Sign in to follow this  
Cowke

HM Criticism Of Siilanyo Cabinet

Recommended Posts

Cowke   

wasiiro_somaliland.jpg

 

 

Dawladda Siilaanyo Dhisey Ma Tayo Ayuu Ku Doortey Mise Taallo uu Dhabarka Ku Tiirsado Ayuu Samaystey.

 

July 29, 2010

 

 

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalintii shalay daaha ka qaadey golihiisa wasiirada, kadib markii si dimoqraadi ah loogu doortey xilka madaxweynaha doorashadii 26 bishii Juun ka dhacdey Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaan xilka loo dhaarin waxa uu magacaabey guddi ka soo talo bixiya sidii uu ku dhisi lahaa dawlad tayo leh, waxaana guddigaasi ay ku soo koobeen in la sameeyo 15 wasaaradood oo keliya, wasiiradana aad loo yareeyo.

 

Mudane Siilaanyo ayaa golihiisa wasiirada ee uu saxaafadda u soo bandhigey ay ka kooban yihiin 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen, taas oo ah mid khilaafsan taladdii ay soo bandhigeen guddigii uu magacaabey, waxaana la rumeysan yahay in ay inta ka badan doonaan.

 

Waxaa durba saluugey qaabka uu wax u magacaabey dadweynaha ku dhaqan gobolka Awdal, oo la siiyey laba wasiir oo keliya, waxaana qaarkood ay saxaafadda u sheegeen in xisbiga Kulmiye aarsi wado ee sida uu wax u magacaabey aysan caddaalad ku dhisneyn.

 

Dhanka kale waxaa isla maanta arintaas ka mudaaharaadey Beel ka mid ah beelaha dega Hargeysa gaar’ahaan xaafadda Isha Boorame, waxaana ay sheegeen in ay taageereen Siilaanyo isla markaasna ay isaga u codeeyeen laakiin uu balantii uga baxay.

 

Siyaasiyiinta beelaha *****ga ka soo tegay ee fikirkoodu yahay gooni u istaaga Somaliland ayaa la siiyey laba wasiir oo reer Sool ah iyo hal wasiir oo Sanaag ah. Wararka qaar ayaa sheegay in gawaari nooca dagaalka ah oo laga lahaa Sanaag ay u soo goosteen dhanka Puntland kadib markii Siilaanyo ku dhawaaqey xukuumadiisa ayna hal nin ka dhex arki waayeen.

 

Siyaasiyiintii xisbigii la diidey ee Qaran Dr.Gaboose iyo Xaashi oo muddo dheer Rayaale ku hayey xabsiga Mandheera ayaa markaan kala wareegaya xilka laba nin oo ahaa raggii xabsiga u direy Cirro iyo Cawil yare.

 

Sidoo kale Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo mar sii horeysey xisbiga Kulmiye u soo magacaabey xubintii guddiga doorashada, ayaa waxaa diidey Madaxweynihii hore Rayaale waxaana uu ku eedeeyay in ay Kulmiye ka tirsan tahay, waxaa markaan loo magacaabey in ay ka mid noqoto Golaha Wasiirada Siilaanyo.

 

Isirka Soomaaliga ah ayaa meelkasta oo ay joogaan isku mid ah waxaana maamulada laga dhiso Soomaaliya lugta jiita anaga ayaa nala qadiyey iyo reer hebel ayaa sedbursi helay, mana ahan mid meel wada gasha in aad heshid maamul kooban oo tayo leh iyo qancinta beelaha.

 

Si kastaba ha ahaatee Mudane Siilaanyo ayaa wasaaradihii doorkalahaa ku safay beelaha Galbeedka dega waxaana la is weydiinayaa Siilaanyo ma waxa uu ku soo xushey tayo iyo aqoontooda mise taallo iyo derbi adag oo gundhig u noqda dawladiisa curdinka ah ayuu samaystey?.

 

Abdirisak Shiino

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Thank you again horseedmedia for giving us quick/precise run-down of whats happenin in somaliland and its new govt. No need for the 100 articles boy. Horseed wraps it up for you in straight fashioned honest way.

 

I love their coverage of somaliland election it was spot on to the tea. lol. Especially when they said "ictiraf heli mayan haday doorashada dhacdo" waxay helayan cawinad for development/conflict resolution/democratization and that is exactly what the british ambassador said on voa just yesterday what he will give somaliland for holding fair election. No ictiraf in sight, qowdhans back on the drawing board. Maybe u should post 1 more article from the merfish basement to give u hope lol but still you will be in the same place you were 1991

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this