Sign in to follow this  
Gabbal

What is going on in Kismaayo now that it will become the venue for Somali peace?

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale oo rajo ka muujiyay xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda FS

 

 

Kismaayo 16 Nov. 05 ( Sh.M.Network) Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta ka ah dowladda Somaliya ayaa muujiyay rajada uu ka qabo xaldhow oo laga gaaro is heysiga u dhaxeeya dhinacyada Jowhar iyo Muqdisho ee dowladda Somaliya.

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda FS Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa hindiso uu soo bandhigay in lagu heshiisiiyo dhinacyada Jowhar iyo Muqdisho ee dowladda FS waxa uu sheegay in uu noqdey mid hirgalay ka dib markii ay soo dhaweeyeen beesha caalamka iyo garabyada Jowhar iyo Muqdisho ee dowladda FS.

 

Col.Barre ayaa tilmaamay in taasi ay tahay sababaha uu rajo wanaagsan isaga ugala muuqato xal laga gaaro khilaafka soo kala dhex galay dowladda Somalia, oo uu yiri waxaa labada garab ee Jowhar iyo Muqdisho ay iska soo xulayaan ilaa 15 xubnood oo sita waxyaabaha dhinacooda ay ula muuqato dhinaca kale uu kaga qaldan yahay.

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowlada Somaliya Col. Barre Hiiraale oo 5 sano ka dib isbaheysigiisa Dooxada ee gacanta ku haya gobolka J.hoose bilaabay in uu hagaajiyo wadooyinka magaalada Kismaayo iyo soo celinta nidaamkii gobolka ayuu sheegay in aysan aheyn macnaha howshaasi mid loogu diyaar garoobayo kulan labada garab ee dowladda la isugu keenomagaaladaasi, isagoo yiri “ waxaan u jeesanay dhinaca horumarka".

 

Mar uu ka jawaabayay su’aal la xiriirtey sida ay ka yeelayaan gaadiid ilaa 50 baabuur ah oo isbaheysiga D/jubba u dagaya Col. Barre oo ku gacan Seyray Baabuurtaasi in ay qoryo saarayaan iyo in kale ayaa tilmaamay in ay u baahan yihiin qeybaha dekedda, Booliska, Airporka iyo shaqaalaha isbaheysiga baabuur ay isticmaalaan.

 

Shabelle Media Network, Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Barre Hiiraale oo ku amray dadka degan Kismaayo in guryahooda ay ka taagaan calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Kismaanyo

 

Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka J/hoose ee Kismaayo ayaa waxey sheegayaan in wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale uu ku amray dadka degan Kismaayo in ay guryahooda ka taagaan calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, iyadoo la arkayey shalay in guryo badan ay u hogaansameen amarka guddoomiyaha Isbaheysiga dooxadda Jubba.

 

Barre Hiiraale wuxuu sheegay in sidoo kale laga shaqeeyo bilicsamida magaalada, lana rinjiyeeyo aqalada ku yaalla xaafadaha magaalada Kismaayo.

 

“Hindisihii aan watay wey soo dhoweeyeen garabyada dowladda ee ku kala sugan Muqdisho & Jowhar, waxaana rajeynayaa in mar dhow uu kulanka labada dhinac uu qabsoomo, iyadoo qolo waliba ay soo magacaabeyso 15 xubnood†ayuu yiri Barre Hiiraale oo intaa ku daray in uusan soo dhoweyneyn in xilligan heshiis lala galo Itoobiya.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Amazing news. So Barre is feeling little patriotic heh.

We are all patriots in one way or another, aren't we?

 

 

Rival lawmakers resolve to end rifts with Somali govt

www.chinaview.cn 2005-11-17 03:12:45

 

NAIROBI, Nov. 16 (Xinhuanet) -- Rival factions of the Somali interim government based in Mogadishu have agreed to reconcile with the government based in Jowhar in a bid to end the rifts that have hampered efforts to restore a functional government.

 

Mohammed Ahmed, Somali government's deputy coordinator of Somalia affairs in Kenya said the faction leaders, among them ministers in the fractured government, had agreed to negotiations after a recent meeting in bullet-riddled capital Mogadishu that discussed ways of ending division in Somalia.

 

"We agreed to engage in a direct negotiations process with our counterparts in Jowhar," Ahmed quoted a statement issued by the Mogadishu faction on Wednesday.

 

"We urge our neighbor countries to play a positive and neutral role in bringing together the Transitional Federal Institutions (TFIs) to restore the Somali government," the statement added.

 

Ahmed said the rival faction leaders fully accepted a proposal submitted by former military senior colonel, Barre Adan Shire (Hirale) who controls much of Somalia's fertile land including the third largest city Kismayo.

 

Sources said the meeting was unanimous and was chaired by Parliamentary Speaker Sheriff Hassan Sheikh Adan.

 

"It was a unanimous decision to engage our colleagues in Jowharand hold a face-to-face meeting without preconditions," a source who attended the meeting said.

 

He said that the face-to-face meeting would be held in Somalia,a demand the Jowhar-based group, headed by President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Ali Muhammad Gedi, had insisted on.

 

The Mogadishu group dropped their demand that the meeting be held outside Somalia under international mediation.

 

"We only ask that the international community to be present as observers to witness any agreement," he said.

 

Members of the fledgling government based in Jowhar, 90 km north of Mogadishu, reportedly welcomed the new development as a "step in the right direction."

 

"We have been calling for direct talks without preconditions for a long time. Now that our brothers in Mogadishu agree, we welcome it with open arms," Somali Information Minister Muhammad Abdi Hayir reportedly said.

 

The Horn of Africa nation has been deeply divided over where the seat of government should be in their country after their relocation from Nairobi in June this year.

 

President Yusuf, Prime Minister Gedi and their supporters maintain that Mogadishu must be secured before they can transfer the government to the city. The other group led by Speaker Adan insist that the government must be based at the capital Mogadishu.

 

There have been several attempts by the international community,including the UN, to broker an agreement between the two groups.

 

Two months ago, Francis Lonseny Fall, special envoy of the UN Secretary-General for Somalia, presented an "agenda for dialogue" to the interim leaders.

 

The new government, formed at peace talks in Kenya in 2004, is Somalia's 14th attempt to reinstate central government since the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre. Enditem

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Bare is doing great job.......!! I guess without his Peace initiatives this TNG government will go no where.

 

If this peace thing goes well than the guy desrves a peace medal..........!!

 

Peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Qorshihii nabadda ee uu dhawaan soo bandhigay Barre Hiiraale oo u muuqdo inuu hirgalay iyadoo ay soo dhaweeyeen xubnaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

 

November 19, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Qorshihii nabadda ee uu dhawaan soo bandhigay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale†ayaa u muuqdo inuu hirgalay iyadoo ay soo dhaweeyeen xubnaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

 

Tan iyo markii ay bilaawatay inay xubnaha dowladda laba u kala qeybsamaan kalena degaan Muqdisho iyo Jowhar dhowr bilood ka hor waxaa sii xoogeysanayey khilaafka labada dhinac waxaana fashilmay tan iyo mudadaas dhowr isku day oo la doonayey in khilaafkaas lagu dhameeyo.

 

Bilowgii sanadkan ayaa isku daygii ugu horeeyey uu fashilmay markii ay dowladda Yaman isugeysay madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan.

 

Isku daygii labaad waxuu ku fashilmay dowladda Kenya iyadoo midkii Saddaxaadna uu ahaa kii lagu bixiyey dadaalka badan ee la isaga dab qaadayey labada dhinac kaas oo uu ka shaqeeyey wakiilka UN Mr. Fall, waxa uuna sheegay Mr. Fall inuu quus ka istaagay dib u heshiisnta xubnaha dowladda.

 

Bil ka hor ayey soo ifbaxday rajo kale oo shacabka soo dhaweeyey taasoo aheyd hindisaha Barre Hiiraale iyadoo arrintaas ay ku kala qeybsameen meel marintiisa xubnaha Muqdisho inkasta oo markii dambe ay isku raaceen xubnaha baarlamaanka Muqdisho.

 

Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale ayaa arrintaas aad u soo dhaweeyey ay qaateen xubnaha Muqdisho ku sugan oo taladiisa ay raaceen.

 

Barre Hiiraale ayaa dhinaca kale ka hadlay sida ay hindisahaas u soo dhaweeyeen xubnaha kale ee Jowhar ku sugan waxa uuna sheegay inuu la hadlay madaxweyne C/laahi Yuuusf oo ay soo dhaweeyeen hindisahaas ayna sugayaan Ra’isal wasaare Geeddi.

 

Wasiirka dib u dhiska ayaa qoraalka uu u kala diray C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan ee qorshaha wadahadalka ku sheegay inuu noqonayo laba waji oo midka Kowaad ay labada dhinac soo dirsanayaan soddon xubnood oo matasha kuwaas oo ugu horeyn isa soo horfariisanaya wixii ka halkaas ku qabsoomi waayana lagu dhameystirayo wajiga labaad oo ay isugu imaanayaan C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan.

 

Qorshahan ayaa ah kii ugu horeeyey oo uu isku dayo dib u heshiisiin uu dowladda ka dhex sameeyo mas’uul dowladda ka tirsan iyadoo ay dhinaca kale aad u yar tahay rajada laga qabi karo in tanaasul rasmi ah laga sameeyo qodobada la isku hayo kuwa ugu waaweyn sida dowrka Itoobiya iyo arrimaha Soomaaliya iyo xilal la magacaabay intii la kala tagay.

 

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in isbadal iyo xal laga gaari doono siyaasada cakiran iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda mar haddii Soomaalida u soo jeesatay in dhexdooda ay is xaliyaan oo ay wadahadlan iyadoo maamulka Somaliland uu hore ugu guuleystay xalka arrimahiisa gudaha maadaama ay beesha caalamka muddo 15 sanno ah ay shirar u qabaneysay Soomaalida kuwaas oo aan wax guul ah laga gaarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this