Sign in to follow this  
Jamster

Qoyska Dhibanaha Xawaaladda Dahabshiil(Dhiigshiil)Ku Xidhatay Burco Oo Qoraal Soosaar

Recommended Posts

Jamster   

Qoyska Dhibanaha Xawaaladda Dahabshiil(Dhiigshiil)Ku Xidhatay Burco Oo Qoraal Soosaaray.

Warkii: May 22, 2005

 

Burco(Radiossc.com):-Ehelada dhibane Ismaaciil Cabdi Jaamac oo muddo 14 bilood ah ku xidhnaa jeelka magaalada Burco una xidhan Xawaalada Dahabshiil ee Uu leeyahay Ninka lagu Naanayso magaca shirka oo ka soo jeeda beesha Habar jeclo ee ***** ayaa waxa ay soo saareen qoraal ay arrinkaasi kaga hadlayaan.

 

 

Nin uu qafaalan Xawaalada Dahabshiil oo ka soo jeeda Gobollada Puntland Gaar ahaan SSC ayaa waxa xabsiga uu dhigay maamulka shirkada dahabshiil 12/3/04 ilaa iyo xilligan aan ku jirnan xidhan.

 

 

 

Dhibanahan ayaa isagu wax danbi ah ka galin shirkada xawaalada ee dahabshiil, hasa yeeshee waxa lagu qafaashay ay tahay nin aad walaalo tihiin ayaa naga dhacay Hanti, mudadii uu xidhnaa ayaa waxa isku day fara badan sameeyey odayaasha iyo waxgaradka maxbuus hasa yeeshee waxa garawshiinyo ah kamay helin maamulka xawaalada Dahabshiil.

 

 

 

Qoyska uu ka soo jeedo Maxbuusan u qafaalan Xawaalada Dhiigshiil ayaa waxa ay sheegayaan in ay arrin lala yaabo tahay in xawaalada manta la odhan karo waxay ugu horaysaa xawaaladaha Soomaaliya ay u galayso dhagarta intaa le’eg , waxa kale oo ay sheegeen qoyska dhibanahu in aanu waxba ka ogayn xidhiidhkii ka dhexeeyey ninka ay danbiga u sheeganayaan iyo shirkada dhibanaha haatan xidhani.

 

 

 

Dhibane Ismaaciil Cabdi Jaamac ayaa isagu ahaa nin reer miyi ah oo ka yimi caruur iyo xaas aad u jilicsan isla markaana waxa uu xabsiga magaalada Burco kala kulmay dhibaato aad u badan oo isir sooc ah taas oo ay kula dhaqmeen askarta xabsigu.

 

 

 

Maxkamadaha Burco oo ninkaas dhibanaha ah todobaadkiiba mar la geeyo ayaan wax natiijo ah ka gaadhin , markastana carqaladeeya iyada oo ay had iyo jeer dhinaca Dahabshiil u xagliya oo ay laaluush ka helaan.

 

 

 

Odayaasha dhibanaha ayaa sheegay in ay dhawr jeer isku dayeen in hab beeleed lagu xaliyo arrintan hasa yeeshee sarkaalka Dahabshiil ee magaalada Burco Maxmed Siciid Ducaale ayaa waxa uu ku jawaabaa “Tuug Lawaayey Walaalkiisaa La xidhaaâ€

 

 

 

Waxa kale oo ay ehelada dhibanahan ka codsanayaan maamulka dahabshiil ee magaalada Burco Gaar ahaan Maxmed Siciid Ducaale in xoriyada Ismaaciil Ccabdi Jaamac sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo isaga oo aan wax danbiya ka galin xawaalada Dahabshiil.

 

 

 

Waax kale oo ay xuseen qoyska dhibanuhu in ay muddo yari ka soo wareegtay markii hay’ada Xuquuqal Insaanka ee Amnesty International ay ka digtay xaalada xaquuqda dadka ee Maamulka Isaaqiya , waxaana jira waxyaalo badan oo aanay ka warhayn Hay’adu , waxaanuna ka codsanaynaa ayey yidhaahdeen qoysku in ay hay’ada Amnesty International ay xaalada dhibane Ismaaciil Cabdi Soo baadho , dhibanahan oo ay soo gaadhay dhibaato aad u badani oo ay ka mid tahay xabsi dheer oo aan wax danbiya ku galabsan, Caafi,maadkiisa oo aanu daryeel u helin , Garsoor cadaalad ah oo aanu helin.

 

 

 

Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this