Sign in to follow this  
Baashi

Eclipse of the heart

Recommended Posts

Wigad   

I think You should pray and do good deeds alot and also read quran.

 

Another suggestion is go to a sheik or a learn person and ask him to help with what ever that is causing the eclipse

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Baashi walaal

 

Below is a Somali language piece I wrote few years ago answering your question.

 

 

Macaanka iimaanka

 

 

Walaal

 

 

Haddaad mar hore dhadhamisay macaanka iimaanka, laakin aad waayahan dareemi la'dayhay, ogow inaad ka tagtay wax wanaagsan ood sameyn jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka iimaankaas. Qoraalkan waxaan ugu tala galay sidii marlabaad aad usoo ceshan leheyd macaanka imaanka eed soo dhadhamisay.

 

Maanta waxaan halkan is xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan dhadhamino, iyo sidaan ku xaqiijin laheyn macaankaas.

 

Dadka bartay cabbidda khamriga, ama daroogada oo dhadhansada , wexey ku dadaalaan sidey mar walba dareenkaas u heli lahaayeen, wexeyna u huraan wax walba si ay dareenkaas u gaadhaan ayagoo og inuu u jar ka tuurayo, ama inuu halaagayo.

 

Waxaa kaloo la soo wariyey in Bilaal Ibnu Rabaax, Mu'addinka Rasuulka SAWS la wareystay sababta uu ugu adkeystay oo uu ugu sabray iimaankiisa cadaabta lagu caddibay bacaadka Makka ee kulul, wuxuu ku jawaabay: " Waxaan isku daray xanuunka cadaabta iyo macaanka iimaanka, waxaa soo dul martay macaanka iimaanka" taasoo macnaheedu yahay, in macaanka iimaanka haduu qofku dhab ahaan u dhadhamiyo, inuu wax walba siisanayo, maxaa yeelay Allah ayaa ka iibsaday muminiinta naftooda iyo maalkooda oo ka iibiyay Janno. Hadaba, qofkii ay u dhabowdo macaanka iimaank, wuxuu helay jannadii adduunka sidii uu yidhii Sheikh Ibnu Taymia markii lagu xidhay xabbiskii Qalcada " Haddii la i xidho, waan khalweyn, xasuusta Allah iyo cibaadadiisa ayaan waqti u heli, haddiii la dhoofiyo, waan jihaadi, haddii la i dilo, waa shahhidnimo, Jannadeydu wexey iigu taallaa laabteyda, cadowgeygu maxey igu fali?"

 

Mar uu Rasuulku SAWS wareystay nin saxaabi ah " Maxaad ku barisay?" ninkii saxaabiga ahaa wuxuu ku jawaabay " waxaan ku ku bariistay muumin-nimo", markaasuu Rasuulku SAWS yidhi, maxaa muujinaya iimaankaaga?" ninkii saxaabiga ahaa wuxuu yidhi " waxaa ii muuqda reer jannaadkii oo isa soo salaamaya, waxaa ii muuqda ahlu naarkii oo is eedaya" rasuulkii Allah SAWS wuxuu markaa ku yidhi ninkii, " Waad haleeshayee, ee ku mitid"

 

rasuulku wuxuu kaloo tilmaamay iimaanka " wax qalbiga ku jira oo uu dhabeeyo waxa la sameeyo"

 

Hadaba waxaad is warsaneysaa, sidee baan iimaan ku helnaa, dabadeedna u hanannaa?

 

Jawaabtu wexey ku xidhan tahay hadba qiimaha uu kula leeyahay iimaanka, taasoo keensaneysa howshaad ku gaadhi leheyd iimaankaas. Waxaa lagu hantaa iimaanka:

 

1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi " Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa ajarkooga xisaab la'aan"

 

2. Ixtisaab: oo macnehhedu yahay in waxaad sameysneyso OO DHAN aad ku raadineyso wajiga Allah oo qudha

 

3, Ducada: Taasoo ah qallbiga cibaadada

 

4. Soonka Sunnada ah; ( Khamis, iyo isniin, iyo maalmaha caddaha ah, lixda shawaal, carafa, caashuuraa)

 

5. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar bog)

 

6. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa saaraya munaafiqiinta)

 

7. Ilaalinta sunnooyinka Rawaatibta ah. ( guri janno ayaa laguugu dhisaa)

 

8. Ku dadaalidda labada rakcdood ee Salaadda barqaha ( duxaa, taasoo xubnahaaga ka bixineysa sadaqada)

 

9. Ku dadaal maalinkii oo dhan inaad ku sugnaatid weysoqab, ( caajiska iyo sheitaanka ayey kaa fogeysaa)

 

10. Ku dadaaal labada rakcadood oo sunnada ah aadaanka dabadiis

 

11. Ku dadaalidda adkaarta subaxa iyo kuwa fiidka ( Faaiido cajiib badan ayaan ka dhaxlay)

 

12. Labo rakcadood oo intaadan seexanin aad tukato ayadood u niyeyesato Qiyaamulleil

 

13. Akhrinta Quraanka iyo ku cibro qaadashada sheekooyinkiisa

 

14. Sunnada habeenkii ee Shafciga iyo watriga

 

15. Habeenkii intaadan seexan ood is xisaabisid ( maxaan maanta korosaday, maxaan khasaaray, maxaa iga dhiman?)

 

16. Dambi dhaaf ood Allah ka bariso si joogto ah.

 

17. Ku fakaridda uunka Allah iyo yaabkiisa ( abuurka cirka iyo cajaaibta dhulka)

 

18. Qalbiga oo laga meydho ( dhaqo) cudurrada ( xasadka, dakanaha iwm)

 

19. Dadkood ugu yeedho waxaad aaminsantahay ( Taasoo iimaanka si weyn u kordhisa)

 

20. Macsida Allah oo laga tago ( macsidu wexey nusqaamisaa iimaanka)

 

21. Waalidka oo baarri loo noqdo.

 

22. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana warhayo)

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Shukran Nur.

 

Mid ha la iga qoro. Meel aan masaajid iyo Muslim midna lahayn kunoolaashaheeda dadoow ha laga feejignaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this