Sign in to follow this  
Fiqikhayre

UAE Officials arrive in Boossaasso Maxjar to inspect Animal Veterinary Quarantine

Recommended Posts

Mas’uul Ka Socda Dalka Imaaraatka Carabta oo Puntland Soo Gaarey (Sawiro)

 

July 27, 2009

 

Mas'uul Ka Socda Dalka Imaaraatka Carabta oo Puntland Soo Gaarey (Sawiro) | read this item Cabdifataax Jamac Mire.

 

Horseed Media

 

Bosaso, Puntland, Somalia

 

Waxaa maanta (Isniin) kasoo dagay garoonka magaalada Boosaaso wafdi uu hogaaminayo mas’uul ka socda Dalka Imaaraatka Carabta, kaas oo qaabilsan Xanaanada Xoolaha oo lagu magacaabo Eng.Maxamed Cali Xamdaani, wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen dhaqaatiir ka tirsan dhaqaatiirta xoolaha dawlada Imaaraatka Carabta, sidoo kale waxa ay xubno ka yihiin Dhaqaatiirata sare ee caalamiga ah ee xoolaha, waxaa wafdigaan ku weheliyay socdaalkooda mas’uulka labada Maxjar ee Puntland iyo Somaliland.

 

Wafdigaan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Wasiirka Xanaanada Xoolaha DGPL Mudane Axmed Xuseen Yuusuf (doonyaale).

 

 

Wafdigaan ayaa ulajeedada ay u socdeen uu ahaa sidii looga furi lahaa Lo’da iyo Geela in la geeyo Dawlada Imaaraatka Carabta oo hore loo geyn jiray Ariga oo kaliya oo hore loogu furay in la geeyo Imaaraatka.

 

Markii ay ka soo degeen Garoonka ayaa waxaa ay u kuur galeen habka ay uga howl galayaan dhaqaatiirta joogta Maxjarka oo ay u eegayaan caafimaadka xoolaha ay doonayaan in la geeyo dawlada Imaraatka, Masuuliyiintaan oo kadib markii ay dhamaysteen Hawlahooda ku aadan u kuur galida habka shaqo ee Maxjarka ayaa saxaafada uga warbixiyay iyagoo tilmaamay in ay Ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta uu yahay mid soo jireena ayna jecelyihiin sidii xoolaha Soomaaliyeed oo ah xoolo qiimo badan ay u iibsan lahaayeen Ganacsatada Imaaraatka.

 

Maxjarka Bosaso ayaa la hirgeliyey sanadkii 2008-dii, waxaana uu hadda shaqeynayaa muddo sanad ah isaga oo noqdey mid aad looga faa’iidey, inkasta oo ay jiraan ganacsato diidey in ay ka qaybqaataan Maxjarka weyn ee Bosaso oo isku dayey in mid gooni u samaystaan, arintan oo an weli xal rasmi ah laga gaarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso-(Allidamaale) :- Waxaa galabta soo gaaray magaalada Bosaso wafdi ka socda Isku taga Imaaradka carabta, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii ay usoo eegi lahaayeen xaalada Maxjar weyn oo halkaas ku yaala, waxa ayna ka soo degeen gagida dayuuradaha ee Badarkhaasim Airport.

 

Bosaso Puntland

Isniin 27 Jul 2009

 

Waxaana goobtaa ka kaxeeyay qeyb ka mid ah dowlada Puntland iyo ciidamada sida gaarka ugu tababaran ee ilaalada Maxjarka, waxayna markiiba gaareen xarunta Maxjarku oo ku taalo dhanka bari ee magaalada Bosaso, halkaas oo ay booqasho ku soo mareen xarunta laabartoriga ee lagu baaro caafimaadka xoolaha oo marka la galayo cagaha baco nadaafada loogu tala galay wufuuda loogu xiray iyo saxafiyiinti warka ka qadaysay iyo masuuliyiinta Dowlada Puntland.

 

waxayna wafdigaasi ku soo mareen lug dhamaan xerooyinka Maxjarka oo dhul aad u balaaran ku fadhiya, halkaas oo ay warbixin ka qaadteen

maamulaha maxjarka Maxamed Faarax iyo shaqaalaha iyagu goobjooga u ah howsha.

 

Ugu danbayntii waxa ay lug ku tageen xafiisyada Maxjarka mid ka mid ah oo ay safaaxada kula hadleen, waxayna u sheegeen in ay ugu

muhiimsanayd safarkooda Puntland shaacinta in ay soo dhameeyeen dhoofinta xoolihii ka dhimimanaa in laga dhoofiyo Maxajarkan oo ahaa Lo'da iyo Geela, kuwaasna ay muda wadaen wada hadalo ay qaateen dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Khaliijka iyo Wadamo kale.

 

Waxaa isna halkaasi sidoo kale ka hadalay wasiirka xanaanada xoolaha. Dowlada Puntland oo sheegay in ay wax wayn ka qabteen shirkadan xoolaha ka dhoofisa dalka, ayna soo dhaweynayaan wax kasta oo ganacsi ah oo dhexmara walaalahooda carbeed, waxa uuna ku booriyay in ay sii wadaan dadaalkooda maalgashi ee ku aadan Puntland.

 

Gabagabadii waxaa halkaasi ka hadalkay Agaasimaha Maxajarka Maxamed Faraax oo sheegay in ay iminka hayaan ilaa 400,000 oo Ari ah oo dhoof loo wado, haatan waxii ka danbeeyana la filayo in ay furamaan Lo'da iyo Geelaa, waxa uuna aad u taageeray wafuuda haatan timid oo uu ku jira masuul gaar ah oo dowlada dalka Khaliijka u soo xilsaartay,waxaana markii booqashada ay u dhamaatay wafdiga loo qaaday Hotelkii magaalada looga diyaar shay wafdigan qaar ka mid ah ayaa hore waxa ay u soo booqdeen xafiiskii maamulka dekada Bosaso oo 2008-dii hayd halka xoolaha laga dhoofin jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

AMAZING PICTURES I've made numerous trips back home and I still think and how enormous bosasso got, from when I first got there. I dont know if it is many people coming from the diaspora or if it's people from the areas who are seeking peace. But the city is now a real city, the buildings, the population I can't describe it. Being abroad and you just hear about the violence, the fighting, that everything is bad. Then you go there and it's completely different, if anyone has the oppurtunity to go, I suggest you take it. It might take a little bit to get use to, but it will be well worth it. The people there started with nothing, and are making something out of it. They've also opened their doors to everyone who have come and found peace and oppurtunity. If haven't been back to Bosasso in 5 years or more, you will be shocked.

 

I was able to see the Maxjar back in 2008 and it was so professional and clean. It has employeed many people and opened up trade with arab nations that had stop taking our live stock.

 

A little off topic, I find out of all the Puntland sites Horseednet is the most up to date and informative. They also post many new pics and announce breaking news. I don't know any other Puntland site with more pics. They have reporters throughout the state and they seem to be very neutral. From what they were back in late 2002 (when they started) to now, they've made big strides. Good job to them!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

One top priority for the North East administration should be a new terminal building.

 

DSC00197.JPG

Just look at the state of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Yeah lots of cows, the port has even more that are waiting to be shipped off.

 

I noticed though that the people back home never eat beef though, maybe some do, but I never saw it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this