Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: The making of a new Capital: Faroole's plan..

Recommended Posts

garowe.jpg

 

Xarumo cusub oo loo dhisayo Laamaha DGPL.

 

Friday, 06-Mar 2009

 

Garowe,Puntland:Madaxweynaha DGPl ayaa maanta booqday buuraleyda Galbeedka ka ah Magaalada Caasimada ah ee Garowe halkaasi oo awal hore looga dhisay xarun Labo dabaq ah wasaaradda Caafimaadka DGPL.

 

Meeshan ayaa waxa la damacsan yahay in looga dhiso xarun labo dabaq ah oo ay yeeshaan golaha wakiilada DGPL,kaasi oo uu maanta indho indhayn ay ku tageen Madaxweynaha DGPl Mudane Cabdiraxmaan SH. Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha golaha wakiilada DGPl oo ay weheliyaan ku xigeenadiisu,Duqa Degmada Garowe iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Dhismayaashan la damacsan yahay in dhowaan la dhiso ayaa mas’uuliyiintu sheegeen in ugu horraynba la dhisi doono xarunta Baarlamaanka oo ah mid casri ah iyo labo wasaaradood oo kale.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay mar uu saxaafadda la hadlayey in dhulka sidiisaba ay dawladdu leedahay maanta laga bilaabo halkan aan taaganahay oo ah buuraleyda Galbeedka Magaalada in aanay jirin cid u soo dhowaan karta ama dhisan karta waxaana ku wargelinaynaa dadweynaha dhagxaanta dhigtay in ay ka gurtaan haddii kale ay dawladdu la wareegi doonto laguna dhisi doono Xabsiga Garowe,dawladda hoosena ay shuqul ku leedahay guristooda dhowaana aanu ka soo saari doono xeer mamnuucaya in la dhisto meeshan aanu damacsanahay in laga dhiso xarumaha dawladda oo laga soo dhex saaro shacabka,meeshana waxaa hore u qoondeeyey Madaxweynihii hore markii la dhisay Puntland Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed annaguna aanu taasi hadda hirgelinayo haddii alla idmo.

 

Sidoo kale waxaa isna goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in golaha wakiiladu ay yeeshaan xarun cusub oo ka baxsan Magaalada,wuxuuna u sheegay shacabka ay dhagxaanu u taal in ay sida uga dhakhsaha badan uga gurtaan,Madaxweynaha hadalkiisana aan ku raacsanahay in ay halkani noqoto xarumaha dawladda Puntland.

 

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Duqa Degmada Garowe Cabdiqaadir Cusmaan Samatar oo sheegay in ay dawladda hoose ay si dhakhso ah u fulin doonto amarka Madaxweynaha DGPL,wuxuuna sheegay in ay kaga gurtaan muddo shan iyo toban Beri ah wixii hadda ka bilaabmana uu dhulkan Buuraleyda ahi ay yihiin Dhul dawladeed.

Intaasi ka dibna waxaa halkaasi naqshadii xarunta golaha wakiilada ku soo bandhigay Injineerka dhisaya xarumaha Dawladda Cabdiqaadir X.Ciise oo ah madaxa shirkadda Mubaarik wuxuuna sheegay in uu mar hore diyaarshay una soo bandhigay Madaxweynaha iyo gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada layskuna raacay naqshadaasi.

IngCabdiqaadir ayaa sheegay in uu si dhakhso ah u bilaabi doono dhismayaasha xarumaha marka uu helo xuduudaha dhulka la doonayo in laga dhiso xarumahaasi.

 

Madaxweynaha ayaa beryahan waxa uu ku hawlanaa sidii ay dawladdu u heli lahayd dhismayaal quruxsan kana baxsan magaalada loogu dhisi lahaa dadaal weyna geliyey isagoo meelo badan maray asbuucan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhuujiye   

waa waxyaalihii ugu horeeyey ee uu ku dhaqaayo in uu ka qabto puntland lakiin waxyaalo badan ayuu damacsan yahay in uu qabto madaxweynuhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maasha Allah, We need to think forward, Puntland needs change and this is good start, I DO HOPE that is not false start and a man building his home town, other cities has to be built as well and most important is choosing a good governors across the state... long live Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Garowe is even close to the prospective oil fields in Nogal valley. This city plan quite makes sense in the long term. We have to plan and document any progress made. We don't record and forcast, a problem we Somalis can overcome as we integrate with the rest of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Faroole iyo Afhayeen Xirsi oo booqday dhul laga dhisayo xarumo dawladeed oo ay ka mid yihiin Madaxtooyo & xarun baarlamaanka Puntland.

 

M/weyne Faroole oo uu weheliyo Afhayeenka baarlamaanka Puntalnd C/rashiid M. Xirsi ayaa maanta booqday dhul loo cayimay in laga dhiso xarumo cusub oo ay yeelan doonaan hay'adaha dalwada ee Puntland.

 

Xarumaha cusub ayaa waxaa ka mid ah xarun uu yeelan doono baarlamaanka Puntland oo 10-kii sano ee la soo dhaafay xarun ku lahaa bartamaha magaalada.

 

Waxaa sidoo kale iyana isla goobtaas laga dhisi doonaa madaxtooyo badali doonta tan hadda ee ku taal bartamaha caasimada Garowe.

 

Dhulka oo ku yaal galbeedka caasimada Garowe ayaa ah dhul buuraley ah oo ka baxsan magaalada, horena alooga dhisay xarumo ay leeyihiin qaar wasaaradaha Puntland sida wasaarada haweenka & horumarinta qoyska.

 

Injineer C/qaadir X. Ciise X. Cumar oo ah madaxada shirkada dhismaha ee Mubaarak ee ku guulaysatay qandaraaska dhismaha xarumaha dawlada ayaa sheegay in ay ebeyeen naqshada xarumaha dawlada, oo ay ugu horayso xarunta baarlamaanka, ayna isla darseen Afhayeenka baarlamaanka, guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada iyo madaxtooyada, ayna diyaar u yihiin in ay bilaabaan dhismaha.

 

Dhulka oo hore loogu qoondeeyey in laga dhiso xarumaha dawlada markii la aasaasay Puntland ayaanu qorshahaasu hirgelin, sida hada muuqatase aad moodaa in hogaanka cusub ee Puntland uu ku tallaabsaday qorshayaal hore oo aanay ku guulaysan madaxdii ka horaysay.

 

M/weyne Faroole ayaa ballan qaaday markii loo doortay hogaanka Puntland in uu is-badel siyaasadeed iyo mid maamul ka hirgelin doono Puntland.

 

Waxaa uu kala kulmay shacabka Puntland taageero aad u xoogan, dal iyo dibadba, waxaana aad loogu han weyn yahay in uu ka dhabayn doono is-badelka uu ballan qaaday.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this