Sign in to follow this  
General Duke

Morgan IGAD hold talks in Nairobi..Hiiraale to join talks

Recommended Posts

Nairobi:Gen.Morgan oo Nairobi soo gaarey maanta iyo Col.Hiiraale oo Axadda la keenayo

- Saturday, September 25, 2004 at 10:47

 

Nairobi(Allpuntland)-Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo indhawaalaba dagaallo ay u dhexeeyeen ciidammadiisa SPM/SRRC iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo maleeshiyooyin kale oo ay gacansaar leeyihiin ayaa maanta duhurkii soo gaarey xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

 

Gen.Morgan ayaa waxa uu socdaal ka soo bilaabay isagoo wata ciidammo qalabkoodu u dhammaystiran yahay magaalada Ceel Barde ee gobolka Bakool koonfurta Soomaaliya bishan bilowgeedii ,isagoo dhowr jeer oo saxaafaddu waraysatay u sheegay inuusan wax abaabul dagaal iyo colaado ah wadin balse uu u socdo nabad ka dhalinta dadka deegaanka.

 

Gen.Morgan ayaa soo dhexmaray deegaan aad u ballaaran oo ka tirsan gobollada Bakool,Bay,Gedo,jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose isagoo aan wax dagaal ah la gelin wax koox ama maleeshiyo ah oo deegaannada uu soo marayey ku sugnaa ,walow dhiillooyin colaadeed ay ka soo baxayeen Isbahaysiga Dooxada Jubba oo iyagu gacanta ku hayey Magaalada Kismaayo ee ay xoogga ku qabsadeen sannadkii 1999kii ,iyadoo muddo saacado ahna mar kale ay u gacan gashay Gen.Morgan sannadkii 2001dii ,iyadoo markaas ay ku soo duuleen kooxo ka yimid magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahayd DKMG ee Carta lagu soo dhisay.

 

Haddaba Gen.Morgan ayaa markii uu dhowaan soo gaarey deegaanka loo yaqaan Jooraha oo ay degaan dadka uu beel ahaan ka soo jeedo ayaa waxay taasi cabsi gelisey Isbahaysiga Dooxada Jubba oo xilligaas guddoomiyahooda Col.Hiiraale iyo ku xigeenkiisa Seeraar ay labaduba ku sugnaayeen magaalada Nairobi oo ay kaga qaybgalayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ,iyagoo weliba ka tirsanaa Xildhibaanada loo dhaariyey baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Col.Hiiraale oo aqoon dheer u leh awoodda Milleteri iyo hoggaamineed ee Gen.Morgan ayaa ku ledi waayey baaqi ku ahaanshaha shirka,waxayna taasi irdaha u furtay inuu IGAD ka codsado in shirka la keeno Jananka ama isaga loo ogolaado inuu dalka dib ugu laabto si uu isu difaaco waa sida uu yiriye,taasoo markii ay IGAD ka diidey uu habeen gudcur ah u guureeyey dhanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ,isagoo sii maray safar dhinaca dhulka ah.

 

Col.Hiiraale ayaa markii uu tegey gobolka Gedo waxa uu degdeg ugu gudbey dhanka magaalada Kismaayo oo uu uga tallaabay deegaanka uu Gen.Morgan ciidammadiisu ku sugnaayeen ee agagaarka Buulo Xaaji ,taasina waxay keentay isku dhac iyo dagaal lagu hoobtay oo khasaarihiisa ilaa iyo iminka aan la tirakoobin,inkastoo dhanka Isbahaysiga Dooxada Jubba uu khasaaraha soo gaarey saddex jibbaar ahaa taasoo sababtu tahay dhulka oo ah dhul hawd ah oo istaraatiijiyadda milleteriga ku habboon iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba oo weerar ahaa ,mar kastana weerarka iyo difaaca uu khasaaruhu u badan yahay weerarka.

 

Dagaaladaas ayaa waxaa si aad ah looga gacan sareeyey maalmihii u horreeyey Isbahaysiga Dooxada Jubba,iyadoo markaas ay cabsi xoogani gashay niman ganacsato iyo maleeshiyooyin kale isugu jira oo ka soo duuley dhanka magaalada Muqdisho iyo Marka,kuwaasoo dhabar jebiyey oo weeraray taliskii ciidanka SPMta ee Gen.Morgan oo markaas ciidammadiisa ka danbeeyey ilaa 70neeyo KM kuna sugnaa meel u dhow Hoosungo oo ku taal xadka Kenya iyo Soomaaliya ,taasina waxay Gen.Morgan iyo ciidammo ilaalo ahaa oo la socdey ay ku qasabtay inay dib ugu baxaan sida la sheegay dhanka tuulada Diif oo 90 KM ka xigta dhanka waqooyi magaalada Dhoobley.

 

Markii maleeshiyadii ka soo duushey magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ay weerarka ku qaadeen ciidammadii ilaalada Gen.Morgan ayaa waxay u gudbeen magaalada Dhoobley oo ay u geysteen khasaare isugu jirey dil,dhac, gubitaan iyo falal danbiyeedyo kale,iyadoo arrimahaas ay SPMtu ku eedaysay ninka ganacsadaha ah ee la yiraahdo Yuusuf Indhacadde iyo maleeshiyooyin kale oo ka tirsan waa sida ay yiraahdeene ururka Al-Itixaad.

 

Dhibaatadii loo geystey dadka deegaanka Dhoobley ayaa sii hurisay kacdoonkii dadka deegaankaas oo aan awal siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan si rasmi ah ugu raacsanayn Gen.Morgan,arrintaasoo keentay in magaalooyinka Afmadow,Dhoobley,Bu'aale iyo meelo kale ay galaan heeggan iyo u diyaar garow isdifaac haddii la soo weeraro ,iyadoo meelaha qaarkoodna ay siyaasiyiinta iyo duqowda dhaqanka ee beesha degta Dhoobley iyo Afmadow ku caddeeyeen inaysan gacmaha ka laaban doonin gardarada lagula kacay oo ay ka qaybqaadan doonaan xoraynta dadka ka soo duuley Muqdisho iyo meelo kale lagaga saarayo deegaanka Jubbooyinka.

 

Arrimahaasi kuma ekaan dib u gurashadii taliska SPMta iyo Gen.Morgan mid soo afjarta dagaalkii u dhexeeyey Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa Gen.Morgan ee waxay colaadii ku sii fiday daafaha magaalada Kismaayo oo dagaallo ba'ani ay bartoodii ka sii socdeen ,taasina ay dadka magaalada u diidey gama' iyo nasasho ,iyagoo dananka rasaasta noocyadeeda kala duwan ay quraac,qado iyo cashoba u noqotay dadka Soomaaliyeed ee aan iyagu waxba galabsan ee ku dhaqan magaalada Kismaayo oo aan weligood nabad bilna ku naaloon.

 

Dagaaladaas ayaa marba qolo guul sheeganaysey ,iyadoo Isbahaysiga Dooxada Jubba si ay u dejiyaan kacsanaanta shacabka iyo qaxa ka jirey Kismaayo ku andacoon jirey dagaalkii waa la soo afjaray iyo Gen.Morgan ayaa lagu raad joogaa ,iyagoo bartamaha magaaladana hadba soo marsiin jirey labo baabuur oo kuwii Gen.Morgan kala yimid dhanka Ceel Berde iyo qaar ay hore uga soo kaxaysteen markii la gubey magaalada Dhoobley,kuwaasoo ay maleeshiyooyin dushooda saarani ku qaylinayeen Guul Guul ,iyo dagaalkii waa la soo afjaray iyo Gen.Morgan oo dhaawac ah ayaa xadka Kenya galay IWM.

 

Mar kaliya ayaa misana maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaallo kharaari ka dhex qarxeen maleeshiyooyinkii soo kala horjeedey ,meel aan sidaa uga durugsanayn deegaankii hore ay ugu dagaallamayeen iyo weliba dhanka xeebta ee xigta magaalada Badhaadhe,taasina waxay mar labaad soo cusboonaysiisay cabsidii dadka deegaanka oo ay u xaqiijisay inay tani ciyaartii soo dhaaftay oo dagaalkaani uusan ahayn mid inta koox la kala firdhiyo gabley shinbir la ciyaarayo ee uu yahay holloc iyo rasaas joogto ah iyo dhaawac iyo dhimasho maalinba maalinta ka danbaysa soo siyaadaysa,taasoo ay mar qura jeclaysteen in culayskaas laga dul qaado.

 

Iyadoo xaalku isu rogey dagaal joogto ah ,ayaa waxaa mar qura shalay gelinkii hore la maqlay in Gen.Morgan uu imaan doono magaalada Nairobi,iyadoo taasna ay ka horraysey maleeshiyadii Isbahaysiga Dooxada Jubba oo banneeyey goobihii ay difaaca kaga jireen ee ay isku hor fadhiyeen kuwa Gen.Morgan,isla markaana Col.Hiiraale oo tegey habeen hore magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaankaas u sheegay in dagaalkii la soo afjaray ,taasoo ay dadku u qaateen in la jebiyey ciidammadii SPMta oo qodax ku taagnayd shacabka ay halkaas kaga baxday,laakiin dib ayaa waxaa laga ogaadey in ciidammadii Gen.Morgan ay goobohoodii ku sugan yihiin ,iyagoo weliba soo siyaadaya marba marka ka dambaysa,taasi ayaa waxay sababtay inay dadkii su'aal ay jawaab degdeg ah u waayeen inay meeshaas ka dhalato taasoo ahayd SIDEE WAX U JIRAAN,MAXAASE ISBEDELAY?.

 

Iyadoo arrintu halkaas marayso ayaa waxaa misana la maqlay shalay in Gen.Morgan laftiisii uu soo gaarey deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya,oo aan la sii sheegin ,haddaba Gen.Morgan oo saaka soo gaarey magaalada Nairobi ayaa imaatinkiisa Nairobi warar kala gedisani ka soo baxayaan.

 

Gen.Morgan oo wata ciidammo ilaalo ah oo gaarayey ilaa 100 askari oo ku hubaysan gawaarida dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan oo gaaraysey ilaa 10 baabuur ayaa shalay waxa uu ka soo kicitimay aagga hore ee ciidammada SPMta ,deegaanka Joorraha ,waxa uu galabnimadii soo gaarey magaalada Amuume ee xadka Kenya iyo Soomaaliya halkaasoo ay kaga noqdeen ciidammadii soo kexeeyey,iyadoo halkaasna ay ka soo galbiyeen ciidammo ka tirsan dalka Kenya oo wata gawaarida gaashaaman ,dushana ay ka ilaalinayeen dhowr diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikobtarta,waxaana uu xalay soo gaarey magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto.

 

Gen.Morgan ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxa xalay loogu sameeyey casho sharaf guriga guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee ku yaal magaalada Garissa ,iyadoo ay weheliyeen ilaa 11 maleeshiyadiisa waardiyaha khaaska ah iyo xoghaynadiisa isugu jira,waxana halkaas ku qaabilay qaar ka tirsan saraakiisha ciidammada Milleteriga Kenya,iyo xubno ka socdey dawladda Kenya,gobolka waqooyi bari iyo urur goboleedka IGAD,kuwaasoo ay wadagaleen wadahadallo albaabadu u xirnaayeen.

 

Gen.Morgan ayaa maanta gelinkii hore waxaa laga soo duuliyey magaalada Garissa ,isagoo sida loo xaqiijiyey Allpuntland.com uu soo geerey duhurnimadii magaalada Nairobi,waxana warar kala gedisan oo soo baxaya oo la xiriira imaatinka Jananka ay sheegayaan in hawshaan ay ka danbeysey urur Goboleedka IGAD oo cadaadis ku saartay in labada nin ee hoggaamiyayaasha u ah Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa SPMTa (Gen.Morgan iyo Col.Hiiraale) ay degdeg ugu soo laabtaan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida,isla markaana la joojiyo xabadda oo ciidammada labada dhinac ay kala joogaan goobohooda (Kismaayo iyo Buulo Xaaji),cidina aysan weerar qaadin ,taasina ay sababtay in dhammaan labada dhinac u hoggaansamaan baaqaas oo hanjabaadina la socotey,iyadoo Col.Hiiraale uu ciidammadiisii dib ugu raray dhanka Kismaayo ,halka kuwii kalana ay joogaan barahoodii.

 

Gen.Morgan ayaan isagu ka mid ahayn xildhibaanada KMG ah ee dhowaan la dhaariyey ,halka Col.Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame,iyo Seeraar oo ah hoggaamiyeyaasha dooxadda Jubba ah ay ka tirsan yihiin baarlamaanka ,taas ayaa waxay su'aalo badan ka abuurtay waxa Gen.Morgan uu xilligaan oo shirku ku kooban yahay codad ay dhiibayaan xildhibaanada oo qur ahi uu ku soo biiritaankiisa shirku soo kordhinayo marka laga reebo faa'iidada ah dhiigga daadanayey oo joogsan kara mooyee.

 

Dad badan ayaa waxay qabaan inuu jiro heshiis gaar ah oo aan la ogayn oo u dhexeeya urur goboleedka IGAD iyo Gen.Morgan,balse lama yaqaan waxa keenay inuu Gen.Morgan u dhega raariciyo si fudud baaqii urur goboleedka IGAD,iyadoo wararka soo baxayaa ay xaqiijinayaan in Col.Barre Hiiraale uu isaguna soo gaari doono Nairobi ilaa maalinta Axadda ah.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen.Morgan oo soo gaaray Nairobi iyo dhex dhexaadin ay wado IGAD

 

Nairobi :- Waxaa saaka magaalada Nairobi soo gaaray Hogaamiyaha Ururka SPM Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Jubbada Hoose. Jenanka ayaa shalay soo galay dalka Kenya.

 

Gen. Maxamed Siciid Morgan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay makhribadii soo gaaray magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

 

Jenanka ayey magaalada kusoo dhaweeyeen Gudoomiyaha degmada iyo kan Gobalka Waqooyi Bari iyo waxgarad kale isla markaana waxaa si rasmi ah u qaabilay xubno kasocda dowlada kenya oo horey ugu sugnaa magaaladaasi.

 

Jenanka ayaa saaka diyaarad khaas ah kasoo raacay magaalada Gaarisa asagoo kasoo degay Aiporka Wilson ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen guddiga fududeynta shirka dib u heshiisinta Soomaalida oo ayagu si weyn isugu taxalujiyey in uu Jenanku soo galo dalka Kenya.

 

Jenanka ayaa lagu wadaa inuu caawa shir la yeesho xubno sar sare oo ka socda dowlada Kenya, waxaana wararka ay intaa ku darayaan in beri ama Isniinta uu magaalada Nairobi soo gaarayo Col. Bare Hiiraale oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana hogaamiya kooxda ay iska soo horjeedaan Gen.Morgan.

 

Imaanshaha Gen. Morgan ayey si weyn usoo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo ergada ku sugan magaalada Nairobi oo u arka safarka Jenanka mid nabad kusoo dabaali kara deegaanka Jubooyinka oo laga baqayey maalmihii lasoo dhaafay in ay ka dhacaan dagaalo horleh.

 

Jenanka ayaa saaka mar uu la hadlay qaar kamid ah xubnihii SPM ee ku sugnaa magaalada Nairobi u sheegay in uu yimid dalka Kenya si uu wadahalad ulla yeesho xubno kamid ah dowladaha IGAD oo ku marti qaaday Nairobi, Jenanka ayaa ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo waan waan laga dhexwado asaga iyo Col.Bare Hiiraale.

 

Gen. Morgan ayaa ka baxay shirka dib u heshiisiinta Somaaliyeed Bartamihii sanadkan ayadoo uu Jenanka noqday hogaamiyaha kaliya ee ka maqan hada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo haatan ku jira marxalad kama danbeysa ah.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

IGAD Oo Ku Howlan In Hogaamiye Kooxeedyada Jubbooyinka Shirka Lagu...

 

Dawladaha Igad ayaa billaabay waanwaan la doonayo in lagu xalliyo mashaakilka colaadeed ee jubbooyinka iyadoo la doonayo in lagu so celiyo shirkla labada nin ee dabka isugu haysata deegaanno ka tirsan labada Jubba.

 

Laba sarkaal oo ka tirsan maamulka itoobiya ayaa la sheegayaa in ay gaareen magaalada Gariza ee waqooyi bari ee Kenya iyagoo qayb ka ah dadaalka igad ee ku saabsan dhexdhexaadinta labada nin waa Moorgan iyo hiiraalee. Guddi kale oo ka socda Igad ayaa iyana soo gaari doono halkaa si ay hawsha dib ugu soo celinta shirka kuwa ku dagaallamaya Jubbooyinka dardar loo geliyo, xalna loogu helo .

 

Mid ka mid ah shirkada duulimaadka ee gobalkaas ayaa Igad u sheegtay in ay soo qaadayaan janaral Moorgan haddii la damaanad qaado ammaankooda taa oo timid ka dib codsi ay Igad u gudbisay mid ka mid ah sharikada duulimaadka ee gobalka waqooyi bari .

 

Tilaabadaan ayaa ah mid wax ku ool noqon karta haddii ay Igad ku guulaysato inay hakiso colaadda soomaalida macna darrida loogu laynayo iyadoo shirkii soomaalida uu umuuqdo mid wax kasoo baxayaan .

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

You take IGAD seriously

 

You place in their incompetent hands the future of the somali people and you complain.

 

dont you realise that charecters like

morgan and others like him are attractive to IGAD

as long as he can demonstrate his power and Legitamacy. Whats Happening now is the culmination of that attitude by IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Don't they know this man belongs in the Hague, they better keep their promise and arrest him or else...

LOL, we know he wont be the only one going to the Hague I can name a hundred in Mog-Town that would face crimes against humanity charges :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Smith and Otali, worry not boys.

 

I'm sure both of your cousins who you both seem passionate about defending, will be brought to trial smile.gif . Have no fear, Allahs justice is a surety, if not on this earth then inshallah in the akhira.

 

Just make sure that the two of you don't head down that road, action with your current line of thinking will take you there so you better watch it ;) .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Mobb,

 

Not only indha cade, but be it my own brother, father, uncle, husband i will always support the call for justice (of course only if it judged by that which Allah has revealed through his prophet s.c.w). I have faith that if indeed they are innocent they will be found to be just that and if they are guilty they should pay the price.

 

But allow me to ask, why did you feel the need to ask me such a question? Have i in some way made it seem like i support this man (if so, please quote exactly where you read me doing just that) or any other for that matter or dare i say are you just supporting your comrades?

 

No need for such comments brother.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Not only indha cade, but be it my own brother, father, uncle, husband i will always support the call for justice (of course only if it judged by that which Allah has revealed through his prophet s.c.w). I have faith that if indeed they are innocent they will be found to be just that and if they are guilty they should pay the price.

Hear, hear.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this