Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Vice President in Erigavo

Recommended Posts

cid%20cer2.JPG

 

Ceerigaabo (Qaran)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefdigii uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay wefdigiisa xubno ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawada , Wasiirul dawlaha Daakhiliga , Wasiir ku xigeenka Dib u Dejinta , Xildhibaano iyo Saraakiil kale oo ka tirsan xukuumada waxa lagaga hor tegay tuulada Yufle oo 25 km dhinaca koonfur galbeed ka xigta Magaalada Ceerigaabo , halkaasi oo ay ku qaabileen maamulka gobolka , Ka degmada iyo Boqolaal dadweyne ah.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wefdigiisa oo intii aanay soo gaadhin Magaalada Ceerigaabo meelo fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag .

 

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu u sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii gurmad biyo dhaamis ah loo gaadhsiin lahaa dadweynaha abaaruhu tabaaleeyeen ee ku dhaqan gobollada dal, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxa socdaalkayagu la xidhiidhaa sidii gurmad biyo dhaamis ah aanu ugu samayn lahayn dadweynaha abaaruhu hayaan , waxaananu rajaynaynaa in ilaahay inoo shubo raxmaadkiisa''.

 

Mudane Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Wixii aanu hayno haddii aanu jeebka ku shubano oo aanu cuno Yawmul qiyaamaha ninka masuulka ahi waxa uu yeelanayaa Toban laab dambi ah ama cadaab ah''.

 

Wasiirka Duuliista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cali Maxamed Waran Cadde , oo halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay safarkooda , waxana uu sheegay in ay soo mareen gobollada Saaxil , Togdheer , Sool , Saraar iyo Sanaag , isaga oo xusay in gobol walba ay siiyeen Kharashkii loogu tallo galay gurmadka biyo dhaamiska ah.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadiisu aanay ka gaabinaynin sidii ay gargaar biniaadanimo ay u gaadhsiin lahayd dadkeeda abaaruhu hayaan.

 

Mudane Waran Cadde oo ka jawaabayay cabasho ay ka muujiyeen dadweynaha degmada Ceel-afweyn sixir barar baahsan oo ka jira gobolka Sanaag iyo saamaynta ay ku yeelatay Maceeshada lacagaha been abuurka ah ee lagu soo macmalo Puntland , waxa uu yidhi "Adduunyada lama arag wadan dal kale suuq u ah oo lacagtiisii socodsiiya , waxaan la yaabanahay in dadweynaha gobolka Sanaag ay adduunyadoodii iyo xoolahoodii lagaga bedesho Waraaqo la soo midabeeyay , waxaanan idiinka digayaa in arrintaasi ka digtoonaataan''.

 

Mudane Cali Waran Cadde waxa uu ganacsatada iyo dadweynaha gobollada Bari ee dalka in ay wax kala soo degaan dekedaha Xiis iyo Maydh oo uu xusay in ay dawladu dhiiri gelinayso sidii badeecaduhu uga soo degi lahaayeen.

 

Wefdiga Madaxweyne ku xigeenku oo haneen hore u hoyday Magaalada Ceynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa Khamiistii uu xadhiga ka jaray xaflad loo sameeyay gobolnimada cusub ee SARAAR.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The delegation led by the Somaliland Vice-President , Mudane Ahmed Yusuf Yasin arrived in Erigavo to a warm welcome from thousands of residents.

 

The delegation which also included the Somaliland minister for Civil Aviation, the Deputy minister for Resettlement, the minister of state at Home Affairs, several members of the Somaliland parliaments and other government officers were met at Yufle, 25 km southwest of Erigavo by the Sanaag regional administration and hundreds of residents before proceeding to Erigavo.

 

Prior to their arrival in Erigavo, the delegation had already visited Sool and Sarar regions, during which they met with local dignitaries and held discussion regarding the situation in those two respective regions. Vice-President Ahmed Yusuf also took part in an inaugural ceremony to commemorate the creation of Sarar region which was held in Aianabo.

 

On the way to Erigavo, Vice-President Ahmed Yusuf spoke to the people of El-Afwein to thank the residents of the town for their warm welcome and to convey a personal message from the Somaliland President, Mudane Dahir Rayale Kahin.

 

Remarkably, the Vice-President arrival in the region coincided with the arrival of heavy rains which are much anticipated and heralded the start of the rainy season. As chair of the Draught Relief committee, Vice-President Ahmed Yusuf recently called for a national day of prayer of the draught stricken areas of Somaliland.

 

Also given brief speech at gathering, Mudane Ali Mohamed Waran'Adde, the minister for Civil Aviation assured the people of the region that the Somaliland government have began to take steps to protect the economy of the area from price inflation caused by illegal and counterfeit money coming across the Somailand border.

 

Mudane Ali Mohamed stated that it is the first obligation of the Somaliland government to secure and developed the eastern regions of the country.

 

The Vice-Presidents' delegation are expected to visit Togdher and Sahil region before returning to Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this