Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somali PM en route to Saudi Arabia

Recommended Posts

Muqdisho: Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ku sii jeeda Sucuudi Careebiya.

14. december 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo ay la socdaan qaar kamid ah Xubnaha golaha Wasiirada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeda dalka Boqortooyada Sucuudi Careebiya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya dalkaasi wada xaajoodyo ku aadan xaalada dalka murugsan ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah loo soo qaadayaa dadaalada dibu heshiisiineed iyo geedi socodka nabadgalyada oo lasoo celiyo.

 

Ilo ku dhow dhow Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaruhu halkaasi ka jeedin doono khudbad ku aadan xaaladaha dalka, isla markaasna uu ka codsan doono dalalka kujira Kooxda Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya in ay wax badan ka qabtaan Soomaaliya.

 

Mr, Sharmaake wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Madax kala duwan oo uu kala hadlayo arrimaha murugsan ee Soomaaliya, ee ay xukuumadiisu waxba ka qaban weyday, isagoo dalban doono taageero badan oo ku aadan xaaladaha dalka Soomaaliy, inkastoo aan la garan Karin waxa uga soo bixi kara dawladda KMG ah shirka kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya.

 

Raysalwasaare Sharmaake wuxuu ka mid yahay Madaxda dawladda KMG ah ee inta badan taga shirarka looga hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya,iyadoo ayba yar tahay waxyaabaha ka soo baxa shirarkaasi, hadana maalmihii ugu dambeeyey dawladda KMG ayaa umuuqatay mid dhex-dabalanaysay falal amaan daro iyo dagaalo ay kala kulmaysay mucaaradyada ka soo horjeeda.

 

Sida uu yahay jadwalku maalinta khamiista ah ayaa lafilayaa in ay furmaan shirkan, waxaana hadalada ugu horeeya jeedin doona Xoghayaha guud ee dalalka Islaamka, oo halkaas ka jeedin doona balan qaadkoodii ku aadanaa Soomaaliya sannadka 2010-ka, waxaana kale oo isla maalintaasi hadli doona Madax kale oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Norwayd, isagoo ka hadlaya xaaladaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Also in the news

 

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo loo qaaday dalka Sacuudiga

 

Isniin, December 14, 2009(HOL): Waxaa saaka laga duuliyay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi 19 ruux oo Soomaali ah oo dhaawacyo culus qaba, kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxii 3-dii December ee aanu ka soo gudubnay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Dadkani dhaawacyada qabay oo dhowr maalmood lagu daweynayay Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi ayaa waxay isugu jireen Dhaqaatiir, Arday iyo Wariyayayaal dhaawacyo culus qaba, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad wax looga qaban waayay gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba dalka Kenya intaba.

 

Dowladda Sacuudiga oo ballanqaaday in dadkani dhaawacyada culus qaba dalkeeda lagu soo daweeyo ayaa waxaay diyaarad khaas ah iyo dhaqaatiir u soo dirtay Magaalada Nairobi, si dhaawacyadaas loogu duuliyo dalka Sacuudiga.

 

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika iyo Qunsul Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cusmaan Edson ayaa garoonka Jomo Kenyatta ka sagootiyay dadkaas dhaawacyada qaba, waxayna labaduba u mahadceliyeen Dowladda Sacuudiga gacanta walaaltinimo ee ay u fidisay dadka Soomaaliyeed.

 

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cusmaan Edson oo aan kula kulannay Hotelka Grand Regency ee Magaalada Nairobi ayaa sheegay in diyaaradda ay Dowaldda Sacuudiga u soo dirtay dadka dhaawacyada qaba ay tahay mid casri ah oo sida Isbitaal oo kale u sameysan, wuxuuna caddeeyay in markii dhaawacyada ay gaaraan Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga loo qeybin doono dhowr Isbitaal oo kala duwan, maadaama ayuu yiri ay dadka meelo kala duwan ka dhaawacan yihiin.

 

"Diyaaraddan oo dhaawacyada ula mid noqneysa sida iyagoo qolalkooda jiifa oo kale waxaa soo dirtay Dowladda Sacuudiga oo aan si weyn ugu mahacelineyno, waxaana la saari doonaa dhamaan 19-ka ruux ee dhaawacyada qaba ee laga keenay Soomaaliya"ayuu yiri Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cusmaan Edson.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this