Sign in to follow this  
Member-sol-

Sheekh Shariif ma la Ogyahay in Tigreegu Galaan Luuq

Recommended Posts

C/Waaxid C/hi Khaliif

 

London, UK

 

cabdulwaxid@hotmail.com

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

 

Maxkamadaha Islaamigu waxay sheegeen in labada garab ee Casmara iyo Jibuuti kala jooga aysan midna u maqneyn. Haddey sidaas tahay yuu sheekh Shariif Xukumaa? Sida la ogyahay Muqaawamadu waxay ka hadlaan mabda’ ee ma aha qabiil. Qabiilka waa loo dhashaa oo cid kasta ood ku biirtid kama baxaysid. Dagaaloogayaashii ****** intoodii badneyn waxay taageereen C/hi Yuusuf 2004-tii halka in yari ay taageertay C/hi Caddoow. Kuwii C/hi taageeray kama baxayaan Hawiyenimadii ileyn qabiilka waa loo dhashaaye. Ilaa hadda ma garanayo cidda uu xukumo sheekh Shariif. Hadduu ku biiray hogaamiye-kooxeedka ****** waa la fahmi karaa laakiin ma garanayo wuxuu ka dheefayo faraqa uu ku xirtay nin ka daran C/hi Yuusuf – Shariif Xasan! Yaa muran uga jiraa in C/hi Yuusuf dhaamo Shariif Xasan? Dib u fiiri sidii korneylka ku geeyey Shariif Xasan Cadan, Yemen isagoo Shariifku markaas la jiray hogaamiye-kooxeedkii Muqdisho.

 

 

Markii Tigreegu ka baxay Baladweyn ayaa sheekh Shariif sheegtay in ay uga baxeen qorshe ay la ogaayeen. Marka wuxuu caddeystay iney jirtay arrin ka dhaxeysay Tigreega iyo isaga. Su’aashu waxay tahay hadda sheekhu mala ogyahay in Tigreegu Soomaaliya sida Luuq soo galeen? Hadduusan la ogayn sabab? Ileyn soo-gelitaanka cadowga ayaa ka khatarsan bixitaanka cadowgee. Runtii qaar ka mid ah Maxkamaduhu waa beeniyeen hadalka sheekh Shariif.

 

 

Miyesan Maxkamaduhu ogeyn in waxa sheekh Shariif keeno ay mas’uul ka yihiin ileyn iyagaa inta qol isku xireen sameeyey gole shuuro iyo mid fuline? Waxaa fidradu na bareysaa in marka guri xoog badan oo dheer (dhabaq shub ah/mabda’/xarako Islaam) la dhisayo loo baahanyahay aas-aas adag oo shub ah sidoo kalana la rabo in lagu badiyo tiirar shub ah. Ka warrama haddii Maxkamaduhu ay hogaankii ka buuxsheen tiirar boocbooc ah oon horay loo tijaabin iyagoo aasaaskiina ka dhigay ciid? Waa iska caadi sidii horay loo yiri mar kasta oo dhismuhu kor aadaba in dumistiisu ay soo dhowaaneyso. Qaar badan oo Jibuuti jooga ayaa ka buuxay golayaashii Maxkamadaha saasooy tahay weli waa moog yihiin Maxkamaduhu in inta khaladkaas saxaan ay keenaan hogaamiye fulineed oo metela Maxkamadaha. Mise lax dhukan abaar moog? Weli isma oran ciidda Soonfureed baa la ciidayaa iyadoon Maxkamaduhu hogaan sameynsan. Arrintaas golayaashii la sameeyey ah waxay keentay in shacab badan oo culumo ku jiraan ka cararaan Maxkamadaha iyagoo qabiil iyo la-tashi la’aan ka urinayey. Inta aan dacaayadeyn sideyda oo kale waxay xeerisay guushii ay keeneen iyo iyadoon wax laga sheegi karin maaddaama cadow garaacayey. Marka marba haddii kuwii Maxkamadaha sheeganayey bilaabeen in Muqaamamadii burburiyaan sidoo kalana rabaan iney shacabka iska horkeenaan haddee aamus ma jiro.

 

 

Waxaa sida sheekh Shariif Maxkamadaha jaranjaro ka dhigtay odayaal sheeganaya iney xukumaan ******! Xaggee mabda’ iyo qabiil iska soo galaan? Odayaashu markii Tigreegii ka guuray Baladweyne oo Maxkamadaha iyo Muqaawamada kalaba naf iyo maal u hureen in Tigreega la halaago ayaa odayaashu waxay dhusha ka fuuleen mowjadihii Muqaawamada iyagoo soo maray dhulka ay Muqaawamadu joogto. Marka su’aashu waxay tahay odayaashu ma Maxkamadahey ka tirsan yihiin? Qofkii warmooga ahi ha fahmo inaan Tigreegu dan weyn ka lahayn odayaasha oo waa tii inta qaar xiratay soo deysay sidoo kalana waxay ka dageen garoonka Gaalkacyo oo kuwa loo yaqaan koobbi Amxaaro xukumaan. Haddey dan ka leeyihiin waa xiri lahaayeen. Been maaha iney keeni lahayd isku dhac qabiil laakiin koobbi Amxaaro waxaas dan kama leh oo iyagoo boqollaal ah ayey Xamar dhib ku hayaan marka dan kama leh dagaal uga yimaada qolo kale iyagoo dhulkooda jooga.

 

 

Teeda kale odayaasha ****** ma aha dad shalay dhashay. Waa la yaqaan waxay ahaayeen. Marka qofkii C/hi ama qabiil kale la dagaasahan khasab maaha inuu Maxkamado yahay! Jaamac Cali Jaamac, Jinni Boqor iyo Maxamed Cabdi Yuusuf waa la dagaalsanyihiin C/hi Yuusuf saasooy tahayna kama dhigeyso iney Jamhadda Islaamiga, Maxkamadaha ama Ash-Shabaab ka tirsanyihiin. Waxaan tusaale idiin siinayaa hadal uu yiri mid ka mid ah odayaasha ****** oo xabsi laga soo daayey:

 

 

wuxuu yiri mar baa waxaa xabsiga iigu soo galay sarkaal Tigree ah oo i weydiiyey waxa Soomaalidu isu leyso iyagoo hal qowmiyad ah halka Itoobiyaanka oo intaas oo qowmiyadood ka koobanba aysan is laayn? Odeygu wuxuu yiri hadalkaas jawaab waan u waayey! CUUDIBILLAAHIYE MAA ILAAH LAGA CABSOONAADO! Odegyu wuxuu garanwaayey in qowmiyadaha uga badan ee Itoobiya degen ay ku jirto tan Soomaaliyeed. Qof walbana waa ogyahay cadaabka iyo gumeysiga lagu hayo qowmiydda Soomaalida ee Itoobiya degta. Xitaa qabiilka ****** waa ka buuxaan qowmiyadda Soomaaliyeed ee degta waddankaas. Ilaah baan idin ku dhaarshee maxaad ku fasiri kartaan hadalkaas? Hadalka odeygaas waxaan ka qoray maqaal laakiin ma soo gelin internetka anoo is iri iska daayaa odayaasha shakhsiyaadka ah.

 

 

Waxaa hadalkaas ka sii daran mar odeygaasi uu ka hadlayey Ash-Shabaab wuxuu afka ku dhuftay rag aan qabiilkiisa ahayn sida Mukhtaar Rooboow iyo sida la sheegay Fu’aad Shangole. Marka odayaashaan sida haka noqoto ama cid kale ha isticmaaleysee waxaad mooddaa iney hayaan jidkii marar hore laga hadlay oo ah in gaaladu rabto in shacabka la iskugu dilo qabiil sidoo kalana shacabka lagu diro Muqaamamada. Arrinta ka dhacday Baladweyne ee lagu dilay odeyga nabaddoonka ah ma aha wax iska dhacay waana shirqool ciddii rabta haka dambeysee. Marka waxaad mooddaa in wixii laga digayey ay faraha ka baxeen.

 

 

Waa la fahmi karaa in Muqaawamada qaarkood ay ka baxeen Maxkamadaha sababahaas iyo kuwo kale. Saasooy tahayna waxay sheegeen in haddii Maxkamaduhu is habeeyaan oo doortaan hogaan fiican ay suurtagal tahay iney kala hadlaan sidii loo midoobi lahaa marka lama garankaro sida Maxkamado iyo qabiil is huwan wax loola qeysan karo.

 

 

Sidoo kale boggag internetka oo ku hadli jiray magaca Maxaakimta ayaa hadda u hadla sheekh Shariif iyo qabiilka ******. Qaarkood waxay gaareen iney wadaan beenabuur iyo isku-***. Waxay dhaheen Yuusuf Indhacadde ayaa raba inuu Gaalkacyo weeraro! Sidoo kale waxay dacaayad ku hayaan Muqaawamada. Marka waa caddahay in boggaggaasi ay awalba qof ay qabiil ku taageerayeen.

 

 

Ma la gaaray markii ay Maxkamaduhu sixi lahaayeen khaladkooda oo inta sheekh Shariif ummadda ka qabtaan sameysan lahaayeen hogaanka kale? Ma la gaaray in ay ka shaqeeyaan siday dadka uga badbaadin lahaayeen waxaas ay odayaashaas la wadayaqaanay la ordayaan? Odayaashu waxay jaranjar ka dhigteen Muqaawamada. Sidoo kale waxaa u fiican in Maxkamaduhu aysan ku dhicin dabinka ay Tigreega iyo gaalada kale maleegayaan oo ah in shacabka iyo Muqaawamada la iska horkeeno. Sidoo kale ma sameysan karaan Maxkamaduhu cid u hadasha oo loogu soo hagaago inta maalin kasta ay u hadli lahaayeen intaas oo qof oo qaarkood kala heystaan fikrado kala duwan. Marka sidii horay loo yiri ma ku dambeyndoonaan Maxkamaduhu iney ku dambeeyaan halkii ay ku dambeeyeen dagaaloogaashii Xamar - iney ummadda isnacsiiyaan sidoo kalana uu gumeysigu ku meelgaaro? Sidoo kale ha ******** Ash-Shabaab iyo Muqaamada kalaba inaan ad-adeygu ahayn Tigree iyo Tigree-raac la-dirir oo keliya ee uu yahay iney u dulqaateen oo u adkeystaan odayaashaas iyo dadka kale ee jagadu madaxa martay ee ay dhici karto iney dadka isku diraan.

 

C/Waaxid C/hi Khaliif

cabdulwaxid@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this