Sign in to follow this  
Paragon

A/Qaybdiid, Hands off Tabliiq!

Recommended Posts

Paragon   

This is the second time Tabliiqis have been arrested, the first time in Baidoa (18 Tabliiqis still in jail) and now in Gaalkacyo!

 

----

Culuma udiin tabliiq ah oo lagu xi xirey Mag. galkacyo

 

Galkacyo 01, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Maleeshiyada Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta waxa ay soo xir xireen qaar ka mid ah culamada Tabliiqa oo ku guda jirey howlahooda baraarujinta diinta Islaamka ee deegaanada Gobolka Mudug .

 

Sida uu idaacadda Shebelle u sheegey goob jooge sheegey inuu arkey culumada la soo xir xirey waxaa maleeshiyada Cabi qeybdiid maanta ay ka soo xireen illaa iyo 4 ka mid ah culumada diinta faafisa ee Tabliiqa.

 

Goobjoogahaasi oo codsaday inaan la sheegin magaciisa sababo amaan waxaa uu intaasi ku darey iney ay ka dib soo qabasha culumadaasi lagu wareejiyey ciidamada Ethiopianka ah ee la tilmaamay iney ku sugan yihiin magaalada Gaalkacyo,waliba si aan leex leexad laheyn oo ay dadku ka war ogyihiin lagu wareejiyey ciidamada Ethiopia.

 

Gobjoogaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqey in culumadan laga soo qabtey agagaarka deegaanka Bandiiradley ee duleedka Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

Waxaana ay xilligaasi ku guda jireen ku baraarujinta diita islaamka dadka deegaanadaasi.

 

Ninkaasi codsadey inaan la magacaabin waxaa uu intaasi ku darrey in dhawaan sidoo kale nin shiiq ah oo meel macmacaan ku lahaa magaalada Gaalkacyo oo ay ka shidneyd goobtiisa dersiyo diini ah iyo muxaadarooyin ay si xun ula dhaqmeen ciidamo halkaasi joogey iygoo wailbana garka ka jiidjiidey...

 

Deegaanadaasi ayaa waxaa sidoo kale aan xittaa loo ogoleyn sida uu sheegey goobjogahaasi iyo dad kale oo ay ku waramayaan in idaacaduhu ay ka waramaan waxa quseeya ciidamada Ethiopia ee halkaasi la tilmaamo iney jogaan iyo kuwa kale ee C/qeybdiid.

 

Tallaabadaasi lagu xir xirey culumada Tabliiqa ayaa waxaa ka xumaadey qaar ka mid ah culumada joogta Gaalkacyo oo aan iyagu awoodin qaarkood iney ka hadlaan xarriga Culumadaasi.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this