii ugu fududdaa, marka la eego saddexda xukun ee kale ee maxkamadaha kala duwani ku rideen kuwaas oo kala ah; Xabsi daa'in, Dil iyo 25 sannadood.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this