Sign in to follow this  
Juje

Maxaa Ka Taqaan Qaab Dhismeedka Ururka Muhaajiriinta

Recommended Posts

Juje   

thumbnail.php?file=alshabab__2__52356557

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga ilo muhiim ah oo ku dhow Horjoogayaasha Shababka & kuwa Raskambooni ee shalay ku dagaalamay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dagaalkii ay hogaaminaayeen qeybta Muhaajiriinta ee ajaaniibta ka barbar dagaalanta Maleeshiyaadka Shababka, waxaana la sheegay in tiro ka mid ah ay uga dhinteen dagaalkaasi iyadoo dhaawacyo badan uu soo gaaray.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in xubnaha Hogaanka Kooxaha Ajaaniibta ah oo sida la sheegay farsiin u ah degmada Jamaame ay ka dambeeyeen dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxeyna ku wargeliyeen Horjoogayaasha Shababka iney talaabo deg deg ah ka qaadaan Axmed Madoobe & Maleeshiyaadka inta aanu qabsan magaalada si uu ugu gorgortamo magaalda Kismayo xagga Dowlada & caalamkaba, waxeyna wel wel ka qabeen in Axmed Madoobe uu xiriiro qarsoon la leeyahay Mareykanka & Ethiopia, uuna ka balan qaaday inuu Gobolka Jubada Hoose ku soo celin doono maamulka Dowlada KMG ah.

Wararka ayaa shegeaya in qaab dhismeedka Ururka Muhaajiriinta uu u dhisan yahay sidaan.

1- Fazul Maxamed Abadallah Amiirka Guud ee Muhaajiriinta ahan madaxa qaraxyada, wuxuuna laga soo bilaabo horaantii 2000 soo gaaray dalka Soomaaliya isagoo ka yimid dalka Kenya, wuxuuna degenaa magaalooyinka Lamu & Mombasa, waxaana lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii dhismayaasha Safaaradaha Mareykanka ee Neyroobi & Darasalam.

2-Madaxa qeybta tababarka maleeshiyaadka Muhaajiriinta & Shababka oo magaciisa lagu sheegay Gen, Dalad Khan kaasoo ka soo jeeda gobolada kulaala xuduuda Afganistan & Pakistan, wuxuuna ka tirsanaa qeybta Alqaa'ida ee Pakistan isagoo ka soo qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaya sanooyinkii ugu dambeeyay dalalkaasi, wuxuuna ku muteystay in la dalacsiiyo oo loo magacaabo inuu madax ka noqdo qeybta tababrka Ururka Cusub ee Mujaadintiina Muhaajiriinta ee Soomaaliya.

3- Madaxa Sidoonka & xog uruurinta Mujaahidiinta Muhaajiriinta & kuwa Shababka waa Feysal Al-Fadli wuxuuna ka soo jeeda dalka Comoros, wuxuuna muddo ku sugan yahay magaalada Kismaayo isagoo u kala goosha Gobolada ay maamulaan Shababka, warar ayaa sheegaya in Ninkaan uu si gaar u soo xushay Fzaul Max'ed Abdallah.

4-Axmed Bin Hagi (Abuu xafsa) wuxu u dhashay dalka Aljeeriya, wuxuu u xil saaran yahay xagga maaliyada (Dhaqaalaha) & saadka ee labada urur Muhaajiriinta & Shababka, isaga ayaa la sheegay inuu madax ka yahay kooxa gacanta ku heysa baarista & xagga xiriirka Col.Faransiiska ee laga afduubtay Hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho, wuxuuna la tagaa marba degmo, waxaana loogu xushay heynta la-heysataha isagoo ku hadla afka Faransiiska aad ugu xeel dheer arimaha dalka Faransiiska.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this