Sign in to follow this  
juma-nne

Fighting rocks In Sool as the Stooge alliance runs for dear life

Recommended Posts

juma-nne   

Ciidamada Qaranka Somaliland oo si weyn u Jabiyay Ciidankii Ururiska ahaa ee is bahaysatada Puntland iyo Dawlada Ku Meelgaadhka ah

Somaliland.Org — Laascaanood, Somaliland — 24 September, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Somali Voice (Bristol) UK. Ciidamada Qaranka Somaliland oo maalmahanba heeggan buuxa ugu jiray inay raamsadaan isbahaysatada Maleeshiyoonka dawlada ku meelgaadhka ah iyo ciidamada ******eeniya ee ururiska oo beryahanba ku soo qulqulayay magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ayaa saaka Jab culus u geystay maleeshiyooyinkaas ururiska ah oo saaka weerar kusoo qaaday ciidamada Somaliland.

 

Ciidamada Qaranka Somaliland oo iyagu ah ciidan dhisan oo tababarro nooc kasta ah qaadanayey 16 kii sanadood ee tagay ayaa saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigay ciidamada cadawga, waxaana ciidanka qaranka Somaliland ay maleeshiyada ******teeriniya iyo Kuwa dawlad ku sheegta ah ay u geysteen qasaaro laxaad leh, waxaanay ka dileen askar aad u tiro badan iyaga oo waliba ka dhawaacay kuwo kale oo badan isla markaasna ka qabtay maxaabiis tiro badan, dhinaca kalena waxa ciidamada qaranku ay gacanta ku dhigeen saanad milatari oo kala duwan oo ay ka yaaceen maleeshiyada weerarka soo qaaday.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland oo ku sugan dooxada Abeesalay ee duleedka Laascaanood oo diiday in magaciisa la sheego ayaa Somali Voice u caddeeyay in ciidanka Somaliland ay baacsadeen maleeshiyada soo duushay, waxaana uu sheegay inay maleeshiyada Puntalnd iyo kuwa ku dawlada ku meelgaadhka ahi ay orod ku galeen magaalada Laascaanood, waxaana uu sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay ka hadheen markii magaalada laascaanood ay orod ku galeen maleeshiyada soo duushay, iyaga oo ciidamada Somaliland u tudhaya shacbiga iyo maatida ku nool magaalada Laas caanood darteedna ay uga istaageen inay magaalada galaan.

 

" Waxaanu imika ururinayaa dhaawicii ay ka yaaceen maleeshiyada imbagaati iyo ta ******eeniya waxaana aanu siinaynaa daawooyinka ay u baahan yihiin dhaawacani anaga oo tix galinaya xeerarka caalamiga ah ee u degsan milatariga xilayada dagaalka lagu jiro" ayuu yidhi sarkaalkaas ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland.

 

Si rasmi ah wax war ah wali ugamay soo saarin xukuumada Somaliland dagaaladan dhacay, waxaase laga warqabaa in siyaasada cusub ee Somaliland ay tahay mid ku salaysan hadal yar iyo hawl badan, halka dawlada ku meelgaadhka ah iyo Puntland ay caado u tahay inay afka gacanta iska galiyaan marka la xanuunjiyo.

 

Kaysar Cabdilaahi

Bristol. UK

The Somali Voice

Share this post


Link to post
Share on other sites

Acuudi bilaahi ...

 

Ma Soomaali ayaa saan wax u qoraayo? Such a fiery hatred and ardent animosity. Bisinka iyo murdaha. Eebboow.

 

Waxaa laga dhadhansan karaa qoraalka oo isleedahay dadkaan -- waa kan qoray suu Soomaalida isdileyso u arkee -- waa dadka kala jaad iyo isir ah, oo naceyb weyn qarniyaal jiray inay ka dhaxeyso, not dad isdhalay, isla dhashay, isku af, diin iyo dhaqan ah. Falastiin iyo Yahuudba saan mar mar iskuma necba.

 

Shuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood (SDWO 24/09/07)- Malleeshiyoon ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland iyo kuwa dawladda Mbeghati oo ka soo ruqaansaday gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa ku qulqulaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo isugu habar wacday guluf culus oo ay doonayaan inay ku qaadaan fadhiisimadda jiidda hore ee ciidammada qaranka Somaliland.

 

Ciidamada Qaranka ee jiidda hore Laascaanood, ayaa heegan buuxa galay, kadib markii maalimihii ina dhaafay ay soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood maleeshiyooyin farabadan oo ka kala yimid Garoowe iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo shalay galabna ay gaadheen ciidamo cusub oo ka tirsan maamulka Mbeghati. Sida oo kale, Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa la filayaa in uu gaadho saacadaha soo socda fadhiisimada jiidda hore ee ciidamada qaranku ku leeyihiin duleedka Laascanood.

 

 

 

Wararka ka imanaya degaanka Laascanood ayaa laga cabsi qabaa inay saacad kasta ka qarxi karaan degaankaas dagaallo cul-culus, iyadoo labada ciidan ee Somaliland iyo kuwa Puntland diyaargarow xooggan ku jiraan, iyadoo dhinaca Somaliland ay jiidda hore fadhiisimada ciidamada gaadheen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka oo ka tagay Hargeysa. Sanqadha madaafiicda ayaa maalmihii tagay marmar laga maqlayay jiidda hore inkastoon dagaal toos ahi ka dhicin labada ciidan.

 

 

 

Haseyeeshee, Xukumadda Somaliland ilaa iyo hadda ma cadda mawqifkeeda ku aaddan xaaladda ka aloosan jiiddaas waxa ay ka yeelayso.

 

 

 

Dhinaca kale, waxa magaalada Laascaanood degan malleeshiyo beeleed ka soo horjeeda Puntland oo toddobaadkii hore shaqaaqooyin ku dhexmareen magaalada Laascaanood, qaar ka mid ah garaadada gobolka Sool oo isku dayay maleeshiyadaa magaalada dhexdeeda inay ka saaraan kumay guulaysan. Wararka kale ee jiiddaas ka imanayaa waxay sheegayaan in maamulka Cabdilaahi Yuusuf ee Mbeghati taakulo saanad iyo ciidanba ku soo xoojiyay malkeeshiyaadka Puntland ee Laascaanood, iyagoo doonaya inay daboolaan ducfiga ku dhacay maleeshiyadii Punland ee Laascaanood oo awoodi kari waayay inay riixaan malleeshiyada ka soo horjeeda ee Xaabsade taabacsan, sidaas daraadeed haatan ay doonayaan sidii ay dagaalka ugu rogi lahaayeen Somaliland iyo Puntland.

 

 

 

Dhinaca kale, ciidammada Maamul-goboleedka Puntland oo ay weheliyaan kuwa dowladda Mbeghati, ayaa markii u horreysay shalay gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

 

 

Labadii maalmood ee u dambeeyey waxa ku qulqulayey magaalada Laascaanood ciidamo aad u fara badan oo la sheegay inay ka yimaaddeen koonfurta Soomaaliya iyo waliba kuwa Puntland, kuwaas oo ay la sheegay inay ku jihaysan jiidda Abeesalay oo ay isku horfadhiyaan ciidammada Somaliland iyo kuwa isbahaysiga Mbeghati iyo Puntland.

 

 

 

Sabtidii dorraad ayaa sida ay baahisay shabakadda Widhwidh.com jidka halbowlaha ah ee Laascaanood ciidamo ku hubaysan tikniko aad u fara badan, gawaadhidaas oo ay ka mid ahaayeen nooca loo yaqaano Uralada oo ay saaran yihiin hub aad u culus, kuwaas oo dadka degaanku xaqiijiyeen inay ka tirsan yihiin kuwa dawladda Mbeghati, balse ay hoggaaminayeen saraakiil reer Puntland. Waxa kale oo habeenimadii Axaddii lagu arkayey gudaha magaalada ciidamo tiro badan iyo tiknino xooggan, kuwaas oo la sheegay inay ka soo kolanyaysteen gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaanay wararku tibaaxeen inay degaanka Laascaanood u yimaaddeen si ay uga qaybqaataan xiisadda colaadeed ee u dhexaysay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland.

 

 

 

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa toddobaadadii ugu dambeeyey aad u kacsanayd, iyada oo dadkuna si weyn u hadal-hayaan dagaallada iyo iska-horimaadyada ku soo kordhay degaanka.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, saansaanta colaadeed ee ka aloosan Laascaanood, ayaa u muuqata mid ay maamulka Garoowe ku go’aansadeen dagaal ay la galaan Somaliland, waxayna Puntland diyaarsatay qalab kasta oo dagaal lagu geli jiray.

 

Hub iyo ciidan kala duwan oo ka tirsan dawladda Mbeghati, rasaas iyo tikiniko aad u badan iyo waliba dawooyin ayaa si weyn ugu soo qul qulaya magaalada Laascaanood waxana intaa dheer baaburta dhaawaca qaada ee ambalaaska oo markii ugu horreysay tiraba 4 xabbo ay keensatay Puntland.

 

 

 

Source:Jamuuriya, Sept 24, 2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada mamulada Puntland iyo Somaliland oo isku horfadhiya degaanka Aricadeye ee duledka Las Cano ayaa sakey arronimadii isku waydarsadey madafiic fariisimahoda.

 

Madafiicdan ayaa wararku sheegayaan in aysan geysan wax khasare ah iyada oo aysan jirin dhaawacyo la keeney LaasCaano.

 

Rabshada labada maamul ayaa salka ku haysa gacan ku haynta gobolka Sool iyada oo beelaha gobolku u kala qayb sanyihiin xiisada jirta.

 

Xiisadahan ayaa waxaa labada maamul kaga baxa kharash badan xilli ay la tacalayaan mushahar siinta shaqaalahooda iyo qabashada adeegyada bulshda.

 

Puntland ayaa looga yaqaan xaalad abuur rabshadahan iyada oo siyaasiyiinta gobolka Sool kaga jirta mamulka ay xisab badan u dalbadan howgaladan oo u baahan heshiisiin la dhexdhgo beelaha gobolka Sool.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland isla markaana ah ku simaha Cadde ayaa warar sheegayaan in dagaal siyaasadeed kula jiro Xabsade oo horey u ahaan jirey wasiirka arrimaha gudaha isla markaana misaaniyad badan u isticmaalaya xiisadan.

 

Madaxweynha MGPL ayaa isagu weli ku sugan wadanka Imaaraadka Carabta xilli uu wadanku ku jiro qalalaase u dhexeya Puntland iyo Somaliland.

 

Wararka ku dhow Cadde ayaa sheegaya in Dubai uu ka wado baadigoob shirkada uu la galo heshiisyo cusub, xilli aysan waxba ka hirgaling kuwii hore.

 

Muwaadin dagan Dubai ayaa GO u shegeey in Madaxweyne Cadde uu jeclaan lahaa in Puntland uu ka maamulo dalka Imaraadka Carabta halkaas oo waqtigiisa inta badan ku qaato.

 

Dhinaca kale waxaa is-qabqabsi xoog leh ka taagan yahay dhismihii golaha degaanka Bosaso iyada oo wararku sheegayaan in herdan xoog leh ka dhexeeyo dhincyada kala duwan ee bulshada iyo dowlada Puntland.

 

Bosaso ayaa golaheeda degaanka waxaa horey u kala direy Madaxweyne Cadde kadib marki xillka laga qaadey madaxii golaha oo ay isku dhowaayeen.

 

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this