Sign in to follow this  
Che -Guevara

What should be the role of women in Somali conflicts?

Recommended Posts

Haween weynaha Gobolka Nugaal ayaa Deeq Gaarsiiyey Ciidamada ku sugan Tukar

 

Haween weynaha Gobolka Nugaal oo ay horkacayso Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaaa waxa ay Deeq isugu jirta dhar,Gogol,Biyo, sharaab,Timir,Kalluun iyo weliba jirikaamo Caano ah ayaa waxa ay gaarsiiyeen Ciidanka Jiidda Hore,waxaana Deeqdaasi Guddoomay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo xiligaasi ku sugnaa Tuulada Tuka-raq.

caasho.jpg

Haweenka Gobolka Nugaal iyo wasaaradda Haweenka Puntland ayaa waxa ay hadh iyo habeen u adeegaan bulshadooda ay soo gaarto dhibaatadu.

nugaal.jpg

Haweenka Gobolka Nugaal iyo wasiirka Horumarinta iyo howlwadeenada wasaaraddu waxa ay wacyi gelin u soo tebiyaa bulshada ku dhaqan Puntland,sidii laysaga difaaci lahaa Cadowga qabsaday qaar ka mid degaamada Puntland.

nugal3.jpg

Ka dib markii la gudoonsiiyey Deeqdaasi Garaadka ayaa waxa halkaasi hadal kooban ka soo jeedisay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye,waxayna sheegtay in ay deeqdab ay keeneen Gabadhaha Gobolka Nugaal,iyagoo runtii aad uga xun dhibaatada dhacday iyo Cadowga qabsaday dhulkeenna,mana ah bay tiri deeqdii ugu horraysay ay ay keenaan gabdhaha Puntland,waayo waxaa jirtay in aanu halkan nimid dhowr jeer ooh ore,hadana kama daalayaan Gabdhuhu waxqabadkooda iyo waxtarkoodaba wax kastana waxa ay u hurayaan

Ciidooda Hooyo.

 

Ma ahan markii ugu horraysay ee gabadhaha Gobolka Nugaal ay deeq u fidiyaan Ciidamada Jiidda Hore eek u jira Difaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.org) – Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ayaa maanta ku wareejiyey Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka 100 Teneg oo Timir ah oo ay ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee ku sugan jiidda dagaalka ee Bariga magaalada

Laascaanood.Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE, Marwo Layla Cismaan oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye iyo xubno door ah oo ka tirsan haweenka xisbiga KULMIYE ayaa deeqdaas ku guddoonsiisey Wasiirka Difaaca Somaliland, mudane Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, halkaas oo ay ilaa shalay ku qulqulayeen kaalmo cunto iyo hu’ isugu jirta oo qaybo kala duwan oo bulshada ahi ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee jiidda gobolka Sool kaga jira dagaalka.

 

Haweenka Xisbiga KULMIYE“Marka hore, anigoo ku hadlaya magaca haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu hambalyaynaynaa ciidanka Qaranka Somaliland, saraakiishooda iyo saraakiil-xigeenadooda iyo dhammaantood oo ku guuleystey dagaalkii ay kala hortageen cadowga, ” sidaa waxa tidhi Marwo Layla oo ka hadlaysey xafladdii ay ku guddoonsiisey deeqdaas Wasiirka Difaaca.”Haddii aanu nahay haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu mar walba hiil iyo hooba la barbar taaganahay ciidankaa Qaranka ee Jiidda dagaalka ku jira ee difaacaya dalka oo aanu marwalba hambalyo iyo taageero la barbar taagan nahay, ” ayay raacisay.Waxayna sheegtay in Deeqdan Timirta ahi ay hordhac u tahay deeqo kale oo isugu jira dhar iyo daawooyin oo ay u soo wadaan ciidanka Qaranka.Marwo Canab Cumar Ileeye, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE oo iyana halkaa ka hadashay ayaa ku guubaabisey dowladda Somaliland inay iska daayaan hamrashada, isla markaana ay sugaan xuduudaha Somaliland oo ay sheegtay inay tahay mid dal waliba xaq u leeyahay.

 

Xarunata Taliska Guud ee Ciidanka QarankaWasiirka Gaashaandhigga, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa uga mahadnaqay haweenka KULMIYE kaalmadaas ay soo gaadhsiiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka ku jira. Waxana uu sheegay in deeqdani ay tahay tii saddexaad ee ilaa saaka uu guddoomo, isaga oo sheegay in ururro samafal waddani ahi ay deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyeen ciidanka, taas oo muujinaysa ayuu yidhi sida dadweynuhu u barbar taagan yahay ciidanka.Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay haweenka xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in tallaabadoodu ay tahay mid ku dayasho mudan, taas oo uu sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo oo markasta oo dalka xaaladdi soo wajahdo meel laga soo wadajeesto.Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.E-mail: dubad@Somaliland.com

haween.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Originally posted by -:

Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye,waxayna sheegtay in ay deeqdab ay keeneen Gabadhaha Gobolka Nugaal,iyagoo runtii aad uga xun
dhibaatada dhacday iyo Cadowga qabsaday
dhulkeenna,mana ah bay tiri deeqdii ugu horraysay ay ay keenaan gabdhaha

Cadowga ay sheegaysaa ma xabashidaa? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this