Sign in to follow this  
General Duke

RRA, Alitixad, JVA all involved in Kismayu..Morgan still fighting

Recommended Posts

Muqdisho: Malayshiyada Deelaaf, Abuukar Cadaani iyo Abdiqaasim Salad oo Gurmad ka Diray Muqdisho

- Monday, September 20, 2004 at 17:44

 

Muqdisho, 20.09.04 (AllPuntland) - Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho, waxaa saaka ka ambabaxay Muqdisho ciidamo ku hubaysan 12 Tikniko ah oo ay leeyihiin malayshida taabacsan Maxamed Deelaaf, Abuukar Cumar Cadaani iyo Cabduiqaasim Salad Xassan.

 

Malayshida oo qayb ka mid ah huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ayaa la sheegay in qordshahoodu yahay in ay difaac ka galaan Dekedda iyo Gegida dayuuradaha ee magaalada Kismaayo oo la sheegay in ay kaabiga u saaran yihiin ciidamada degaanka ee SPM.

 

Qorshaha ayaa la sheegay in uu yahay sidii Dekedda iyo Madaarka Kismaayo ay gacanta ugu geli lahaayeen Ururka Al-Itixaad oo in muddo ahba ku hamiyayey in ay mideeyaan cududooda, isla markaana ay saldhig ganacsi ka samaystaan Kismaayo. Khasaare ba'an oo ka soo gaaray malayshiyada Dooxada Jubba dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ayaa lagu soo warmayaa in Ururka Al-Itixaad ay mar kale milicsadeen hirgelin qorshe mudooyinkan dambe ay ka shaqaynayeen.

 

Warakii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay naga soo gaaray aagga dagaalka ayaa sheegaya in saaka uu dagaal ku dhexmaray dhul xeebeedka dhanka koofureed kaga toosan Kismaayo ciidamada deegaanka ee SPM iyo kuwa Al-Itixaad ee taabacsan ninka lagu magacaabo Xassan Turki, halkaasna malayshiyada Xassan Turki jab ay kala kulmeen. Saddex ka mid tikinikada dagaalka ayaa halkaa looga gubay, iyada oo uu soo garay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in saaka waaberigii ay dagaalo ku dhexmareen aagga Xaliima Cadeey ciidamada deegaanka ee SPM iyo kuwa huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

 

Sidoo kale, qaar ka mid saraakiisha SPM oo aan la xiriiray iyaga oo jooga Dhoobley ayaa noo sheegay in degaanka ay soo gaareen Dhakhaatiirta aan Xudduuda Lahayn iyo Suxufiyiin ka socda qaar ka mid ah Ilaha Wararka Caalamiga ah si loo derso khasaaraha kooxaha Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ay u geysteen degaanka maalmihii la soo dhaafay.

 

Wixii war ah ee soo kordha, gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

 

Xarunta AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoosungo:Dagaallo maanta mar kale dhexmaray Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa Gen.Morgan

- Monday, September 20, 2004 at 17:53

 

Nairobi(Allpuntland)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka ku dhow tuulada hoosungo ee galbeedka kaga aaddan magaalada Kimaayo ayaa sheegaya in maanta dagaallo kale ay ka dheceen agagaarka tuulada Santaara oo deegaankaas ka tirsan.

 

Dagaaladaan maanta dhacay oo sida wararku sheegayaan aan sidaa u xoog badnayn ayaa waxay dhexmareen maleeshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa SPM/SRRCda ee taabacsan Gen.Morgan.

 

Dagaalladaan ayaa waxaa weerarka lahaa Isbahaysiga Dooxada Jubba,waxaana wararka soo baxayaa sheegayaan in dib loo riixay oo ay waabiyeen SPM/SRRCdu ,iyadoo magaalada Kismaayo laga soo sheegayo in isbitaalka la geeyey maleeshiyooyin dhaawacyo ka soo gaareen dagaalladaas oo ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaaladaas oo aan la xiriirnay,lamase sheegin wax gaadiid dagaal ah oo la kala qabsaday .

 

Wararka ka soo baxaya dhinaca SPM/SRRCda ee la xiriira dagaalladaas shalay iyo maanta ayaa sheegaya inay ku jebiyeen weerarada ay ku soo qaadeen kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay sheegeen inaysan ku ekayn kuwa uu hoggaamiyo Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo isagu hadda ku mashquulsan dagaallada Jubbooyinka isla markaana maalin kasta magiciisa laga yeeriyo hoolka shirarka ee Mbagathi ,marka ay kulan isugu yimaadaan Xildhibaanada KMG ah ee Federaalka Soomaaliyeed,ee ay weheliyaan bay yiraahdeen maleeshiyooyin ka tirsan waa sida ay hadalka u dhigeene Al-Itixaad,Samatabixinta,Kuwa C/Qaasim,Indhacadde,iyo qolooyinka isku magacaaba maxkamadaha Islaamiga ah,balse eedaymahaas maleeshiyooyinka ka qaybgalay dagaallada iyo wararka ku lugta leh dagaalladaas ma jirto cid madaxbannaan oo noo caddaysay.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this