Sign in to follow this  
OLOL

Puntland troopsEthiopia's offence on Baidoa?

Recommended Posts

OLOL   

War deg deg ah Ciidamo laga leeyahay dowladgoboleedka Puntland oo weerar ku ah magaalada Baydhabo si ay u qabsadaan

Bakool

 

Waxaa war degdeg oo na soo gaaray hadda uu sheegayaa in ciidamo ka socda dowlad goboleedka Puntland oo ku habaysan gawaarida tiknikada oo tiradooda lagu qiyasay labaatan xabo inay ku soo jiheysan yihiin dhanka magaalada Baydhabo si ay u qabsadaan magaaladaas ayna ugu sii diyaariyaan soo guuritaanka DFKM ee Soomaaliya oo lagu wado inay dalka gudihiisa usoo guurto 14ka bishan Juun waxii ka danbeeya.

Warar xog ogaal ayaa sheegayaa in ciidamadaas ay hogaaminayaan rag saraakiil sarsare ka ah ciidamada maamulgoboleedka Puntand oo uu ka mid yahay taliyihii ciidamada daraawiishta Puntland Siciid Dheere. Ciidamadaan ayaa waxa ay soo mareen dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo waliba la sheegayo in ay la socdaan saraakiil Itoobiyaan ah oo ka caawinayana dhinaca Logistikada.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay dagaal ku qaadaan magaalada Baydhabo iyagoo raba inay uga sii gudbaan magaalooyinka kale ee Koonfurta Soomaaliya si ay ugu fududeeyaan ciidamada Itoobiya ee lagu wado inay soo dagaan magaalooyinka Marka iyo Kismaayo si ay halkaas uga samaystaan saldhiyo milateri oo ay ka ilaaliyaan danaha Itoobiya.

 

 

Dhinaca wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in xildhabaan Xaabsade uu difaac adag geliyay ciidamadiisa si ay u sugaan amaanka magaalada ugagana difaacaan cid walba oo ku soo duusha magaalada. Waxa kale oo ay noo xaqiijiyeen madax ka tirsan wasiirada laba gole ee ku sugan Muqdisho inay aad uga xun yihiin in caqli noocaas ah la adeegsado xiligan oo nabadeen iyo dib u heshiisiin laga shaqaynaayo waxayna ka digeen in ay qaadi doonaan wixii cawaaqib xumo oo ka dhasha dagaaladaas kuwa soo abaabulaayo oo weli quud daraynaya in guul lagu gaari karo in la sii daadiyo dhiiga ummadda Soomaaliyed.

Waxa kale oo uu noo sheegay masuul ka tirsan isbahaysiga dooxada Jubba inay lagama maarmaan noqoneyso in dagaalku uu sii balaarto haddiii ay cadaato inay faraha la soo galaan ciidamo aan u dhalan deegaankaas ama kuwa ajnabi ah oo ka yimid dalalka deriska, xaalada soomaaliyana ay aad uga sii dari doonto uuna isku daygaas ceel aan laga soo bixin karin ay ku ridi doonto dadaalada nabada iyo rajada laga qabo in la helo dowlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

 

 

Ciidamada kala duwan ee ku jooga koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dhulka ku aadan magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa waxa la geliyey heegan si ay ugu soo dhaqaajiyaan dhinaca magaalada Baydhabo haddii ay magaalada kusoo dhawaadaan ciidamadaas.

 

 

Haddaba wixii warar ee kusoo kordha ciidamadaas iyo dhaqdhaqaaqooda ku wajahan magaalada Baydhabo gadaal ayaan idiinka soo sheegi doonaa haddii Ilaahay yiraahdo.

 

 

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Muqaabaraad Caalami ah oo sheegay inuu jiro qorshe Somaliya lagu weerarayo 13-ka bishaan.

 

Waagacusub.net Nairobi

 

Muqaabaraad Caalami ah oo caan ka ah Geeska Afrika ayaa markii ugu horeeysay dowladahooda u gudbiyay warbixino cadeeynayo in 13-ka bishaan Ciidamo gaaraya 15 kun oo ka socda dowladda Itoobiya ay weerar ku qaadayaan Somaliya.

 

Muqaabaraadkaan waxay warbixintooda ku sheegeen inuu hoowlgalkaan melleteri dhici doono xilligga Madaxweynayaasha Afrika u fadhiyaan munaasabadda lagu soo xirayo shirkii dib u heshiisiinta Somaliya.

 

Warbixintu waxay sheegeeysaa in duulaanka Ciidamadda Itoobiya ka imaan doono ugu badnaan dhinaca Magaaladda Beledweyne kaas oo loogu tala galay inuu socdaa ugu yaraan 24 saacadood ugu badnaana 48 saacadood.

 

Saraakiisha dhinaca dabagalka Aduunka waxay sheegayaan in Ciidamadaas 4 kun oo ka mid ah ay yahiin Somali.

 

Sirdoonka mid ka mid ah dowladaha aduunka ugu waaweyn ayaa sheegay inay khadka Isgaarsiinta ka heleen duulaankaas qorsheeysan.

 

Diblomaasiyiin shisheeye ah ayaa iyagana sheegay in Xisbigga Ra’isulwasaaraha Itoobiya looga cod badiyay doorashadii sidaas darteedna ay u weerarayaan Somaliya maadama dastuurka dalka Itoobiya uu dhigayo in hadii Dalka ku jiraa dagaalo dal deris ah talada laga qaadi Karin Madaxda sare ee madaxtooyadda dalka .

 

Midka mid ah la taliyaasha sare ee Madaxweyne Cabdilahi yusuf kana mid ah sirdoonka dowlad caan ah ayaa warbixintiisaa ku sheegay inuusan Cabdilahi Yusuf tilaabadaas ogeysiinin raga ay isku siyaasada yahiin ,wuxuuna Madaxweyne Yusuf codsaday in tilaabadaas laga qariyo Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Cali Maxamed Geedi oo uu sheegay inay fashilinayaan hadii ay ogaadaan.

 

Warbixintaan waa mid xaqiiqo hasse ahaatee lama ogga waxa iska bedeli doono.

 

Waagacusub News

 

asoj@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I must say Juma oops Olol, that is some news, Puntland attacking Baidoa with Colonell Sacid Dheere at the helm. Must be me or is this the 7th time this news has been recycled. Lets see the roadblock issue must be getting hard so what do we do, we blame Ethiopia and Bossaso and Sacid Dhere :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb shaqa la'aan baad tihiin oroodo shaqa yeelo. Dayniile.com has been off ever since some days nice to see them back as usual full of lies, propoganda and kicsin.

 

Dadka bay rabaan in ay isku diran and whoever posts such rubbish in sol will be doing so in his own responsibility. It is Haram in lala wareego dadka walaalaha wax isku diri karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this