Sign in to follow this  
RedSea

Sh.Shariif Ahmed(Xafidahullah) is free and still doing his duty.

Recommended Posts

RedSea   

Gabay Duco ah oo kusocota Golaha Maxaakimta.

 

Gabay Duco ah oo kusocota Golaha Maxaakimta.

 

18-01-2007

 

 

 

1.Ma Gumoowday soomalidii geeska berri tiilay

 

2.Geesigii ka soo baxay miyey garabka naafaysay

 

3.Ma god bay ku tuureen kuwii nabadda gaadhsiiyey

 

4.Gaalkii dilaayana miyaa gogosha loo daadshay

 

5.Godobtooda kii qabay miyey moodey gacalkeeda

 

6.Miyey Daba Gucleeyeen kuwii gubayey ruuxooda

 

7.Gob haddaad tihiin xabashigaa uma gargaarteene

 

8.Nin gumaysi diray iyo basaas garab ma siiseene

 

9.Geesigii shariifkuna cilada kuma go`doomeen

 

10.Sheekh garasha dheer buu ahaa oo guddoon wacane

 

11.Nimankii geyiga iibsadee gabanadii laayey

 

12.Dugaagii ku gaasiray markuu galab ku waydaarshay

 

13.Guryasamo markuu kugu furaad dib uga guurteen

 

14.Inaad godob la`aan seexadeen waad ka gubateen

 

15.Gumaadkaaga kii geestay baad soo galbinaysaaye

 

16.Garaad laawe bahalaad rabtaa inaad gargaartaaye

 

17.Hororkaa gariiraaya baad gacanta haysaaye

 

18.Ma gaydaan wanaagee tigree haydin kala gaabshoo

 

19. gurigiina waa kaa yimee guro abaalkiisa

 

20 Gungumaha adaa doonayee guro abaalkiisa

 

22. Adaa Goodka soo seexiyee guro abaalkiisa

 

23. afartaa intaan ga`da ka dayey gogoldhig ma u yeelay

 

24. Gamuunkiisa meesha la rabay gaw ma kaga siiyey

 

25. Gobo` kale waa eray yaraan Guulle kaga tuugay

 

26. Allahayow raggay gabawareen waa dar kuu goàye

 

27. Diintaada gayshkii u kacay waa la gaasiraye

 

28. Kitaabkoo garsoor laga dhigtaa lagu galaayaaye

 

29. Gadhka iyo sunnada muuqataa lagu galaayaaye

 

30 . gabadhahay xijaabeen ayaa lagu galaayaaye

 

31. Galaaday naceen iyo dulmaa lagu galaayaaye

 

32. Gabanaday barbaarsheen ayaa lagu galayaaye

 

33. Ummadday gargaareen ayaa lagu gelayaaye

 

34. Allahayaw guhaadday qabaan guulo u doori

 

35. Allahayow nasrigii gaaxsanaa noogu godol maanta

 

36. Allaw gacanta kuu hoorsanee Geesiyada caymi

 

 

 

 

 

W/t : - Mohamud Hassan Abdi ( Timajilc)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Aamin.Allah is testing the faith of the believers.This should have been a down time morally for the Mujaahideen,but because of their faith and their iron determination,they shall overcome these obsticles and retake control of our lost nation.

 

Insha Allah tacalaa,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this