Sign in to follow this  
Emperor

Traditional Elders of Buuhoodle condem Somaliland in a released statement

Recommended Posts

Emperor   

Gudida Odayaasha Buuhoodle Oo Baaq Ay Ku Canbaaraynayaan Somaliland Soo Saaray

 

(Buuhoodle}25.10-7

Gudida Odayaasha Buuhoodle oo ah Guddi ka kooban Guud ahaan ardaayada kala duwan ee Deegaanka Buuhoodle ayaa labadii Maalmood ee tegay waxay u fadhiyeen Kulamo xidhiidh ah oo ay kaga tashanayaan isbedeladii Dhowaan ka dhacay Magaalada laascaanood,

 

waxaana ay ugu dambayntii saaka soo saareen Baaq ay si kulul ugu cambaarynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday laascaanood & dhibaatooyinkii ka dhashay ee lahaa Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca, qaxootinimada & hanti Burburka.

 

Gudida oo Baaqooda u qaybiyey Qaybaha warbaahinta ayaa Baaqoodu waxa uu ka koobnaa qodobadan.

 

1. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay Cambaaraynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu qabsaday magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

2. Gudida Buuhoodle waxay si weyn uga xun yihiin Dhibaatooyinka ay shacabka Gobolkaas ku keentay qabsashadii laascaanood sida, Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca & hanti burburka.

 

3. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay ugu Baaqaysaa Maamulka Somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan Gobolka Sool Si loo badbaadiyo dadweynaha Gobolkaasi.

 

4. Gudida Buuhoodle waxay ugu baaqaysaa Waxgaradka & dadweynaha Beesha *********** inay kulan wada tashi isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle si looga wada tashado arinta taagan.

 

Magacyada Gudida Odayasha Buuhoodle ee Baaqa soo saaray

 

1. Maxamuud xaaji Cumar camey

 

2. cawaale Jaamac raygal

 

3. Hindi Maxamed aadan

 

4. caaqil cabdiraxmaan axmed Olol

 

5. Cabdi Hogod Yuusuf

 

6. Maxamed jaamac Biixi

 

7. Axmed xasan xaaji Cumar caydhboob

 

8. Xaaji Axmed Aadan Xaad

 

9. xasan Ciise wacays

 

10. cabdi Ducaale darwiish

 

11.aadan cali Axdar

 

12. Cabdilaahi xasan Qambi

 

13. Cali xasan falliidh

 

14. saalax Xaaji Cali

 

15. Cabdilaahi Jaamac Haaruun

 

16. Maxamuud faandhe raage

 

17. cabdirashiid xaaji samatar

 

18. Cumar Axmed Soodaani

 

19. Caaqil cabdi Jaamac Halac

 

20. Cabdisemed Gorse Biixi

 

21. xasan Macalin Maxamed

 

22. Cabdirashiid Cabdilaahi faracadde

 

23. Cali Maxamed Qadaadwagareed

 

24. Cali Faarax Maxamed

 

25. Ismaaciil Xirsi Shabeelle

 

26. Xiis Ibraahin Diiriye

 

Widhwidh Online

 

Xuseen Kurdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minneapolis: "Somaliland ha ka baxdo Laascaanood ,hadii aysan ka bixin wixii dhaca Masuuliyadeeda waxaa qaadaya Daahir Riyaale Kaahin" Maxamed Cabdi Xaashi.

26. oktober 2007

 

APL

 

 

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

Minneapolis(AllPuntland)- Madaxweynihii uu talada kala wareegay Madaxweynaha hada haya Madaxtinimada Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee ka jira gobalka Sool.

 

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga hadlay xaaladaha dagaal isagoo markaasi sheegay in loo baahan yahay in ay Somaliland ciidamadeeda ka daadgureyso gudaha magaalada Laascaanood ,isla markaana ay tagaan meelihii ay joogeen ayna tahay Xuduudooda.

 

Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaadey in hadii aysan Somaliland ka bixin magaalada laascaanood ay talaabo deg deg ah ka qaadayaan Maamulka la baxay Somaliland ,ayagoo ah Umada ku dhaqan gobalka Sool.

 

Mr.Xaashi oo ah siyaasi rug cadaa ah lana socdey dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada laascaanood ,ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin ,isagoo markaasina ugu baaqey Somaliland in ay deg deg uga baxdo magaalada Laascaanood.

 

Max'ed Cabdi ayaa digniin uu ku tilmaamay tii ugu danbeysay ujeediyey maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,wuxuuna sheegay in Daahir Riyaale Kaahin ay yihiin rag is yaqaan ayna ka doonayaan in uu wiilasha ka daad gureeyo Magaalada laascaanood ,duleedkeeda hadii kale uu la kulmayo waxyaabo uu hadal heyn doona mudo dheer waa sida uhadal udhigeye.

 

Md.Maxamed Cabdi Xaashi ayaa mudo ahaa Madaxweynaha Puntland ,mar ka sii horeysaneyna wuxuu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ,isagoo la weydiiyay isagoo saxaafada la hadleyey hadii la doorto mar kale wuxuu qabanayo.

 

Wuxuu sheegay in aysan Somaliland soo hadal qaadeyn dagaal ay soo qaadaan iska daaye arimaha SS iyo Cayn loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay udiyaar garoobaan doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

 

Hadalka Madaxweynihii uu talada kala wareegay Cadde Muuse ayaa ku soo beegmay xili Maamulka hada ka jira Puntland dhaliilo xoogan kaga imaanaya Shacabka Puntland ,isla markaana hada Maamulka Cadde Muuse wado dadaaladii ugu danbeeyey ee ay dib ciidamadooda ugu celinayaan Magaalada Laascaanood.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this