Sign in to follow this  
BiLaaL

Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah

Recommended Posts

BiLaaL   

Reports that our Mujahidiin had captured a large number of US soldiers in combat were not false after all. Allahu Akbar.

 

Sharif_Sheikh_Ahmed.jpg

 

Mogadishu 01, Feb.07 ( Sh.M.Network ) Gudoomiyihii Fulinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo sii deyn lahaa askar badan oo Mareykan ah oo ay qabsadeen golihii Maxkamadaha islaamka .

 

Sida uu soo daabacay wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta Ilo diblumaadsiyadeed lagu kalsoon yahay oo xiriir la leh Maxkamadaha islaamka ayaa maalintii shalay aheyd waxa ay u sheegeen wakaaladda wararka DPA in ka badan 4 wareeg oo wada hadal ah ay yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka golaha fulinta maxkamadaha iyo Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michel Renerberger isla markaana qaabilsan arimaha Somalia,

 

Wada hadaladaasi ayaa waxa ay ku aadanayeen ama safiirka uu kaga codsanayay Sheekh Shariif in Maxkamadaha islaamka ay sii daayaan 11 askari oo Mareykan ah oo gacanta ay ku dhigeen maxkamadaha islaamka, ka hor 3 todobaad oo dagaal dhulka ah ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ethiopia iyo ciidamada maxkamadaha islaamka.

 

Ilahaan oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in sheekh Shariif uu shuruudo ku xirey sii deynta askartaasi, iyadoo shuruudahaasi ay ka mid ahaayeen in ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan gudaha Somalia, in mareykanka uu joojiyo howlaha militari uu ka wado K/Somalia, In Sheekh Shariif laga wareejiyo dalka Kenya oo loo helo wadan kale oo amaan ah, iyadoo la filayo dalkaasi uu noqdo dalka Yemen iyo In Mareykanka uu dunida u sheego in 11 askari oo Mareykanka ah ay gacanta ugu jiraan golaha maxkamadaha islaamka.

 

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qodobadaan ay suurto galineyso in laga wada hadlo sii deynta askartaasi, iyadoo Sheekh Shariif uu sheegay in nabadgalyo aanu dareemeyn inta uu ku sugan yahay dalka Kenya.

 

Ciidamadan 11 ka ah ee Mareykanka ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qabtey dagaal dhinaca dhulka ah oo Mareykanka iyo xoogaggii Maxkamadaha islaamka ku dhex maray K/Somalia, ka dib duqeyntii Mareykanka uu halkaasi ka geystay.

 

Safiirka Mareykanka iyo Sheekh Shariif ayaa iyagu waxa ay kulamo dhowr ah ku qaateen magaalada Nairobi oo kuwaan ka horeeyay, hasayeeshee lama shaacin waxii ay ka wada hadleen iyo waxii ka soo baxay.

 

Kulamo afar wareeg ah oo shalay dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay saldhig u aheyd ka wada hadalka safiirka iyo Shariifka arimaha la xiriira sii deynta askartaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

All those who had earlier slandered the noble Sheek Shariif and had accused him of forsaking the cause of the Courts should now tender their apologies. The noble Sheekh is showing his committment to the cause of Somali freedom. He must be under tremendous pressure, and perhaps, even naked intimdation to coerce him to forsake the cause for which he has so valiantly fought. He will Inshallah continue to fight, like all noble men before him, for that which he believes in, no matter how difficult the circumstances.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

According to Al-Khaleej, sheik Sharif stipulated the release of the soldiers with several conditions. He said, "Ethiopian soldiers in Somalia should be withdrawn immediately, America should halt the military action in south the country, I should be transferred from Kenya to another safe country (probably Yemen) and the United States should tell the world that 11 of its marine soldiers were seized in Somalia."

He is making a deal with the US, he is giving them info on the whereabouts of his brothers, he is callaborating with the US etc etc was last week's speculation by some Ethio inclined featherweights.

 

I wonder what the featherweights have to say now?

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^Read the aricle closely. A man making deals with the enemy does not set the sort of conditions Sheek Shariif has set.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

The only they can prove this if they:

 

1.Americans publicly acknowledge it. 2.They come up with viable evidence eg. Video recording or Photographs.

 

Otherwise it's all pointless speculation based on hearsay.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

^^Pointless speculation based on hearsay reported by news agencies ;)

 

Cambaro, he is not in a position to make such demands but to me it shows he is a man of principles. Right now we need as many as we can get.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

News agencies are well known for reporting speculation.

 

They said there was 2000 eriterian troops in somalia.

 

Perhaps there could be some truth to it.However it is merely a rumour with no solid evidence except "news agency reportes".One should treat such stories with caution...

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Speculation by SOL featherweights and speculation by media agencies are not one and the same.

 

Much to your annoyance i know,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Nayroobi(AllPuntland)- Guddoomiyihii golaha fulinta maxkamadihii laga awood roonaay Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Nayroobi Michel Ranerberger ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo sii deyn lahaa askar Mareykan ah oo lagu qabsaday dagaaladii ka dhacay koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Wakaalada wararka ee DPA ayaa xiriir ay la sameysay xubno xiriir la leh maxkamaddaha ayaa waxay sheegeen in ilaa afar kulamood ay yeesheen Sh. Shariif iyo Ranerbergar, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii deyn lahaa 11 askarta Mareykanka ah oo garab siinayey ciidamadii Itoobiya.

 

Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sii deynta askartaas waxaa uu shuruud ugu dhigay qodobo ay ka mid yihiin in Mareykanka uu joojiyo duqeynta xaga cirka uu ka wado koonfurta dalka Soomaaliya,in Sh. Shariif loo fasaxo dhinaca dalka Yaman ama dalal kale iyo shuruuda kale oo ah in dalka Soomaaliya laga saaro ciidamada Itoobiyaanka.

 

Qodobadan ayuu sheegay Shariifka in hadii la aqbalo ay soo dadejineyso sii deynta askartaas Mareykanka ah, wuxuuna ku hanjabay in inta uu ku sugan yahay gudaha dalka Kenya xaalada ineysan nabadgelyo ahaan doonin.

 

Dowladda Mareykanka sharuudahaasi in ay aqbashay iyo in kale lama sheegin, wallow sharuudahaasi ay yihiin kuwo u muuqdo in aysan xiligan fuli kartin.

 

Cali Sandheere

AllPuntland,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this