Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Ucid party chairman meets with European mps

Recommended Posts

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo lakulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Europe gaar ahaan ku taageera qadiyada Somaliland

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland(Sawiro)

 

(GNS)Brussels:- Gudoomiyahah xisbiga mucaaridka ahee UCId Injineer Faysal Cali Waraabe oo ku guda jira booqashadii uu ku joogay caasimada Europta ee Brussels ayaa Shalay la kulmay xubno muhiim ah oo ka tirsan Baarlamaanka Europe oo iyagu taageera qadiyada Somaliland, isagoo halkaas kusiiyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee Somaliland haday noqon lahayd mid siyaasadeed iyo haday noqon lahayd mid dhaqaaleba.

 

4275547853_1747cdc18c.jpg

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo waliba sida wadanka Somaliland ugu soo dabaaleen dimuqraadiyada xisbiyada badan ee sida wayn uga hana qaaday Jamhuuriyada Somaliand .

 

 

4275547771_8d222b7690.jpg

 

 

Injineer Faysal Cali Waraabe wuxuu ka codsaday xildhibaanada inay taageera buuxda la garab istaagaan gooni isutaagga Somaliland oo ah buu yiri mid ay gar u leeyihiin,maadaama ay ahaayeen lixdankii Dawlad ka madax banaan koonfurta Soomaaliya.

 

 

4276293448_6b665e6aa6.jpg

 

Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Europe ee uu la kulmay Injineer FaysalCali Waraabe ayaa iyaguna dhinacooda balanqaaday inay taageerayaan qadiyada Somaliland, meelkasta iyo goorwalba.Waxaanay soo jeediyeeen in lamideeyo xildhibaanada kala duwan ee dawladaha kala duwan matalaya ee taageersan qadiyada Somalialand si bay yiraahdeen codkoodu intan uga waynaado ,Sida xildhibaanda laga soo dorto dalka Uk oo qaar kamid ah ay taageersan yiihiin qadiyada Somaliland.

 

 

4276293476_55b212e36d.jpg

 

 

Ugu danabayn gudoomiyuhu wuxuu aad ugu mahadnaqay soo dhawaynta xildhibaanada ay ku soodhaweeyeen xarunta Baarlamaanka iyo wajiga diiran ee ay ku qaabileen ,isagoo sheegay in fariinta ay soo gaadhsiyeena uu gadhsiindoono cidkasta oo taageerta qaddiyada Somaliland .

Gudoomiyaha oo ay baaqashadiisa uu ku yimid xarunta baarlamaanka Europe uu la socday Safiirka Guud ee Somaliland u fadhiya xarunta EECda ee Brussels Mr Maxamuud Dacar .

 

 

Saciid Cali Dahir (Sacadguray)

 

Gabileynews desk

Brussels

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye

 

CabdiraxmaanCabdiqaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyay laguna wareejiyay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Xarunta Senadka iyo Baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium (Sawiro)

 

 

(GNS)Brussels:-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalkan Belgium

 

 

4277980133_b08f890485.jpg

 

 

Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye waxa lagu soo wareejiyay dhamaan goobaha kala duwan ee taariikhiga ee ku yaala xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium.

 

4278726564_9067972d4a_o.jpg

 

 

Waxa isla goob kasta oo ay tagaan warbixino kala duwan ka dhagaysanayeen agaasimaha guud ee Baratakoolka xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka, isagoo goobkasta uu ka bixinayay macluumaad ku saabsan sida goobtaasi u shaqayso iyo hawlaha lagu qabto ,iyo waliba taariikhdii goobtaasi la sameeyay

 

4277979691_1747f6cba4.jpg

 

4278726198_91318d2a08_o.jpg

 

Madaxdan sare ee ka socday xisbiyada mucaaridka ah waxay aad ugu qushuuceen dhamaan xogtii baladhnayd ee ay ka heleen goobihi kala duwanaa ee ay ku soo wareegeen, iyo waliba labada goobood ee ay fadhiistaan Senadka iyo Baarlamaanka federaalka oo ah goob muhiim ah oo taariikh leh,halkaas oo ay si joogto ah u fadhistaan xildhibaanada la soo doortay.

 

 

4278726008_55e9e6fe0f_o.jpg

 

4278725818_b741d48e5a_o.jpg

 

Intii lagu guda jiray booqashadan xiisa lahayd waxa madaxda sharafta leh ee ka socday labada xisbi mucaarid ay daawadeen Film ka sheekaynaya taariikhdii dalkan Belgium, iyo qaabka siyaasadeed ee dalkan u dhisan yahay.

 

Gudoomiyaha xisbiga UCId Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisb iga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxay aad ugu mahadnaqeen qaabilaada wacan ee lagu soo dhaweeyay ,iyo sida fiican eel oo ka latusay qaabka uu u shaqeeyo senadka iyo baarlamaanka Belgium .

 

 

Ugu danabyn waxa waftiga sharafta leh la gudoonsiiyay hadiyad ka socota baarlamaanka federaalka iyo senadka oo ay ugu talo galeen inay kula noqdaan wadankoodii .

 

 

Saciid Cali Dahir (Sacadguray)

Gabileynews

Brussels

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this