Sign in to follow this  
Juje

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN + new Video of Qaraxii

Recommended Posts

Juje   

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya oo Sacuudiga ku geeriyooday

wasiirka-Isboortiga.jpg

Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya-Saleebaan Colaad Rooble

 

imco, 12 February 2010(HOL): Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga Wasiirkii Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii uu dhaawaca culus ka soo gaaray qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 3-dii December ee aanu ka soo gudubnay.

Wasiirka ayaa wuxuu qabay dhaawac culus, waxaana dalka Sacuudiga loo geeyay in looga daweeyo dhaawacii qaraxaas ka soo gaaray. Alle ha u naxariistee Wasiirka ayaa wuxuu ahaa qofka ugu dhaawaca culus, marka loo eego dadkii dhaawacyada kala duwan qabay ee Sacuudiga lala geeyay.

Qaraxii uu Wasiirka ku dhaawacmay ayaa waxaa ku dhintay Seddex Wasiir oo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ahaa Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiiraddii Caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel. Sidoo kalena qaraxaas waxaa ku geeriyooday hormuudkii Jaamacadda Banaadir Prof. Maxamed Warsame Shahiid, waxaana dhaawac iyo dhimasho ay ka soo gaartay Dhaqaatiir shaqeyneysay iyo Dhaqaatiir Jaamacadda Banaadir ka qalin-jebineysay.

Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay 3-dii December 2009 ayaa wuxuu ahaa mid uur-ku-taallo iyo xanuun ku reebay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna qaraxaas oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay uu ahaa mid lala eegtay dad biri-ma-geydo ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alla ha u naxariisto marxuumka.

 

As for the video, it seems if someone came behind the blue curtain/board on the left and moments later the big boom happens.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this