Sign in to follow this  
General Duke

The Embassy of Republic of Somalia to India re-opens : meet your Ambassaddor: PICS

Recommended Posts

ambasabyan.jpg

Ambassador Ebyan Ladane oo waraaqihii aqoonsiga u gudbisey Madaxweynaha Dalka India H.E. Smt Pratibha Devsingh Patil. {Daawo Sawirada.}

 

H.E. Ms Ebyan Ladane Salah Deer, oo ah Safiiradda Soomaaliyeed ee Dawladda Federalka Ku meel gaarka ah ay u magacowdey Wadanka India ayaa taariikhdu markey ahayd December 18, 2007 u gudbisey waraaqaheedii aqoonsiga Madaxweynaha Dalka India H.E. Smt Pratibha Devsingh Patil.

 

Waxaa kaloo iyana ku weheliyey munaasabadaas oo laga aqbalay waraaqahooda aqoonsiga dawladdaha kala ah Kenya, China, Austria, iyo Turkmenistan.

 

Fadhi khaas ah oo ay safiiraddu H.E. Ms Ebyan Ladane la yeelatey Madaxweynaha India, ayey ugu gudbisay fariin ay uga sidey Madaxweynaha Dawladda Federalka Ku Meel Gaarka ah Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed, isagoo u soo hambalyeeyey Madaxweynaha India iyo Ummadda Hindida ah dhammaantood, kuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee uu waddankoodu gaarey.

Safiiraddu waxay dulmar ku sameysay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyey Somalia iyo India iyo heerarka uu soo marey ganacsiga ka dhaxeeya laba dal, taasoo u baahan in la sii xoojiyo. Sidoo kale waxay safiiraddu ka warbixisay xogta runta ah ee Somalia, iyo sidey Somalia u tahay waddan qani ku ah dhinaca xoolaha nool (livestock), beeraha

(Agriculture), badda (logest costline in Africa)khayraadka dhulka ku jira (Untapped Natural Resources)iyo hawada. Kuwaas oo u baahan in si cilmiyeysan looga shaqeeyo, iyadoo la adeegsanayo xirfado kala duwan oo munaasab ku ah baahideena, si waddankeenu horumar la taaban karo u gaaro.

Waxayna ka codsatey madaxweynaha India in ay gacan ka gaystaan nabadda iyo horumarka Somalia.

 

H. E. Ms. Ebyan Ladane waxay ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka India ku dhaqan u soo direysaa hambalyo Ciidda Barakeysan, inay ku ciiddan farxad iyo rayn rayn, waddankeenana nabad, deganaansho, xasilooni iyo horumar deg deg uu Eebbe ku maneysto. Aamiin.

 

 

H.E. Ms. Ebyan Ladane

Ambassador Extraordinary and Plenipoteniary

Embassy of Republic of Somalia

D-47, Anand Niketan, New Delhi 110021

Tel: 24115672, Fax: 91-11-24115582

Mobile: 9999-89-5349

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya, Ethiopia, Uganda, South Africa, Yemen, The UAE, Saudi Arabia not to mention.

 

China, India, Malaysia, Indonesia. Have all restored diplomatic relations with Somalia.

 

TFG is making progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Shame they cant make any progress where it matters at home, where they continue to arrest, kill, pillage and destroy the innocent people of somalia. Shame on you for constantly advocating for the most dispicable of regimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer the TFG has crushed the most powerful militias in Somalia, controls the capital and has made diplomatic progress. Rome was not built in a day. Somalia will not come back in a year, maybe in two years.. Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Single mothers and former cab drivers from Toronto iyo Washington DC appointed to diplomatic positions around the world....Is that what you call progress?

 

Somali walee ma xishooto.

 

PS:I wouldnt be surprised if tommorrow the SOL comedian gets a diplomatic appointment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Single mothers and cab drivers have nothing to be a shamed about. Its ammusing and I dont see how someone who's leader [Riyaale's] only notable qualification was a renowned Qad merchant who once was a spy has the right to insult anyone.

 

Anyhow things are progressing, for Somalia and the secessionists are still daydreaming, any progress?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

The seccionists are celebrating as always,their only serious competion is being filled with cab drivers and single mothers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Our "cab drivers & single mothers" have achieved much more than your "noble winners & PHD holders", hence we can not be compared, while you day dream in the local Merfish chewing Qad, we meet national leaders and dine with Kings. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

U mean beg kings.....Taas chewing at the local merfish being entertained to the latest niiko moves LIVE ayaa ka fiicaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Adeer can you even meet a King? No since local governors like Riyaale are not heads of state.

 

Keep crying old Gediid, even in your family Buuba of the TFG is far more educated than Warrabe.

 

Funny huh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Warabbena waan ku soo diri karaa if you interested.Do you think even for a moment in aad yara xishootid.I mean come on cidii waxaan eey wado macquul mahaa.I have heard of nepotism but to this scale, never.Even tii Siad Barre ee from Baadiye to Captain or from Baadiye to maareeye tan baa ka khatar san.Imagine standing in the court of the president of the largest democracy in the world and when asked what other countries have you been a diplomat and the poor lady answers Dixon......Ala naxdin weeynaa.

Maalin kale an old cab driver from Boston sawirkiisa ayaad meesha soo galisey.I blv he too had a fancy post in the Foreign ministry.Maalin kalena an old soccer buddy who carried his soccer kit in the trunk of his cab ayaad ku soo tuurtey SOL....

Waxaan ka baqanayaa maalin dhow sidaad ku socotid tii yareed ee local marfishka late night entertainment suubin jirtey in aad tidhaa qunsul baa looga dhigey Saudi Arabia.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

2542.jpg This young person appealed to the federal government to open up an embassy in India or send an emissary to Haydrabad where he is currently studying. Nicknamed himself as Engineer because of his passion to reach the highest level in his educational career, Mohamed speaks out of mistreatments Somali students face in India. He recounts a tragic story on Sep 21 when five Somali students were tortured with saws and are now hospitalized in Apollo Hospital.

 

------------------------

 

Ardayda Soomaalida ee wax ka barata wadanka India oo ay marxalad Baqdin iyo amaan darro lasoo gudboonaatey

 

Eng. Maxamed A. Siciid

 

Hyderabad: Ku bilaabid magaca ale bismilaahi raxmaani raxiim all muslimin Ramadaan kariim.

 

Kadib markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia sanadku markuu ahaa 1991 Waxaaa bur burtay oo raacay dawladii dhexe iyo dhaman agabyadii wax barashada Sida jaamcadaa, machadyada iyo dhaman waxbarshii kaloo dhan..

 

Taasi waxay ka liftay in ardayda Somalida qaar-kood inta awooda, inay jaamcada dibada ah iska dhiibaan inay wax barasho jamcadeed u raadsadeen aduunka dacaladiisa sida wadanka India oo kale, oo ay haatan ku nool yihin arday Soomaliyeed lagu Qiysaaay 1000 arday, weliba ardaydaas Soomalida ah waxay u badanyihin magaalada ( Hyderabad magaaladas ku taal koofurta wadanka India gobolka lagu Magacaaaaabo (AP) OR ADHARA PRDESH) Magaalada Hyrabad waa magaalo aad Muslimku ugu badan yahay waana magaalo taariikh u leh dhinaca Muslimka hadda bal aan taabano dulucda ciwaankeena kor ku qoran….

 

Magaalada Hyrabad oo u caan baxday nabad kana mid ah magaalooyinka caalamka ugu nabdoon ayaaa noqotay magaalo ay ka dhacaan qaraxyo is daba joog ah waxaana ku dhintay dad aad u fara badan haddaba taaas waxay keentay In dadka ajnabiga ah aad loo ogaarsado weliba kuwa Somalida ah madaana ay lahayn Dawlad dawlad wax u qaban karta maantay oo xuquuqdooda u doodi karta.

 

Taarikha marka ahayd 21 September ayaa waxa goor habeenimo ah lagu jir dilay Shan ka mid ah ardayda Soomalida ee wax barata wadanka India gaaar ahaan magaalada Hyrabad waxaana lala dhacay ardaydaas faasas, seeefaf and budad, oo gaarsiiyey dhaawac aad u halis ah hadda waxay ku jiraan hosptalka ugu weyn magaalada Hyrabad ee la dhaho (Abolo Hosbtal) taasi waxay baqdin aad u weyn galisay ardayda suuqa aadi jirtey habeenkii ama maktabadaha. Waxayna ku kaliftay ardayda in ay habeenki bixi Karin baqdin awgeeed , ardayda somalida oo ah ardayda ugu isticmaalka badan internetka ayaa habeenadan wax netka ah aan u xaadirin.

 

Walow ay jiraaan kuwa xaafada yaal netka arydayda Somalia qaar ka mid ah Taasoo ay bilaabeen ardayda Soomalida in ay ku adkeeyaan saaxiibadooda internetka xaafada u yaal haddayna suuqa aaadi Karin sababo amaan awgoood..

 

CODSI

 

Waxaan ka codsanaynaa dawlada federalka kumeel gaar ah ee Soomaliya Inay si deg deg noogu soo dirto safiirada ay u magacowday wadanka India Sida uga dhaqsiyaha badan su,aasha ugu weyn hadda ardayda Somalia wadanka India is waydiiyaan waaa goorma imaanayso safiirada dawlada ay soo magacowday ?

 

Hadda waxaa jooga mid ku magacaaban safiirka Somalida laakin kaas Meesha ardayda wax u qaban laha waxa u ku mash quulay wax ka sheega dawlada Somalia iyo madaxdeeda weliba sida madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha kaas oo uu soo saaray buug badan wax kaga sheegayo madaxda Somalia ugu saraysa.

 

Waxaan kusoo koobayaa in somalida hesho guul caaafimad wax barasho iyo nabad waarta inshalah aaamin

 

BY: Eng Mohamed Abdi Said (SAGAC )

 

INDIA HYDERABAD

 

CELL #: 00919885859130

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this