Sign in to follow this  
Saalax

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kacay

Recommended Posts

Saalax   

ax2mfc9nkw5beidh07uv.jpg

 

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Xoolaha ee Sayladda Burco oo Kor u Kacay iyo Ganacsade Aadan Bardho oo ka war

Written by Qarannews

Jan 07, 2010 at 11:48 AM

Burco (Qarannews)- Dhaqdhaqaaqa saylada xoolaha ee magaalada Burco, ayaa dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey si weyn kor ugu kacay, waxana suuqa isku cidhiidhyaya shirkado kala duwan oo ah kuwa xoolaha nool u ka dhoofiya dekedda magaalada Berbera.

 

Haddaba ganacsade Haaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ka mid ah ganacsatada shirkadda xoolaha ee Al-Jaabari oo xoolo tiro badan ka iibsata sayladda Burco, ayaa weriyaha Jamhuuriya ee gobollada bari Mr. Keyse Axmed Digaale ka warraystay xaaladda dhoofka xoolaha nool ee Somaliland .

 

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

 

Su’aal: Adaan muddadii xooluhu socdeen intee xoolo dhoofiseen, xageese ka yimaaddaan xoolaha aad iibsataan?

 

Jawaab: Waxaannu dhoofinay laba moosin; moosin waa moosinkii xajka oo muddo gaaban ayuu ahaa oo 20 casho ah, haseyeeshe waxaannu dhoofinay 440 kun oo neef shirkad ahaan. Xooluhu waxay ka yimaaddaan jiho kasta oo sideedaba xooluhu xuduud malaha, xukunkooduna wuxuu ku xidhan yahay kolba halkii roob ka da’o ee naq leh oo lama kala garan karo ayaan odhan karaa.

 

 

S: Qiimaha aad xoolaha ku iibsataan neefkii waa immisa?

 

J: Qiimaha aanu ku iibsanaana waa neef iyo dhinicii sida cadaada ahaan jirtay, balse sicirkayagu waxa u u dhexeeya $47 ila $52 doollar.

 

 

S: Xoolaha ma naqad baad ku iibsataan oo ku bixisaan lacagtooda, mise waad ammaahataan?

 

J: Waxaynu helnay nimco aynaan waligeen helin; waana wax Ilaahy loogu mahadnaqo, mana ammaahano xoolaha ee waxaanu ku bixina naqad, waana markii ugu horreysay ee la arko xoolo inta gealinka hore la iibsado galinka dambe lacagta la bixinayo.

 

 

S. Ganacsatada inta badan buuq iyo hadal baa ka taagan baryahan dambe, waxana laga cabanayaa maxjarka xoolaha oo la leeyahay wuxuu u xidhan yahay shirkaddiina, taas maxaa ka jira?

 

J: Waxba kama jiraan maxjarka waa loo siman yahay oo ummadda waa uu ka dhexeeya meel cid gaarana yeelan karto ma ahaa.

 

 

S: Ganacsatada inta badan muran baa ka taagna khilaaf baa ka taagna iyadoon waliba la furin xoolaha, haddii Ilaahay inoo nicmeeyey oo xoolihii Sucuudiga la furay, ganacsatadiini ma isku tagteen oo khilaafkiini ma dhammaysateen oo ma isi saamaxdeen?

 

J: Marka hore waxaannu isku hayney may jirin xooluhu way innaga xidhnaayeen oo waxaannu wadnay annaga iyo ninka Carabka ahaa in aanu abaabka garacno oo la innaga furo ayaannu wadnay. Dad nala garan la’aa oo naga daba qaylinayayna way jireen, waana dhaqan aynu iska leenahay oo wax kastoo cusub-ba waynu ka hornimaadnaa; waa caado aynu iska leenahay.

 

Kontaneeyadii markii Suufi Xasan ka soo wareejiyay Cadan xoolaheena ee uu toos ugu xidhay Jiddeh, iyadoo loo yaqaan in Cadani leedahay xoolaheena, hargaeena, xabagteena iyo subageenaba ayuu ka dhigay Berberaawi oo laga dhoofayay.

 

Xilligaa adhiilayaashii jiray oo dhan way ku kaceen oo ka horyimaaddeen. Annaga berigii dhaweyd qaarbaaba nala socday, waxa taas kelliftay in badhasaabkii Ingiriiska ee wakhtigaasi Hargeysa joogay Berbera yimaad oo fadhiisto si arrintan loo dhammeeyo, waayo dawlad bay ahayd garanaysa faa’iidada ugu jirta. Waxaas oo dhami waxay ka dhacayeen xoolihii Berbera lahayd ee Cadan laga soo wareejiyay, laakiin waxa loo soo noqday Suufi Xasan markii uu faa’iidadii la arkay ee xoolihii cadmaawiga ahaa Berberaawiga noqdeen, angina sidaas oo kale ayaan rajaynayaa in marka faa’iidada iyo waxtarka la arko ee xoolihii laynaloo furay ee shahaadadii maxjarkeena la aqbalay in naloo soo noqdo waannu rajaynayana, laakiin sidii berigii hore noqon maysoo. Barigaa xaasidka lama aqoon, haddese xaasidka innagu badan.

 

 

S: Maxaa mushkilado iyo caqabado kala kulnateen intii aad xoolaha dhoofinayseen?

 

J: Marka hore wiixi cusubiba waxay iska leeyihin qarba qarbo iminka wax caraaqalado oo aan tilmaai karaa ma jiro.

 

 

S. Maxaad dadwaynaha reer Somaliland ee xoolaha loo furay ee reer-guurga iyo ganacsatada ugu baaqi lahayd?

 

J: Somaliland waxaan ugu baaqi lahaa xoolaha loo furay waa nimco maadama neefkeeni xoolaha ahaa aynu iibka u la’ayn iib aynu u helnay oo laynaka iibsaday oo waliba lacagtii aynu xoolaha ku iibinay iyadoo naqad ah la inoo dhiibayo, markaa waxaan leeyahay aynu ilaanshano oo sida Ilaahey inoo garan siyey nabadda ee aynu u ilaashano ayaan odhan laha.

 

 

TogdheerNews..Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa arrin aad u wanaagsan oo horumar horseedi karta. Anigu intaan ka warqabo xoolaha Burco la iskugu keeno waxay ka imaan jireen gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah xilligii dowladdii kacaanka. Weli ma sidiibaa? Mise hadda lama dhihi karo oo waa in S-Land shaabad ah keliya lagu dhejiyaa oo lama rabo in la qiro in xoolaha nuskood amaba badankood ay goobo kale ka yimaadan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

That sounds good Jb. Atleast middaan lama siyaasadayn.

 

JB waa su'aale ariga waxaan arki jirey baabuur la yiraa laba raar iyadoo lagu qaado, hadda adduunkii waa horumaray oo Coaster (buses) leh daah/tinted windows and AC miyaa lagu qaadaa

? Tolow markabkana ma

swimming pool baa ugu dhexyaal? You know sida ay iduhu u jecel yihiin inay dabaashaan! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Abwaan:

Waa arrin aad u wanaagsan oo horumar horseedi karta. Anigu intaan ka warqabo xoolaha Burco la iskugu keeno waxay ka imaan jireen gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah xilligii dowladdii kacaanka. Weli ma sidiibaa? Mise hadda lama dhihi karo oo waa in S-Land shaabad ah keliya lagu dhejiyaa oo lama rabo in la qiro in xoolaha nuskood amaba badankood ay goobo kale ka yimaadan?

Indeed wa ariin aad uu wanaagsan praise to Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

That sounds good Jb. Atleast middaan lama siyaasadayn.

 

JB waa su'aale ariga waxaan arki jirey baabuur la yiraa laba raar iyadoo lagu qaado, hadda adduunkii waa horumaray oo Coaster (buses) leh daah/tinted windows and AC miyaa lagu qaadaa

? Tolow markabkana ma

swimming pool baa ugu dhexyaal? You know sida ay iduhu u jecel yihiin inay dabaashaan!
:D

Mayee adhigii baa ashtakooday oo yidhi waxani waa nagu dhib ,, markaa laba raarkii uun baa lagu qaadaa oo lagu noqday. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this