Sign in to follow this  
Gabbal

You kill, you get killed! Kudos to Odayaasha Qabaa'ilada.

Recommended Posts

Gabbal   

Dil maanta ka dhacay Degmada Baladxaawo iyo ninkii dilka gystey oo lagu fuliyey Qisaas

Beled-xaawo, Somalia - Waxaa abaare 2-dii duhrnimo ee maanta lagu diley degmada Balad-xaawo nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Danaf oo wax ka yar nus saac u geeriyoodey rasaastii uu la beegsadey nin kale oo uu dhul kala dhaxeeyay, iyadoo dadaalo balaaran oo ay iska kashadeen Booliska Balad-xaawo iyo odoyaasha deegaankuna ugu dambeentii ay ku guuleysteen in la soo qabto ninkii ka dambeeyey dilkaasi.

 

Dilkan dhacay manta ayaa dadka qaar waxa ay la xiriirinayaan muran ku saabsan dhul oo labada ninba ay isku mandhaafeen, taasoo ugu dambeentii sababtey in dilkan uu dhaco. Qabashada ninka dilka geystey kadib ayaa odoyaasha labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ninkii dilka geystey maxkamad la soo taago, taasoo ugu dambeentii ku xukuntey in ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa lagu fuliyo xukun dil qisaas ah, iyadoo labada dhinacna ay ku heshiiyeen in qisaastaas la fuliyo.

 

Dhinaca kale, C/aahi Idaan oo ahaa ninkii geystey dilkii lagula kacay marxuumka ayaa maqribnimadii galabta meel fagaaro ah oo dadweyne badan oo reer Balad-xaawo ah ay isugu soo baxeen lagu qisaasay, mana ahan qisaastaani tii ugu horeysay oo lagu fuliyo qof-qof dilay Degmada Balad-xaawo gudaheeda. Odoyasha Balad-xaawo ayaa iyagu horey waxay ugu heshiiyeen go'aan ah in qofkii qof dilaa loo dilo, taasina waxay keentay in falalka dilalka ah ay ku yaraadaan Degmada Baladxaawo iyo deegaanada ku xeeran.

 

 

Aden Bare Cali Allgedo/Luuq-Ganaane.

 

 

Allgedo News Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this